Xidhiidhka iyo Is-Moogaysiinta W/Q: Mubarak Hadi

Waxyaabaha ugu wanaagsan ee xidhiidhka labada qof cimriya waxa ka mida is-moogaysiinta. Dad fara badan oo xidhiidh waanagsan lahaa oo lammaane leh, oo saaxiibbo leh, oo shaqo wadaag leh baa xidhiidhkoodii ku burburay kaliya in midkood uu midka kale u fiirsaday iimaha yaryar ee uu leeyahay iyo khaladaadka ka dhaca.

Haddii aad uun u fiirsato wax wal oo uu samaynayo qofka aad wada nooshihiin ama aad jaalka tihiin ama ay wada-shaqayntu idinka dhexeyso, waxaa adkaanaysa in aad u dul-qaadato inaad xidhiidh sii wada yeelataan. Malahayga waa halka ay daaran tahaay maahmaahda tidhaahda `Caqligaagoo bataa (u fiirsashadaada) macrifadaaduu yareeyaa`. Waa run.

Haddii aad iimaha qofka uun ku fooganaato ama khaladkii yaree ka dhacaba aad tidhaahdo maxuu waxaasi u dhacay, adigaa qofkaa u dul-qaadan kari waayaya ama qofkaasaa ee dayntaa u dul-qaadan kari waayaya, sidaas na waxaa ku dumaya damal hadh-waynaa oo aad wada hoos hadhsan jirteen.

Qof aan wax lagu dhibsado lahayni ma jiro, is-moogaysiin bay se u baahan tahay iyo dulqaad. Xasan Al-Basri baa laga sheegaa in uu yidhi: Is-moogaysiintu, waa hab-dhaqanka dadka ahlul karam ka ah. Imaam Axmed ibn Xambalna waxaa isna laga sheegaa in uu uu ba yidhi: Tobankii ba sagaal ka mida hab-dhaqanka wanaagsani waa is-moogaysiin.

Is-moogaysii khaladaadka ka dhaca dadka noloshaada ku wayn sida seygaaga, xaaskaaga, saaxiibbadaada, walaalahaa iyo dadka ay wada-shaqayntu idinka dhexeyso.

Waa hubaal khaladdo fara badan way gelayaan, waxyaabo badan oo aad ku dhibsatana waad ka la kulmaysaa, laakiin ogsoonow, khaladaadkaa ka dhacaya, waxa ka badan wanaagyada ay leeyihiin iyo weliba dheefta aad ku qabto.

W/Q: Ustaad Mubarak Hadi

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *