Cashar Muhiim Ah

dhiiri galin guusha

1. Nebi Muuse (CS) iyo tolkii, markii ay Fircoon iyo ciidamadiisu baacsanayeen, xilli ay nafta u yaabban yihiin ayaa uu Alle Nebi Muuse u shegay in ushiisa uu badda ku dhufto si ay ugu kala dillaacdo oo ay u helaan jid ay uga gudbaan dhinaca kale.

2. Nebi Ibraahim (SC), markii uu dhammaystiray dhismaha Bayd Alle (Kacbada), waxa uu Ilaahay ku amray in uu dadka dunida u dhawaaqo oo uu cod dheer ugu yeedho in ay yimaaddaan xaramka, si ay ugu soo xajaan.

3. Maryam, Nebi Ciise hooyadii iyada oo xanuunka fooshu hayo, xaaladduna ku adagtahay oo fadeexadaynta iyo dhibaatada tolkeed ku hayey ka soo durugtay, Nebi Ciise oo Alle aabo la’aan caloosheeda ku abuuray awgeed.

markii ay gaajootay waxa uu Alle u sheegay in ay lusho jiridda geed timir ah, si rucubo timir ahi ugu soo daataan.

Haddaba, ma ogtahay in Ushu aanay bad kala jeexi karin, in dhawaq qof aanu gaadhi karin ummad aan degmo iyo goob kula joojin, iyo in itaalka ruux fooli haysaa aanay luli karin jirrid geed. Keliya waxaa looga baahnaa in ay sababta la yimaaddaan, xarakaad iyo hawl in ay ku kacaan si waxa ay rabaan ay u helaan.

Dersiga ku jiraana waa in aanad isu dhiibin dhibaatada, khatarta iyo caqabadaha ku soo waajahaya, fadhina aanad ku sugin sida ay kaa yeelayaan. La kaalay dadaal, fikir iyo dhaqdhaqaaq aad ku raadinayso in ay sabab u noqdaan faraj iyo xalka aad raadinayso, adiga oo talo saarashada Alle aan ka tegeyn, kuna kalsoon awoodihiisa.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *