Deymada Indhaha Iyo Faaidooyinka Ay U Leedahay Xidhiidhka!!

Haddaad moodayso in xidhiidhka wanaagsani u dhalasho yahay, waad qaldan tahay. Waa xeelad iyo xirfad la barto, qof kastaana awood u leeyahay in uu ku tababarto. Hababka xidhiidhka tayeyntiisa iyo adkayntiisa qaybta libaax ka qaatana waxaa ka mid ah deymada indhaha, oo awooddeeda iyo muhiimaddeedu ku xidhanyihiin awoodda uu qofku u leeyahay ka faa’iidaysiga deymadaas, oo ay ka mid tahay goorta uu indhaha indhaha u saarayo iyo marka uu indhaha kala weecinayo isaga oo weli eegaya wejiga qofka.

Faa’iidooyinka ay deymada indhuhu, gaar ahaan nooca loo yaqaanno deymada ‘Clinton’ u leedahay xidhiidhka labada qof dhex maraya waxaa ka mid ah:

  1. XURMAYN: Xidhiidhka indhuhu waxa uu qofka dareensiiyaa in aad qaddarinayso, taas oo ku qasbaysa in uu isaguna xurmayn la mid ah kuugu jawaabo. Iska jir dhaqanka ah in qofka kaa sarreeya aad ka foorarsato, oo naftaada bar in aad indho xurmaynaya ku eegto, xitaa haddii uu yahay maamulahaaga shaqada, ama waalidkaa. Waayo indhuhu waa halka keliya ee laga dheehan karo run in aad sheegayso iyo dareenka diirran ee laabtaadu ay qofka u hayso.
  2. ISFAHAM: Marar badan ayaa deymada tooska ah ee indhaha iyo debnaha qofka kula hadlayaa ay tahay habka keliya ee aad ku muujin karto xiisaha aad u qabto in aad fahamto waxa uu qofku ku hadlayo, iyo in aad gaadho jawaabta ‘Haa’ ama ‘Maya’ ah ee aad ka sugayso.
  3. ISKU XIDHNAAN: Awoodda yaabka leh ee deymada indhuhu waxa ay gaadhsiisan tahay in ay isku xidho dareenka iyo xiisaha qofka ee muddada dheer ah. Deymada indhaha qofku waxa ay abuurtaa in ay kiciso ama baraarujiso unugyada neerfeed ee maskaxda qofka uu la xidhiidhayo.
  4. KALSOONI: Lillian Glass oo ku xeeldheer cilmiga akhrisa xarakaadka jidheed ee qofka ama waxa loo yaqaanno ‘Luuqadda jidhka’ ayaa sheegaysa in xidhiidhka indhuhu uu beero kalsooni, quwadda, hal-adayg iyo ixtiraam.
  5. OGAANSHIYAHA AFKAARTA IYO DAREENKA: Waxaa jira hal ku dheg yidhaahda, ‘Ishu been ma sheegto’ waxaana la ogyahay in aanay jirin qiso jacayl oo aan ku bilaaban deymo indhaha labada qof oo isku beegmay ah. In indhaha qofka aynu eegnaana waa sida ugu fiican ee aad isugu dayi karto in aad fahamto fikirka ka guuxaya maskaxda qofka iyo dareenka runta ah ee uu ka qabo arrinka aad ka wada hadlaysaan.
  6. ISHAARAYN / SEENYAALAYN: Wiilka indhaha oo aad weynaysaa waa calaamad aad ku muujin karto in aad sheegay qofku kuu sheegay la dhacsan tahay ama aad muhiimad weyn u hayso. Indhaha oo aad kala fidiso, adiga oo sunneyaashana kor u qaadayaana waa hab aad ku muujin karto in aad ka xuntahay waxa lagu sheegay.
  7. Indhaha oo biyo lagu soo joojiyo ama loo muujiyo in midabkoodu isla beddelay ilmo ku soo joogsatay ayaa ah xeelad kale oo uu qofka xariifka ahi ku muujin karo in aanu ka raalli ahayn waxa loo sheegayo. Dadka arrimaha sida gaarka ah ugu dhaqmaana waxa ay ku daraanba in ay indhaha gacanta ama masar ku masaxaan si ay u muujiyaan in ay si qarsoodi ah u joojinayaan illin ka imanaysay indhihiisa.
  8. Eegmada foolka ama wejiga qofku waa calaamad muujinaysa in aad muhiimad siinayso, in aad eegi weydaana waa farriin uu ka fahmi karo in aanad muhiimad siinayn ama ka fikiraynba isaga, xitaa haddii aanad sidaas u jeedin.
  9. Kor in aad eegtaa waa calaamad muujinaysa in aad daashay ama wax xasuusanayso. Gaar ahaan marka aad shirarka iyo kulamada joogto ama goobaha waxbarashada iyo imtixaanaadka fadhido.
  10. Indhaha oo aad ilayskooda yarayso ama qaab tashuus aragtida gelinaya oo kale ka dhigtaa waa calaamad muujinaysa in aad culays nafsi ah ama warwar qabto, ama in aad diidantahay ka hadalka wax naftaada u qarsoon.
  11. Iljdbinta ama indhaha oo mid ahaan ama labadaba la isku qabto kaddibna dhaqso loo kala furaa waa calaamad muujianysa ciyaar iyo dheeldheel. Sida oo kale waah ab muujinaya in qofka aad la hadlayso aad ku heshiiseen arrin xiise ama qosol leh.
    Xusuus: Habkan waxaa jira dhaqanno Soomaalida ka mid tahay oo diidan ama ceeb iyo dhaqan xumo u yaqaanna.
  12. Hoos u foorarsigu waa calaamad qofku ka fahmi karo niyadjab, murugo ama in uu yahay dembiile is og.
  13. Caadi ahaan halka qofku in uu eego laga filaa waa wajahaaddiisa, sidaa awgeed hareero eegga iyo deymada badan waa calaamad lagu yaqaanno qofka oo sheekada loo wado diidan, ama qofka sheekada u sheegaya aan ixtiraam iyo wanaag u haynin. Waxa kale oo ay noqon kartaa cadho iyo diiqad uu qofku qabo.
  14. Ku talaxtagga deymadu waa calaamad muujinaysa in qofku uu been sheegayo, isla markaana doonayo in uu kugu qanciyo.
    Inkasta oo ay dad badani aaminsan yihiin in beenaaluhu aanu eegi karin indhaha qofka uu beenta ugu warramayo, haddana cilmibaadhisaha kala duwan ee la sameeyey waxa ay sheegayaan in beenaaluhu uu xoogga saaro deymada indhaha qofka uu beenta u sheegayo. Isaga oo aaminsan in dhiirranaanta iyo deymada indhaha qofku ay tirtirayso shakigii uu qofku ka qabi lahaa beenta uu sheegayo.

FG: Waxaa jira dhaqannada qaar uu kan Soomaalidu ka mid yahay oo aaminsan in indhaha oo hoos loo jeediyaa ay tahay hab uu qofku ku muujiyo ixtiraamka cid waalid ah, ama xil muhiim ah haysa.

Kamaal Marjaan

Check Also

dhiiri galin guusha

Cashar Muhiim Ah

1. Nebi Muuse (CS) iyo tolkii, markii ay Fircoon iyo ciidamadiisu baacsanayeen, xilli ay nafta …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *