Cuntooyinka Aan Ku Haboonayn Suxuurta Ee Ay Tahay In Laga Fogaado

Ramadaanka waxaa is beddela nidaamka cunto ee dadka soomaya, waxa ay sabab u noqon kartaa dhibaatooyin ay ugu yar tahay in miisaankii ay ahayd in uu qofka ka dhacaa uu kordho iyo in ay dhibaatooyin caafimaad keento.

Qormadani waxa ay talo kaa siinaysaa cuntooyinka aan ku habboonayn in aad ku suxuurato:

1. Cuntooyinka ama cabbitaannada lagu sameeyey sonkorta badani waxa ay kordhiyaan harraadka, waxa aanay sababaan dibbiro. Iska jir mac-macaanka in aad badsato guud ahaan muddada soonka, suxuurtana ha u dhowaan.

2. Kaafiyeentu (Caffeine) waxa ay jidhka ka saartaa biyaha, gaar ahaan waxa ay badisaa kaadida, taas oo keenta in jidhku uu biyo badan lumiyo iyada oo marka horena aanu biyo helayn xilliga Maalintii oo dhan.

Haddii aad xilliga suxuurta cabtana waxa uu keenayaa in Maalintii gelinka horeba aad dareento engag iyo biyo yaraan badan, taas oo sabab u noqon karta madax xanuun, burbur jidheed, daal iyo in dhugmada maskaxdu ay yaraato, indhuhuna ka daalaan u fiirsiga. Taas beddelkeeda waxaa laga yaabaa haddii xilliga afurka aad cabto in goor hore aad ka soo kabato dhibtaas oo aanu waaberiga kula gaadhin.

Cabbitaannada ay Kaafiyeen ku badan tahay waxa aka mid ah bunka, Shaaha, qaybo ka mid ah cabitaannada soodhaha leh, iwm. Haddii aad helayso bunka noociisa laga saaray Kaafiyeen, dhibaato malaha in aad cabto xilliga suxuurta.

3. Xilliga suxuruta iska jir cuntada ay ku badan yihiin ay xawaashyada, busbaaska iyo milixda badan. xawaashyada cuntada ama shaaha lagu daro sida filfisha, Kaariga, iwm waxa ay sababaan calool olol iyo in dhuunto ay engagto qofka. Sida oo kale milixda oo cuntada lagu badiyaa waxa ay sababtaa harraad. Haddaba dhammaan waxyaabahan ka fogee suxuurtaada.

4. Cuntooyinka loo yaqaanno cuntooyinka fudud ama degdegga ah ayaa iyaguna aan ku habboonayn suxuurta. Waxaa ka mid ah Biisada, sanwiijyada iyo beergarrada iwm. waxa ay leeyihiin xawaashyo badan, waxa kale oo ku badan dufanka. Sidaas awgeed waxa ay keenaan dibbiro, harraad badan, engag, iyo hurdo xumo iyo wahsi badan.

5. Cuntooyinka shiilan waxa ay cabbaan saliidda iyo dufanka lagu sameeyey, sidaas awgeed waxa ay sababaan gaasteri iyo harraad badan. suxuurta ka dheeroow cuntooyinka dufanka lagu shiilay sida quraaca ama saambuusaha iwm.

6. Basasha iyo Toontu waa cuntooyinka dhadhanka iyo dawadaba ku biiriya cuntada, laakiin waxa ay leeyihiin ur ay adagtahay in qofku iska tiro, gaar ahaan marka aanu cunto dambe cunayn. Iska jir in aad ku suxuurato cuntooyin ay basal ama tooni ku badan yihiin ama in aad iyaga laftigooda si toos ah u cunto. Waayo waxa ay keeni kartaa dibbiro iyo laab olol, waxa kale oo ay keentaa ur aan fiicnayn in aad bulshada la dhexgasho, si aad isaga bi’in kartaana aanay jirin xilliga Maalintii ee la sooman yahay.

7. Sharaabka soodhaha leh ayaa sababa dibbiro iyo macaan badan, waxa aanu qofka ku abuuraa dareen beenaad ah in uu dhergey, sidaas awgeed cabbitaankiisu si guudba caafimaadka uguma fiican, si gaar ahna xilliga suxuurta oo uu qofka ku keeno gaasteri, gaajo Maalintii ah iyo midka ugu daran oo ah harraad badan.

Tarju: Kamaal Marjaan

Source: https://www.aljazeera.net/

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *