Wax Ka Ogow Nolosha Iyo Dabeecadaha Maroodiga

dabeecadaha maroodiga, maroodi

Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada quruxda lagu tilmaamo, dhaqanno badan oo dunida ka jiraana ay si gaar ah u jecelyihiin dhaqashadiisa.

In kasta oo uu yahay xayawaan aad u qara weyn, haddana waxa uu ka mid yahay xayawaannada dabeecadda u leh dhibirsanaanta oo aan dhayal ku cadhoon, Waa suurtagal in jacaylkaas aadamaha u dhexeeyaa uu yahay sababta aynu xayawaankan marar badan ugu aragno filimada Carruurta.

Dabeecadaha iyo nolosha maroodiga

1. Maroodigu waxa uu u noolyahay qoys ama raxan inta badan 10 xubnood ka kooban.

2. Qoyska ama wadarta waxaa maamusha qalanjada (Maroodiga dheddig)

3. Dheddigga maroodiga waxaa lagu tilmaamaa xawayaan qab badan oo aan u dulqaadan in meel lagaga dhaco xurmadooda. Si ay taasi ugu suurtagasho waxa ay ku dadaashaa in ay qoyska ama raxanta ka saarto maroodi kasta oo lab oo awood u yeelan kara in uu xukunka kala wareego. Tusaale ahaan marka uu arbuhu gaadho 12 sanno ayaa ay dheddigu ku qaadaan dagaal ku qasba in uu kooxda iskaga goosto

Marka keliya ee ay ogolaadaan in uu si ku meelgaadh ah ugu soo noqdaana waa xilliga ay ka rabaan bacariminta oo ah xilli go’an sannadkii oo uu u tago, marka ay rinto ayaana ay eridaa.

Arrintani waxa ay sababtaa in ay jiraan maroodiyo raxan rag keliya ah oo iyagu ku dhex wareega raxamaha maroodiga ee dheddiga iyo da’ yarta u badan si ay rimiyaan. In kasta oo ay mararka qaarkood dhacdo in la arko raxan uu arbe hoggaaminayo, kaddib markii uu ka adkaaday ama sabab uun kale qalanjada ugala wareegay hoggaanka.

Xeeldheereyaasha culuumta iyo nolosha xayawaanku waxa ay tilmaamaan in raxanta maroodiga ah ee ay qalanjadu hoggaaminaysaa ay dhinaca nolosha ka nidaam iyo maarayn fiicantahay. Waxa aanay taas ku xidhiidhiyaan waayoaragnimada ay dhiddigu ka helaan muddada dheer ee ay xukunka hayaan, iyo da’ yaraanta ay ku qabtaan talada qoyska.

4. Qalanjada hoggaaminaysa raxanta waajibaadkeeda ugu waaweyn ee sida quruxda badan ay u gudato waxaa ka mid ah, in ay raxanta ku hoggaamiso meel baadi yo biyo leh iyo in ay kala shaqayso daryeelka Ubadka iyo qaybaha kale ee qoyska.

5. Maroodigu waxa uu dhaqan u leeyahay iskaashi iyo sida oo kale in kooxdu is caawiso, iyada oo xubin kastaa ay garanayso waajibkeeda bulsho. Dabeecadaha ay xeeldheereyaashu sheegaan waxaa ka mid ah in aanu loollan iyo dano kala jiidasho dhex marin xubnaha maroodiga ah ee isku raxanta ah. Waa dabeecad ay xawayaananda kale oo dhan kaga duwan yihiin.

6. Maroodigu waxa uu leeyahay dhawaq gaaban oo u gaar ah, waxa uu ugu jira kaalinta hadal, dhawaqaas ayaa uu isku afgartaa, kuna xidhiidhaa. Sida oo kale dhawaqaas ayaa uu isugu qaylo dhaan dirsadaa marka ay xubin ka mid ahi khatar dareento.

7. Ka baqashada waxyaabaha yaryar: In kasta oo Maroodigu uu yahay xayawaan aad u weyn oo miisaankiisu gaadho 5 kun oo kiiloogaraam, haddana waxa uu aad uga baqaa xayawaan kasta oo yar, gaar ahaan xayawaannada aadka u xawaaraha dheereeya. Tusaale ahaan haddii uu maroodi arko jiir aad ayaa uu uga argagaxaa, Harimacadkana xawaarihiisa ayaa uu ka argagaxaa.

Cilmibaadhiso lagu sameeyey maroodigana waxaa lagu ogaaday in uu ka baqo wax kasta oo ka qara (Xajmi) yar, gaar ahaan haddii uu xagga dambe / dhabarka kaga yimaaddo. Xeeldheereyaashu waxa ay arrintan ku sababeeyeen aragga maroodiga oo sidiisaba aad u daciif ah awgeed, in aanu kala saari karin xayawaankani in uu yahay mid wax ugaadhsanaya iyo in uu yahay mid aan dhibaato gaadhsiin karin. Sidaas awgeed marka uu xayawaanka yar ee daba socda arko, naxdin ayaa uu boodaa.

8. Fariidnimo: Maroodigu waxa uu ka mid yahay xayawaannada kuwa ugu fariidnimada badan. Baadhitaanno lagu sameeyey maskaxdiisana, waxaa lagu ogaaday in ay ka duwan tahay maskaxda xayawaanka kale oo ay leedahay qaybo xoojinaya garaad badnaanta iyo fariidnimada xayawaankan.

Waxaa maroodiga lagu yaqaannaa in uu leeyahay dareenno la mid ah ka aadamaha oo uu ku muujio cadhada, murugada, farxadda, damaashaadka iyo kalgacalka. Waxa kale oo uu awood yaab leh u leeyahay tababarashada iyo Barashada xirfadaha. Arrintaas oo sababtay in xeeldheereyaasha qaarkood ay ku tababaraan isticmaalka aaladaha iyo qalabyada kala duwan qaarkood.

Waxa kale oo uu mararka qaarkood canjilaa ama ku daydaa aadamaha ka agdhow.

W/D: Kamaal Marjaan

sayidaty.net

Check Also

cuntooyinka suxuurta,

Cuntooyinka Suxuurta Ku Fiican Ee Qofka Ka Ilaaliyo Gaajada Iyo Harraadka

Waxaan halkaan ku soo aruurinay liiska cuntooyinka suxuurta ku haboon: Dufannada caafimaadka uroon: Isticmaalka dufannada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *