Xidhiidhka Walaalnimo Ee Geyaanku Sidaan Ayuu Ku Dambeeyaa….

Saddex meelood laba ka mid ah qoysaska is qaba, waxa uu xidhiidhkoodu ku bilowday walaalnimo.

Cilmibaadhayaal ay hor kacayso Danu Anthony Stinson, oo kaaliye bare-sare oo jaamacadeed ka ah qaybta cilminafsiga ee jaamacadda Vicotoria, dalka Canada, ayaa cilmibaadhis ku sameeyey farqiga u dhexeeya xidhiidhka jacayl iyo xidhiidhka walaalnimo ee labada qof ee geyaanka ah. Waxa aanay sahamin ku sameeyeen waayoaragnimada ku dhowaad 1900 oo qof oo ay ku jiraan 677 is qabaa, taas oo ay ku ogaadeen in boqolkiiba 85 ka mid ah uu jacaylkoodu ku bilowday isbarasho walaalnimo oo marka hore dhex martay.

Marka la weydiiyey sababta isbeddelka keentayna waxa ay bixiyeen jawaabo ay Stinson ku tilmaamtay wax lagu qoslo. “Qaarkood waxa ay sheegeen in gacmo is qabsashadoodii ay isu beddeshay dareen jacayl, isbarasho qoys oo dhex martay, xidhiidh jinsi oo si kedis ah uga dhex dhacay iyo hab macaamilkoodu oo abuurayey dareen jacayl” ayaa ka mid ahaa sida ay sheegtay Stinson.

Dhinaca kalana dadka sahaminta laga qaaday oo ay ku jiraan arday laga soo xulay 300 oo jaamacadood oo dunida ah, ayaa lagu ogaaday xidhiidhka walaalnimo ee laba qof ee geyaanka ahi in uu cimrigiisu celcelis ahaan 22 bilood yahay, intaas kaddibna ay u dhowdahay in uu isu beddelo xidhiidh jacayl.

Stinson waxa ay ku doodaysaa in sideedaba xidhiidhka ninka iyo gabadha dhex marayaa uu yahay mid uu ka saayid caleeyo dareenka jinsi ee ku abuurani. “Waxa ay u dhowdahay in maalin uun uu dhexmarayo dareen jinsi oo isu soo jiidaa. Waa ay dhici kartaa in ay fuliyaan dareenkaas iyo in aanay fulin labaduba” ayaa ay tidhi Stinson.

Kamaal Marjaan

Xig. The Guardian

Check Also

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *