Gabadha Leh 14-kaan Astaamood Ha Sii Deyn Ee Guurso

Dadka ku jira xiriirrada waqtiga dheer qaata waxa ay ku tagi doonaan maalin ay is weyddiiyaan: tolow tani ma tahay qoftii aan rabay nolosheyda inta ka harsan in aan iyada la qaato? War gabadhani ma tahay mataanteyda? Saynisyahannadu waxa ay ku hawlan yihiin sidii ay uga gungaari lahaayeen sida dadku isugu habboon yahay iyo tilmaamaha labada qof u horseedi kara xiriir farxad leh oo waara.

Cilmibaarisyada arrintan ku saabsan kuwooda ugu muhiimsan uguna xiisaha badan ayaan halkan ku soo ururinnay. Haddii gabadha garabkaaga joogta ay leedahay 14-kaan tilmaan iyo dhaqan, waxaad ogaataa in mataantaadu ay gacanta kuugu jirto.

  1. Waa ay kaa caqli badan tahay

Kolka aad baadigoob ugu jirto gabar nolosha kula wadaagta, hubi in ay tahay tu caqli badan. Waxaa wanaagsan in gabadhu ay adiga kaa caqli badnaato. Cilmiguna sidaa ayuu qabaa. Lawrence Whalley oo barafasoor halwgab ah kana tirsan Jaamacadda Abardeen ayaa waxa uu muddo baarayay asaasaqa oo ah xanuun badi ku dhaca dadka lawlaway. Wuxuu helay in gabadha caqliga badani ay kaa ilaalin karto asaasaq kugu yimaada marka aad gabowdo. Taladiisu waxa ay leedahay: “Waxa ay tahay in uu wiil sameeyo oo aan abid loo sheegeyn haddii uu rabo in uu waqti dheer noolaado waa guurso gabar caqli badan. Ma jiro gaashaan caqliga ka fiican.”

Warka oo kooban waxaa waaye in gabar caqli badan ay fikir ahaan ku xujeyneyso, taas oo kugu caawin karta in awoodda maskaxdaadu mar walba ay firfircoonaato.

  1. Waa daacad

Mararaka qaar qof walba qalad wuu sameeyaa go’aan khaldanna wuu qaataa. Waa muhiim in aad heysato qof jidka saxda ah dib kuugu soo celiya kolka aad gefsan tahay. Daraasado ayaa tilmaamaya in raggu ay rabaan gabar daacad ah marka ay damacsan yihiin xiriir dheer oon gaabsi ahayn. Haddii aad heysato gabar daacad ah ha sii deyn.

  1. Waa ay niyad fiican tahay

Qoftaadu ma waxa ay ka mid tahay dadka mar walba arka in koobka nuskiisu buuxo? Mararka barkood ma ku eedeysaa in ay aad u niyad wanaagsan tahay? Haddaba, waxa ay u eg tahay in aad heshay gabadhaad ku riyoon jirtay. Dadka niyadda xun waa sun waxa ayna u daran yihiin caafimaadkeenna. Sababtoo ah niyadxumada ayay nagu daaran karaan dadka noocaas ah oo aan waqti dheer la qaybsanno. Tani waxaa lagu caddeeyay daraasad. Niyadxumida iyo aragtida taban waxa ay kor u qaadayaan garaaca wadnaha, waxa ay carqaladeynayaan dheefshiidkeenna waxa ayna hoos u dhigayaan awooddeenna diirad saaridda.

  1. Waxa ay taqaan tanaasul

Noloshu mar walba janno ma aha oo mar uun adiga iyo lammaanahaagu waad is qabaneysaan. Waa wax caadi ah manaba laga fursan karo. Balse xiriirku wuxuu sii jiri karaa kaliya marka labada qof ay diyaar u yihiin in ay meel dhexe isugu yimaadaan.

Daraasad lagu sameeyay 172 lammaane is qaba oo socotay 12 sannadood ayaa waxa ay gaartay natiijo ah: marka uu xiriirkiinnu wanaagsan yahay in aad xiriirka daacad u ahaato waa wax fudud. Balse marka uu xiriirka soo galo madmadow oo ay wax isbeddeleen, waxa aad u baahan tahay in aad raadiso xal, in aad nafhur samayso oo aad horay u qaaddo tallaabooyin aad xiriirka horay ugu sii hamboorrinayso. Cilmigu wuxuu sheegayaa in dadka u heellan in ay qaadaan tallaabooyin nafhur ah ay nasiib u yeelan doonaan guur farxad leh oo waara.

  1. Waa ay ku qososhaa majaajiladaada

Hubaal waxaan u baahan nahay dad noo dhow oo ku qosla kaftankeenna. Daraasad la sameeyay 2006 ayaa waxa ay tilmaantay in haysashada lammaane kuu qaba in aad tahay shactiroole ay muhiim u tahay ragga in ka badan dumarka. Haddii aad haysato gabar aad isla qosli kartaan, ilaali oo si fiican u ogow.

  1. Waa ay qalbi furan tahay

Haysashada gabar baxsan oo asaaggeeda ka dhex muuqata oo hadalkeeda dadka kale maqashiin karta waxa ay nolosha ka dhigeysaa tu sahlan.

Daraasad ayaa waxa ay sheegeysaa in dadka qalbiga furan oo macluumaadkooda shakhsiga wadaaga loo arko in ay yihiin kuwo soo jiidasho leh. Qorayaasha daraasaddani waxa ay leeyihiin tilmaantani waa muhiim oo xataa dadku waxa ay ka dhiganayaan cabbir ay kaga xukmiyaan muuqaalka jireed ee dadka qalbiga furan iyaga oo u arka in ay dadkaasi yihiin kuwo toolmoon ama qurxoon.

  1. Waxa ay taageertaa himilooyinkaaga kuweeda gaarka ahna waa ay daba ruclaysaa

Muddo dheer ayay saynisyahannadu isku dayayeen in ay caddeeyaan in raggu ay ka helaan guursashada gabar taagdaran oo dansan. Buuggeeda “Maxay ragga caqliga lihi u guursadaan dumar caqli leh” ayay Christine C. Whelan ku beenisay sanankaas (khuraafaad) iyada oo caddaysay in dumarka adag, tacliinta leh mishaar fiicanna dhacsada aynaan rabin in ay guursadaan rag iyaga ka liita.

Xusuusnow dheefta: Gabar adag haddii ay ku garab joogto way ku dhiirrigelin doontaa adigana kuguma tiirsanaan doonto. Uma baahnid in aad iyada ka walwasho iyaduna kaagama baahna oggolaansho joogta ah.

  1. Waalidkeed xiriir wanaagsan ayay la leedahay

Haddii aad u baahan tahay in aad ogaato sida lammaanahaagu u ekaan doono 30 sannadood ka dib, fiiri waalidkeed. Haddii aad rabto in aad ogaato sida ay kuula dhaqmi doonto 30 sano ka dib, fiiri sida ay ula dhaqanto waalidkeed.

Cilmibaarayaal ka tirsan Jaamacaadda Alberta ayaa waxa ay su’aalo waydiiyeen 2970 qof oo isugu jira da’o kala duwan waxayna ogaadeen in uu xiriir toos ah ka dhaxeeyo xiriirka ay la lahaayeen waalidkood intii ay dhallinyarada ahaayeen iyo mar danbe jacaylkooda nolosha

  1. Waa ay naxariis badan tahay

Cilmigu wuxuu sheegayaa in furayaasha xiriir dheer oo farxad leh ay yihiin naxariis iyo deeqsinnimo. Afartan sannadood ka hor daraasad lagu sameeyay lammaanayaal is qaba ayaa waxaa lagu ogaaday in ay jiraan laba nooc oo lammaanayaal ah: Macallimiin iyo Musiibooyin. Musiibooyinka, kollay waad iska sii qiyaastay, waxay kala tagaan lixda sano ee ugu horraysa xiriirkooda. Hasayeeshee macallimiintu waxa ay sii wada joogaan muddo dheer waligoodna waxa ay wadaagaan hal arrin: waxa ay baaraan waxyaalaha ku hareereysan oo ay maqsuudka ka yihiin oo ay qaddarinayaan. Dhaqanka noocaas oo qaddarinta iyo ixtiraamka ah ayay si ujeeddeysan u dhisaan.

  1. Waa ay is dejisaa kuna dejisaa marka aad dagaallantaan

Xiriirrada oo dhan isqabasho waa wax aan laga fursanayn. Isdagaalid la’aan xiriirrada uma aha astaan xasillooni. Illowse arrinta muhiimka ahi waxa ay tahay sida aad ula dhaqanto is’afgarad la’aanta iyo sida aad dib ugu heshiisaan.

Daraasad ay ka qaybgaleen 80 lammaane oo socotay 13 sano ayaa waxaa lagu ogaaday in xiriirku uu waarayo haddii marka hore ay gabadhu isdejiso kolka ay odaygeeda dagaallamaan ka dibna dareenkaas waxa ay u gudbineysaa ninka. Saameyntu la mid ma aha haddii uu ninku yahay ka marka hore isdejiya.

  1. Waqti fiican ayay kula qaadataa

Ma heshay gabar haddii aad waqti badan bannaanka ku soo cawayso aanan kuu xanaaqayn? Waqtiyadaas oo kale xafladda ma wada joogteen oo ma isla wada cawayseen? Haddaba ha sii deyn gabadhaas. Lammaanayaasha isla baashaala (isla qaata waqti marka ay firaaqo yihiin) waxa ay ku naalloodaan nolol guur oo tayo leh.

  1. Waxa ay leedahay nolosheeda u gaarka ah

In aad leedahay arrimo kuu gaar ah iyo khusuusiyaad waxay muhiim u tahay xiriirkaaga in ka badan legdan-jiif wanaagsan. Arrintani waxaa tilmaantay daraasad waqti dheer socotay oo ay sameysay Jaamacadda Michigan. Marka qofku uu leeyahay saaxiibbo u gaar ah, arrimo uu xiiseeyo, marka uusan qofnimadiisa ku qeexeyn (isku aqoonsaneyn) kaliya lammaanihiisa iyo xiriirkiisa ayuu yahay qof aad u faraxsan oo caajis ka fog.

  1. Gefefkaaga kuuma qabato

Xiriirro fara badan ayaa u muuqda kaliya in lammaanayaasha midkood uun  uu kan kale cambaareeyo. Haddii aad heshay gabar sidaada kugu oggol, waa in aad isu haysataa in aad tahay ku nasiib leh. “Niyad wanaaggu wuxuu kuu soo jiidayaa dadka kale ee adduunka u arka in uu nuskiisu buuxo,” sidaa waxaa leh Terry Orbuch oo ah aqoonyahan cilmi-nafsiga ku xeeldheer.

  1. Caloolkuhays ma laha

Haddii aad heshay gabar dadka kale cafin karta, waqti dheer ayay wehel kuu noqon doontaa. Daraasad ay sameeyeen Luther College, Jaamacadda Duke iyo Harvard Divinity School ayaa waxa ay soo bandhigtay in dadka si shuruud la’aan ah u cafiya  dadka kale ay waqti dheer noolaadaan.

Intaa waxaa ka sii muhiimsan: Saamaxaaddu waa gundhigga xiriir caafimaad qaba. Dadku ma dhammeystirna adiguna la mid baad tahay. Waxaa jiri doonta marar aad si kama ah u dhaawacdo lammaanahaaga. Hadhow danbe waxaad u baahan doontaa adna in ay iyadu ku saamaxdo.

Haddii aad heshay gabar leh tilmaamahan ama qaarkood, si fiican ula dhaqan hana sii deyn. Inta ay kula joogto liibaan ayaad ku noolaan doontaa.

Maqaalkan oo af Ingiriisi ku qoran halkan ayaad ka akhrin kartaa.

W/T: Shaakir M. Cabdullaahi

Shamaca.com

Check Also

Erayo jaceyl, waan ku jecelahay, jaceyl

Baro Hadallo Iyo Ficillo Ka Qiimo Iyo Dareen Badan Erayga “WAAN KU JECELAHAY”

Jacaylku waa dareen aasaas u ah jiritaanka nolosha aadamaha, sidaas awgeed waxaa jira habab tiro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *