Ahmiyadda Ay Leedahay In La Cuno Misirta (Cadaska) Xilliyada Afurka Iyo Suxuurta Iyo Qaababka Loo Diyaariyo:

misirta ramadaanka suxuurta

Cadasku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka aadamuhu isticmaalo kuwooda ugu taariikhda fog, taas oo sida ay muujinayaan hadhaa Cadas ah oo laga helay xabaalaha qaddiimka ah ee Masar la isticmaali jiray 2400 oo sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise (CS).

Cadaska (misirta) oo ah cunto loo diyaarin karo siyaabo kala duwan oo ka bilowda in uu noqdo sida fuud / maraq ku lammaan cuntada rasmiga ah illaa iyo in uu noqdo cunto rasmi ah oo iskii loo isticmaalo, ayaa si aad ah looga isticmaalaa dunida carabta gaar ahaan xilliga soonka.

Cadaska oo leh noocyo kala duwan oo isugu jira cagaar iyo midab casaan xiga mar uu gal leeyahay iyo mar aanu lahaynba waxa uu hodan ku yahay barootiin dhireed iyo gal nafaqo leh. Hal mar oo la cuno cadas karsan oo koob badhkii ahi waxa ay u dhigantaa 110 Kaloors iyo 6 illaa 6 giraam oo gan ah. Waxaa intaas dheer in cadasku aanu lahayn xaydh iyo Kalastarool, iyo in uu ku jiro asiidhka Foolik iyo Bootaasiyaam (Folic acid), maadaama oo uu gal leeyahayna intiisa yar ayaa qofka ka caawinaysa in uu dhergo. Cadasku waxa uu dhiirrigeliyaa dhaqdhaqaaqa dhuunta dheefshiidka, waxa aanu caawiyaa in aanu calool istaag dhicin.

Cadasku waa il laga helo tamarta, waxa uu hodan ku yahay ganka oo caloosha iyo guud ahaanba caafimaadka u fiican, waxa uu nidaamiyaa shaqada habdhiska dheefshiidka, oo faa’iidadeeda ay ka mid tahay in uu fududeeyo dheefshiidka cuntada, waxa aanu yareeyaa ama la dagaalamaa calool istaagga.

Maadaama ay cadaska ku jirto maadadda ‘Magnesium’ oo faa’iidooyinkeeda uu ka mid yahay in uu wanaajiyo burqashada wareegga dhiigga, iyo in neefta ogsajiintu ay jidhka si habsami ah u wada gaadho. Taasina waxa ay yaraynaysaa khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xanuunnada wadnaha iyo dhiigfuranka maskaxdu.

Waxa kale oo cadaska lagu ogyahay in uu faa’iido u leeyahay dadka qaba macaanka, waxa aanu caawiyaa dhalaalka iyo quruxda maqaarka, waxa uu ka takhalusaa coodh-coodhka iyo calaamadaha gabowga. Cadaska oo carruurta la siiyaa waxa uu ka caawiyaa dhismaha lafaha carruurta.

Siyaabaha cadaska looga faa’idaysan karo bisha soonka waxaa ka mid ah in uu aad ugu fiican yahay afurka iyo suxuurta, waxa se muhiim ah in marka la karinayo aad looga yareeyo saliidda iyo guud ahaan dufanka:

Cadaska oo shurbad laga dhigay:

Cadaska ayaa marka hore biyo lagu radinayaa, kadib waa la karinayaa, kadib waa la ridqayaa / Shiidayaa, markaas kadib ayaa biyo ama fuud khudradeed lagu karinayaa, sida maraqa ayaana loo cabbayaa xilliga afurka, sida oo kale waxaa lagu dhex miiri karaa liin dhanaan. Waxa uu noqonayaa cabbitaan aad u fudud.

Cadas adag:

Waxa uun laga deynayaa biyaha badan, kadib isaga oo adag ayaa lagu cunayaa roodhi ama kimis.

Cadaskii oo cunto laga dhigay:

Dhulka Shaam waxaa aad looga isticmaalaa Cadaska oo midho ah in lagu dhex kariyo bariis, kadibna lagu dallaco basal, waxa aana la aaminsan yahay in asiidhada ku jira cadaska iyo bariisku ay isu dhafmayaan kadibna noqonayaan nafaqo beddesha hilibka.

Digniin: Cadasku waxa uu dadka qaar ku keenaa dibbiro iyo naqas badan oo caloosha ah.

-Kamaal Marjaan

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *