Cuntooyinka Suxuurta Ku Fiican Ee Qofka Ka Ilaaliyo Gaajada Iyo Harraadka

Waxaan halkaan ku soo aruurinay liiska cuntooyinka suxuurta ku haboon:

Dufannada caafimaadka uroon:

Isticmaalka dufannada caafimaad u wanaagsan waxay ku siinayaan dareen dheregsanaan ah maalintii oo dhan. Dufannadan waxaa ka ka mid ah miraha afakaadhada, subagga lawska iyo miraha qoondarka (flaxseeds) ee shiidan.

Barootiinta:

Barootiinta oo suxuurta lagu darsado waxay kaa ilaalinaysaa gaajada inta aad sooman tahay. Barootiintu waa nafaqo aasaasi ah taas oo caawisa dhisidda murqaha, sida oo kalena muhiim ah xilliga ramadaanta. Cuntooyinka hodanka ku ah barootiinta waxaa ka mid ah; ukunta, hilibka digaaga, kalluunka, caanaha la fadhiisiyay, digirta iyo misirta.

Miraha iyo khudradda:

Waxaad ka helaysaa faybar, macdano, iyo fitamiinno. Sida oo kale, waxaa ku badan biyaha, taas oo kaa ilaalinaysaa harraadka iyo biyo la’aanta jirka marka aad sooman tahay. Waxaa haboon furuutka iyo khudrada la cuno xilliga suxuurta maadaama ay jirka siinayaan biyo islamarkaana nafaqada jirka ay ka dhigayaan mid isu dheellitiraan. Waxaad isku darsan kartaa yoghurt iyo furuut sida moos, tufaax, afakaadho, miraha beeriska, iwm.

Sida oo kale, waxaad cuni kartaa kartaa ansalaatada, karootada, qajaarka, yaanyada iwm. Waxay ku siinayaan nafaqooyin caafimaad leh.

Cuntooyinka faybarka iyo kaarbohadareetka leh:

Aad ayay muhiim u inaad ku suxuurato cuntooyinka faybarka iyo kaarbohaydareetka leh sida bariiska kafeega ama bunniga ah, boorashka, qamadiga iyo cuntooyinka qamadiga ka samaysan. Cuntooyinkan waqti dheer ayay qaadataa in la shiido taas oo jirka u keydsanaya tamarta inta qofka uu sooman yahay.

Biyo:

Ku dedaal inaad cabto biyo kugu filan xilliga suxuurta si aad u xaqiijiso in dareeraha jirku uu noqdo mid isu dheellitiran.

Allaha naga yeelo kuwii caafimaad ku sooma, dambigooda la dhaafo, soonkoodana la aqbalo. Aamiin

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

cunto ku bilaabista, caruurta yar yar, nafaqada caruurta,

Goormee Cuntada Lagu Bilaabaa Caruurta Yar Yar, Cuntadee Se U Fiican?

Caanaha naaska aad ayay muhiim ugu yihiin ilmaha yar, waana in labo sano la nuujiyo. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *