Faaidada Dhagayaraha Uu Ragga U Leeyahay Iyo Sida Saxda Ah Ee Loo Isticmaalo

Dhagayaraha waa dhir daweed qiimo badan, waa geed caraf iyo dhadhan fiican u yeela cunnada, waxaana ka buuxa nafaqooyin muhiim ah iyo maadooyin kale oo caafimaadka waxtar u leh.

Inkastoo dhagarayahu uu faaido u leeyahay dadka oo dhan haddana waxaa si gaar ah ugu sii roon yahay ragga, maadaama uu wanaajiyo awoodda bacriminta, sida oo kalena uu ka ilaaliyo cudurrada raaga.

Hadaba warbixintan oo aynu ka soo xigaynnay shabakadda caafimaadka ka warranta ee Boldsky waxay aynu ku eegaynaa faaidada dhagayaraha uu u leeyahay ragga.

Kordhinta shahwada ragga:

Arrimo badan oo qaab nololeedka la xiriira ayaa hoos u dhiga dhalmada ragga, shahwadoodana yareeya, waxaana ka mid ah da’da, cunno xumada, sigaarka, khamriga iyo cudurrada raaga qaarkood. Sida lagu arkay daraasad la sameeyay, dhagayaruhu waxa uu leeyahay awood sunsaaris, waxa uu xubnaha taranka ka ilaaliyaa dhaawaca ay gaarsiyaan xidida xorta ah (free radicals), waxa uu kordhiyaa soo saarista shahwada, waxaana uu wanaajiyaa tayadeeda iyo socodkeeda.

Kordhinta hamiga kacsiga:

Dhagayaraha waxaa ku jira walxo loo yaqaanno “phytochemicals” oo kordhiya doonista jinsiga. Geedkaan waxaa muddo qarniyo loo isticmaali jiray in sare loogu qaaado howlgudashada xiriirka gogosha, kordhinta heerka hormoonka “testosterone” iyo ka hortagga biyo baxa degdega ah.

Ka hortagga cudurrada xasuusta lumiya:

Cudurrada xasuusta lumiya sida Alzheimer’s iyo dementia waa cudurro badanaa duqnimada la xiriira. Si kastaba ahaatee, ragga ayaa xanuunnadaan kaga badan dumarka waxaana loo aaneeyaa fadhiga badan iyo balwadaha sida sigaarka iyo khamriga. Dhagayaruhu waxa uu leeyahay awood sunsaaris iyo lur bi’ineed (anti-inflamatory) taas oo ka hortagta hurka iyo dhaawaca ay unugyada maskaxda gaarsiyaan waxa loo yaqaanno “free radicals”.

Caafimaadka ilkaha:

Dhagayaraha waa xanuun baab’iye aad u fiican waxaana loo adeegsadaa dawaynta ilkaha, sababtuna waa saliidda ku jirta ee loo yaqaanno “eugenol oil”, Waxaa uu ka hortagaa infekshannada cirridka ku dhaca, caabuqa iyo xanuunka cirridka. Sida oo kale, dhagayaruhu waxaa uu la dagaallamaa urta aan fiicnayn ee afka.

Xakamaynta sonkorowga:

Sida ay daraasaadku muujinayaan, ragga ayaa dumarka kaga nugul halista cudurka sonkorowga sababtuna waa buurnida iyo miisaanka xad dhaafka ah ee ay kaga badan yihiin.

Dhagayaruhu waxa uu yareeya heerka sonkorta dhigga iyo heerka kolestaroolka, waxaana uu dhaawaca ka ilaaliyaa beerka. Arrimahaani waxay kaalin mug leh ka qaataan xakamaynta iyo ka hortagga cudurka sonkorowga.

Dhiig Karka:

Sida ay daraasaadka tilmaamayaan, ragga ayaa dhiig karka kaga badan dumarka. Dhagayaraha waxa uu yareeya dufanka dhiigga ee loo yaqaanno kolestaroolka, waxa uu hagaajiyaa qulqulka dhiigga ee jirka, waxa uu ilaaliyaa caafimaadka murqaha wadnaha, waxaana uu xoojiyaa difaaca jirka. Arrimahaan oo dhan marka la isku daro waxa ay hoos u dhigaan cadaadiska dhiigga, sidaas darteedna waxay yareeyaan halista dhiig karka.

Ka hortagga bidaarta:

Saliidda eugenol ee ku jirta dhagayaraha waxay uroontahay caafimaadka timaha. Bidaartu waa cillad rag badan culeys ku haysa. Cilmibaarisyo la sameeyay waxaa lagu arkay in isticmaalka dhagayaraha- afka ha laga qaato ama tinta hala mariyee, inuu yareyo timo daadashada.

Waxaa jirta saliid laga miiro dhagayaraha, waxaana la aaminsan yahay in saliidu ay ka waxtar badan tahay midhaha dhagayaraha, sidaas daraadeed hadii dawo u isticmaalayso dhagayaraha saliidiisa isticmaal, haddii aadan helin karin saliida sidiisa ku isticmaal.

Saliidaan waa la cabbi karaa, cunnada waa lagu darsan karaa korkana waa la marsan karaa.

Dhagayaraha cabitaannada kulul ayaa lagu karsadaa sida shaaha, kafeega iwm, raashinkana waa lagu karsadaan. Sida oo kale inta midhaha dhagayaraha biyo lagu radiyo habeenkii ayaa subaxa xiga la cabaa.

W/D: Hirsi Ahmed

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *