Caabuqa ku dhaca Xubinta Taranka Ee Dumarka (Vaginitis)

Caabuqa ku dhaca xubinta taranka ee haweenka waa xaalad caafimaad oo ay lakulmi karaan da’ walba oo kamid ah dumarka. Xaaladaan caafimaad ayaa ah mid inta badan lagu arko dumarka dhalmada-daayay. Sida caadiga ah, waxaa jira nooc bagteeriya ah oo ku nool xubinta taranka dumarka sida Lactobacillus, bagteeriyadaan ayaa qayb ka ah nooca wanaagsan ee jirkeenu uu ubaahan yahay, waxaana loo yaqaanaa Normal Flora. Waxay soo daayaan dheecaan ama enzyme loo yaqaano yaqaano lactic acid si uu xakameeyo heerka pH-ka (Xadiga aashito ee xubinta galmada) taasoo sahlaysa inaysan ilmaqabatada kale ee dhibta u keeni karta xubinta taranka ugu dhexnoolaan ugana dhex tarmin. Caadiyan heerka pH-ka ee xubinta taranka dumarka ayaa udhaxeeya 3.8 ilaa 4.5. halka jirka intiisa kale ay tahay 7.4

Caabuqan ayaa saameeyaa heerka pH-ka iyo shaqada xubinta taranka dumarka, waxaana soo ifbaxa calaamado iyo astaamo kala duwan.

Maxaa sababa Vaganitis

Waxaa jira noocyo kala duwan oo la xariira caabuqa kuwaasoo la xariira sababayaasha. Waxaa la aaminsanyahay in yaraanshaha xadiga hormoonka loo yaqaano estrogen ay tahay sabab muhiim ah oo caabuqani leeyahay, waana mida loo aaneeyo in xanuunkani ku badanyahay dumarka dhalma-daayay maadaama uu yaryahay soo saarida hormoonka estrogen. Waxaa sidoo kale sababa caabuqaan ilma qabato kala duwan sida bagteeriya, feyrus, fangas, cudurada lagu gudbiyo galmada, kiimikaaliska qaar sida barafuunka ama waxyaabaha la isku carfiyo , Trichomoniasis kaasoo uu sababo baarasayt ( kudul noole) la isagu gudbiyo galmada iyo yaraanshaha (atrophy) xubinta galmadad sababo la xariiro yaraansha estrogen iyo maqnaashaha dhiiga caadada kadib marka la dhalma daayo.

Waa maxay Astaamaha

Xanuunkaan ayaa yeelan kara astaamo kala duwan iyadoo ay ku xirantahay hadba sababta keentay, waxuu caan kuyahay cuncunka xubinta taranka, afaafka hore oo barara, dheecaan lagu arko afkaafko hore, urta xubinta galmada oo siyaada noqota iyo xilliga kaadida oo la dareemo dareen xanuun iyo gubasho isagu jira.

Ka hortag

Nadaafada shaqsiga ayaa ah mid aan la inkiri karin inay ka hortagto xanuuno badan. Sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in marwalba lajoogteeyo nadaafada xubinta galmada, hoosgashiga ka samaysan cudbiga waxuu yarayn karaa cuncunka. Iska ilaali kiimikaalada la isku carfiyo sida barafuunka ama deodrants hana u adeegsan xubinta taranka. Galmada ayaa ka reeban dumarka uu ku dhacay caabuqaan.

Daawada

Waxaa laga yaabaa mararka qaarna dhacda in bukaanku ay bogsato iyadoon tagin goob caafimaad, hadana xanuunkaan ayaa noqon kara mid dhaliya xanuuno kale hadii aan la daweyn. Waxaa jira daawooyin badan taasoo ku xiran sababta xanuunka. Bukaanka ayaa looga baahanyahay inay marwalba ka shaqayso nadaafada iskana ilaaliso waxyaabaha sii kicinaya caabuqaan. Inta badan caabuqaan ayaa lagu daweeya si dhaqso waana mid lagu guuleysto.

Waa maxay khataraha ka dhalan kara

Inta badan ma jiraan khataro uu leeyahay caabuqani. Balse haweenka uurka leh ayaa halis ugu jiri kara inay dhalaan kahor xiliga dhalmada ama inay xiliga caadiga ah ee dhalmada ay dhalaan ilmo miisaankiisu hooseeyo. Dumarka uu haleelay caabuqaan ayaa sidoo kale halis ugu jira xanuuna la isagu gudbiyo galmada.

Talo:

Caabuqaan ayaa ah mid wata dareen cuncun kaasoo aysan jeclaysanayn dumarku, waxaa lagama maarmaan ah in sida ugu dhaqsaha badan loogu tago dhakhtar. Marwalbaba waxaa muhiim ah joogtaynta nadaafada iyo inaan loo isticmaalin wax la xiriira barafuun ama carfiso xubinta taranka.

Check Also

talaalka covid-19,

Dhibaatooyinka Waaweyn Ee Lagu Arkay Dadkii Qaatay Tallaalka Covid-19

Baadhitaan cusub oo lagu faafiyey wargeyska New York Times ayaa lagu ogaaday in dad badani …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *