Faaidada Sanjabiishu Ay U Leedahay Hamiga Kacsiga Raga Iyo Qaababka Loo Isticmaalo

sanjabiisha galmada

Sanjabiishu waa dawo dhaqameed aadamuhu muddo dheer soo isticmaalayay iyadoo loo adeegsan jiray in si dabiici ah loogu kobciyo dareenka kacsiga.

Hadaba su’aashu waxay tahay, sanjiibiishu miyay kordhisaa doonista jinsiga? 

Waxaa la aaminsan yahay in sanjabiishu ay faaido u leedahay kobcinta hamiga kacsiga, waxaa loo sababeeyaa dhowrkaan arrimood: 

  • Sida ay daraasaadka qaar tilmaamayaan,  “oxidative stress-ku waxa uu saameyaa bacriminta  iyo howsha galmada. Waxaa loo ogsoonyahay in sanjabiishu ay la dagaallanto hurka (inflammation) iyo oxidative stress-ka jirka. 
  • Waxaa jira caddeymo muujinaya in sanjabiishu ay kobciso bacriminta ragga iyo dumarkaba. Sidoo oo kale sanjabiishu waxay sare u qaadaa tayada manida. 
  • Waxaa la arkay in sanjabiishu ay kordhiso qulqulka dhiigga, taas kor u qaada doonista jinsiga..  Daraasado kale waxay iftiimiyeen in sanjabiishu ay ka hortagto xinjirowga dhiigga, islamarkaana ay ka qeyb qaadato hagaajinta qulqulka dhiigga iyadoo ballaarisa xididada dhiigga tan oo siyaadisa dareenka kacsiga. 

Sanjabiishu miyay daweysaa kacsi la’aanta raga?

Ma ahan arrin qarsoon in sanjabiishu ay tahay dawo lagula tacaalo kacsi la’aanta.

Daraasado dhowr ah ayaa lagu arkay in sanjabiishu ay kordhiso heerka hormoonka testosterone iyadoo siyaadisa soo saarista hormoonka “luteinizing” islamarkaana sare u qaada heerka kolestaroolka ee xiniinyaha taas oo waxtar u leh kobcinta doonista jinsiga. 

Sanjabiisha waxaa ku jira walxo liddi ku ah hurka (anti-inflammatory) kuwaas la arkay inay faaido u leeyihiin kala goysyada, maskaxda iyo kacsiga ragga. 

Sidee loo isticmaalaa sanjabiisha si loogu kobciyo hamiga kacsiga?

Sanjabiisha waxaa waxtarkeeda looga faaidaysan karaa in la joogteeyo isticmaalkeeda iyadoo lagu darsan karo shaaha iyo suugada. Sida oo kale, waxaa lagu dhex shiidan karaa cabbitaannada khudradda iyo furuutka.

Ugu dambeyntii sanjabiisha waxaad u adeegsan kartaa inaad ku kobciso rabitaankaaga galmada. Sida ay daraasaadku tilmaamayaan sanjabiishu waxay kordhisaa qulqulka dhiigga, waxay hoos u dhigtaa waxa loo yaqaanno “oxidative stress” oo ah in jirku uu lumiyo awoodda uu u lahaa inuu isu dheellitiro sunta jirka ku samaysanta iyo lidka sunta, waxayna kobcisaa bacriminta ragga iyo dumarka.

FG: Fadlan ka dhigtoonow inaad si xad dhaaf ah u isticmaasho sanjabiisha maadaama ay keeni karto cillado ay ka mid yihiin laabjeex, shuban, daaco, iyo calool xanuun. 

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *