Guurso Gabar Karti leh! (Sidaas Ayuu Farayaa Cilmigu)

(Waxaad guursataa gabar karti leh)… Sidaas ayuu ku farayaa cilmigu!

Waxay ku soo ururiyaan dadku talooyinka ay siinaayaan ninka doonaaya guur inuu raadsado gabar qalbi jilicsan si uu awood ugu yeesho in uu maamulo uuna jiheeyo, iyaduna ay si degdeg ah ula qabsato dabeecadihiisa iyo qaabkuu u rabo maaraynta nolosha. Laakiin cilmigu wuxuu qabaa ra’yi kale, wuxuu kula talinaya ragga si gaara kuwa hanka sare leh in ay raadiyaan gabar karti leh, arintaana wuxuu u cuskaday cilmigu siddeed sababood:

  1. Gabadha kartida leh majirto wax u qarsoon oo ku khasbaaya in ay kugu lamaanaato, Maxay kuugu lamaantahay? Danayn oo keliya, kuuguma lammaana xoolo dartood iyo arimo caadifadeed, sidoo kale baqdin lagama qabo in uu go’o xiriirka aad al leedahay gabar karti leh, maxaa yeelay? Waa qof baraareheeda hadlaysa oo aan kugu hawlayn in aad dadaal ku bixiso sasabasho ama xoolo siin.
  2. Gabadha kartida lihi xiriirka waxay u aragtaa garbo siman, waxay u raadinaysaa nin, waa uun in ay rabto in nolosheeda qiimo dheeraada yeelato, sida lagu caddeeyey maqaal lagu qoray bogga (Powerofpositivity) gabadha kartida lihi waxey raadisaa nin kor u qaada maaha mid hoos u dhiga, isla sidaas ayeey u jeceshahay inay wax uun ku kordhiso nolosha lamaanaha ay nolosha lawadaagto; waxay dareensantahay muhimadda ay leedahay xiriirka iyo huritaanku. Gabadha kartida lihi kaama doonayso wax ka badan waxaad awooddo in aad hurto, markuu arinku la xiriiro jacaylkiina.
  3. Gabadha kartida lihi waa mid si qoto-dheer u caqli badan , wuxuu ogaaday Lorans- oo ah Barafasoor sharafeed ka ah jaamacadda Edinburgh ee boqortoyada Ingiriiska- in gabadha garaadka badani ay awood u leedahay inay ninka ka ilaaliso cudurada Asaasaqa iyo Sahaymarka noloshiisa dambe, wuxuuna sugay maqaal lagu daabacay bogga (Independent) in gabadha caqliga badani aysan dayn in ay ninkeeda cariso fikir ahaan (Doodo maangal ah lagasho markasta), taas ayaana ka saacidda in awooddiisa garaad ay joogto ayadoo caafimaada .
  4. Ma jecla gabadha kartida badani Nakdiga (shakiga iyo dhibta) , waxay u dhaqantaa dareen ahaan iyo fikir ahaanba si bisaylnimo/ qaangaarnimo ah, waxay ku kalsoonataa lamaanaheeda oo waxay dhagaysataa aragtidiisa wayna ixtiraantaa.

Waxay ogoshahay in aysan fara galin arimahaaga goonida ah, waxaa kuu suurta galaysa in aad waqti la qaadato saaxibadaada, shaqada kadib, ayadoon kaa xanaaqin, maxaa yeelay wax kasta waxay siisa muggiisa ayadoon ku talax tagin jawaab celinta, waana waxa ka dhigaya ninka mid xor ah oo madax banaan oo u diidaaya in uu ahaado mid silsiladaysan dhammaan waqtiga sida rag badani dareemaan.

  1. Waxay hadashaa baraaraheeda oo si xoriyad leh u dhiibataa aragtideeda, markii lagu guda jiro doodaha is maandhaafka ah, waxay ka shaqaysaa xalinta dhibaatooyinka markay dhacaanba si aysan isugu badan.

Gabadhaan waxay leedahay qaabkeeda goonida ah marka la joogo is maandhaafka, maxaa yeelay? Ma ogolaato in caradeedu maamusho doodda oo xaqiiqdii hal xagal iskuma aruuriso (doodda hal dhinac kama rarto-macnaha teeda uun ma socod siiso-). Haddii dhibi dhacdona ma diido in si caqli ah wax loo maamulo ilaa laga xalliyo arinta.

  1. Waxay taageertaa saygeeda oo waxay dhistaa hankiisa, maxaa yeelay ? Gabadha kartida leh waxey leedahay han sare, sidoo kalena waxey la jeceshahay saygeeda oo way ku garab siisaa.

Siduu xusay maqaal lagu daabacay (Aconsciousrethink), wuxuu dareemaa ninku kalsooni badan si uu naftiisa u dhiso ugana xog warramo naftiisa iyo hankiisa hadduu ogyahay in uu jiro qof ka dameeyaa oo taageeraaya, oo aan ka daalayn taageeridiisa markuu dhagaysto afkaartiisa, una taageera si tolmoon.

Waxay kaga hagoogataa dhibaatoyinka la kulmi kara, marka uu taageero wax ku ool ah uga baahdo, waana arin ay samayn karto keliya gabar karti leh.

  1. Xaaska kartida lihi waxay kaa dhigaysaa mid aad maal-qabeen u ah, maadaama ay leedahay doonis iyo han shaqo oo ku riixaya in ay dalacdo heshona mushahar badan. Isla markaaba siday qabto (Postgrandproblems), arintaasu way ku dhiiri galinaysaa waadna dadaalaysaa si aad u dalacdo una hesho mushahar badan adiguna. Ugu dambayntiina maalqabeenno ayaad wada noqoneysaan.
  2. In aad doorato gabar karti badan si ay nolosha kuula midowdo, waxey kaa dhigaysaa qof dadka ka duwan (ka horamarsan), gabadha kartida lihi waxay raadisaa nin leh tilmaamaheeda oo kale, si ay u tageerto isaguna u taageero.

Macnaha ku jira in aad xulato ama doorato gabar karti leh, ayaaba waxey ka dhigan tahay in aad tahay nin ragga kale ka horumarsan si xad dhaaf ah, oo leh tilmaamaheeda oo kale sida carin, karti iyo caqli badnaan.

W/Q: Fariidah Axmed.

W/T: Madasha Tarjumaadda ee Hoobaan

Tixraaca: Aljazeera

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *