Ahmiyadda Ay Leedahay In Mooska Lagu Darsado Suxuurta Iyo Cunnada Ugu Fiican Ee Lagu Suxuurto

khubarada ku xeel nafaqada iyo cuntada ayaa ku talinaya in qofka soomaya uu cuno mooska xilliga suxuurta maadama uu faa’iido badan u leeyahay jirka. Waxaa muhiim ah in dadka soomaya ay doortaan cuntooyinka ku habboon suxuurta oo ah cuntada ugu muhiimsan ramadaanka.

Cilmi baarisyo la sameeyay waxaa la ogaaday in Moosku uu ka caawiyo jirka bini’aadamka in uusan dareemin harraad badan taas oo u wanaagsan qofka sooman, maadaama looga baahan yahay in uusan wax biyo ah cabbin maalintii oo dhan. Moosku waa faakiho ama furuuto si fudud loogu dhargo, nafaqo badanna leh, islamarkaana qofka dareensiisa dareen dharagsanaan ah saacado badan taas oo qofka ka caawinaysa inuusan gaajo dareemiin inta uu sooman yahay.

Mooska waxaa lagaa helaa macdanaha Potassium, magnesium, manganese, fitamiinnada C iyo B6, faybar, birta, barootiin iyo maadooyinka jirka sunta ka saara.

Mooska waxaa ku badan faybarka, kaas oo ka hortago calool istaagga, dheefshiidkana u wanaagsan.

Mooska waxaa ku jira sonkor dabiici ah, taas oo macnaheedu waa in laga helo tamar badan oo qofka sooman ka caawinaysa inuu helo firfircooni iyo awood nafaqo uu howl-maalmeedka ku qabsado islamarkaana uu cibaado uga faa’iidaysto bishaan barakaysan isagoo aan dareemin daal iyo tabar darro.

Cunnooyinka kale ee ku wanaagsan suxuurta:

Qamadiga:

Ma ogtahay cunnada ugu habboon ee lagu suxuurto markii la fiiriyo dhinaca caafimaadka, gaajo la’aanta iyo harraad yarida ay tahay qamadiga iyo cuntooyinka laga sameeyay? waxaa soo raaco timirta iyo caanaha gaar kuwa la fadhiisiyay.

Boorashka:

Boorashka waxaa laga helaa barootiin, iyo kaarbohaydareetyo. Wuxuu qofka ka ilaaliyaa gaajada. Waxaad ku suxuuran kartaa boorash, moos iyo caano aad isku darsatay.

Ramadaanku waxa uu ka mid yahay waqtiyada ugu fiican ee la abuurto caadooyin wanaagsan sida joogtaynta cuntooyinka uroon caafimaadka iyo fayow-qabka iyo joojinta cunnooyinka caafimaadka u daran.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *