Muhiimadda Ay Leedahay In La Cuno Kalluunka Xilliga Afurka

Kalluunka oo ka mid ah cuntooyinka marka horeba ku yar miiska cuntada ee Soomaalida ayaa ay cunistiisu sii yaraataa, xilliga Ramadaanka,  maadaama ay dad badani aaminsan yihiin in uu harraad keeno. Laakiin xeeldheereyaasha nafaqadu waxa ay ku talinayaan in xilliga soonka lagu dadaalo cunista kalluunka noociisa dufanka leh oo la ogaday in uu u fiicanyahay caafimaadka wadnaha.

Dhakhaatiir Maraykan ahaa ayaa sheegay in laba jeer toddobaadkii oo la cuna noocyada dufanka leh ee kalluunka; sida Solomonka, Tuunaha iyo nooca loo yaqaanno Mackerel ay sabab u noqon karto in ay ka hortagto ama xakamayso cudurrada wadnaha ku dhaca iyo wadne ku soo boodka kediska ah, ama wadnaha oo shaqada gaba. Si aad u sii xoojiso caafimaadka wadnahaaga ku dadaal in bisha soonka aad isticmaasho noocyadan kalluunka ah ee aynu xusnay.

Xeeldheereyaasha jimciyadda caafimaadka wadnaha ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in toddobaadkii laba jeer oo la cuno qiyaas ah 100 giraam oo kalluun ah, gaar ahaan noocyada dufanka asiidh ee Omega3 hodanka ku ah, ay u fiican tahay caafimaadka wadnaha. Waxa se ay ka digeen in la cuno kalluunka loo sameeyey qaabka shiilista ah.

Erik Rim iyo kooxda cilmibaadhistan la samaysay oo uu isagu hoggaaminayey ayaa joornaalka ‘Circulation’ ku qoray in ay jiraan cilmibaadhiso kale oo daahfuray in isticmaalka asiidhada Omega3 ee dufanka leh uu yareeyo ku dhicista wadne xanuunka iyo garaaca wadnaha oo khalkhal ku yimaaddo. Waxa kale oo ay sheegeen in kalluunka dufanka Omega 3 hodanka ku ahi uu yareeyo khatarta ah in ay xidhmaan xididdada dhiigga wadnaha geeya, iyo in ay dejiyaan dhiigkarka.

Waxa kale oo ay dhakhaatiirtu ka hadleen mid ka mid ah sababaha ay dad badani isaga ilaaliyaan isticmaalka kalluunka, oo ah in ay ka baqayaa in khatari kaga timaaddo suntan meerkeriga (Mercury) oo kalluunka jidhkooda la falgasha gaar ahaan nooca Tuunaha. Waxa aanay sheegeen in maadaddani ay ku jirto inta badan ee kalluunada badda, laakiin ay si gaar ah ugu badan tahay kalluunada waaweyn ee ay ka mid yihiin Libaax badeedka iyo tuunaha nooca isha weyn leh. laakiin waxa ay sheegeen in suntan meerkeriga oo jidhka gashaa aanay badin khatarta ah in qofka ay ku dhacaan xanuunnada wadnuhu. Iyo in marka la is barbar dhigo khatarta kai man karta cunista kalluunka iyo faa’iidada caafimaad ee ku jirta, ay mar kasta aad u badan tahay faa’iidadiisu.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *