Waa Maxay Infekshanka Dhiigga (Septicemia), Yaa Se U Nugul In Uu Qaado?

Infekshanka dhiigga (septicemia) waa xaalad daran oo timaada marka walxo jeermis ah ay gaaraan wareegga dhiigga, ka dibna uu kor u kaco hanaanka jir difaaca, kaas oo keenaya xaalado is baddal ah.

Hannaanka uu jirkeenu uga jawaabayo walxahan jeermiska ah oo kor u kaca, waxaa ay sababaysaa in xubno dhawr ahi shaqadoodu
Khaldanto.

Maxaa looga jeeda infekshanka dhiigga?

Waxaa jirkeena ka dhaca marka la soo weeraro, in hannaanka difaaca ay durba jawaabaan si ku habboon ilmo aragtada, ama walaxa kale ee soo wajahay shaqada jidhka.

Marka sibaahsan ay jirkeenu u soo weraraan walxahan oo kale, si taas la mid ah ayuu difaac jireedkeenu isku diyaarinayaa halgankaas, si uu u saxo una dheeli tiro qaab shaqeedka jidhka.

Inta xaaladan lagu jiro, xubno badan ayaa dhaawacmi kara oo u nugul sida Kilyaha, Beerka, maskaxda.

Ugu danbayna si dag dag ah ayaa uu qofku u miyir beeli karaa, haddaanan laga jawaabin xaaladdan caafimaad.

Dhiigga oo xinjirooba: Xilliga xaaladdan infekshinka dhiiga lagu jiro, waxaa dhacaysa in dhiigu xinjiroobo, taas oo yaraynaysa qul qulka dhiiga ee gaari lahaa xubno badan sida Qaybaha hoose ee jirka, waxaana hoos u dhacaya in dhiigu gaarsiiyo cunada xubnaha gudaha ah ee jidhka.

Xaalada ugu xun ee xilligan dhici kartaa waa waxa caafimaadku u yaqaan “septic shock”, oo ka dhalanaysa in dhiigu cadaadiskiisu sare maro, maskaxduna miyir beesho oo xubno badani dhaawacmaan sida Sambabada, Kilyaha iyo Beerka.

Waxa ugu badan ee la yaqaano waa ilmo aragtida oo jiika ka gasha meel dhaawacan, faydan ama daloosha, sida Afka, dhagaha, sanka iyo indhaha.

Cuduro kale ayaa dhalin kara, sida caabuqa xuubka maskaxda, ama caabuqa sambabada ee oof wareenka.

Xaalado badan oo kale caabuqa dhiigga, waxa uu wehlin karaa xanuunka infakshanka ee lafaha ku dhaca

Yaa u nugul in uu qaado infekshanka
dhiigga?

  • Dadka difaaca jirkoodu hooseeyo: Sida bukaannada qaba Cudurka HIV Aids, dadka qaba kansarka,iyo dadka qaata daawooyinka daciifiya difaaca jira.
  • Dadka isbitaallada lagu daweeyo muddo aad u dheer
  • Caruurta iyo Dadka da’da ah ee xanuunsanaya.
  • Dadka qaba xanuunka Sokorowga.

Astaamaha lagu garto xanuunkan:

Waxaa dhacda in dadku ku kala duwanaadaan calaamadahan hoos ku xusan, da’dooda iyo siyaabaha uu u haleelay darted:

  • Qandhodaran oo dhaxan wadata, xilliyada qaarna heer kulka jirka ayaa aad hoos ugu dhaca.
  • Kaadida oo yaraata
  • Neef tuur badan
  • Qandho iyo matag

Shuban Daweyn iyo Baxnaanin:

Tallaabada kowaad ee la tacaalista xanuunkan, waa iyada oo si qoto dheer loo baadho habka uu kugu helay xanuunkan.

In la baaro lana hubiyo in unugyada cad ee jidhka tiradoodu hooseyso iyo in kale.

Bukaanka xaaladan khatarta ahi la daristay, waxa ugu badan ee lagu baxnaaniyaa waa in daawo ku haboon loogu qoraa, nooca ilma aragto ee haleeshay iyada oo baaritaan dhamaystiran la samayeeyo Waxaa la daweyn doonaa haddii ay jiraan calaamado uu sababay xanuunkan, si aanu u sii baahin, sida in kilyaha haddii ay fariistaan la Nadiifiyo.

Check Also

Dabeecada dumarka, caadada ka hor, dhiiga caadada

Xaalada Isbedelka Dabeecada Ee Caadada ka Hor (Premenstrual Syndrome)

In badan oo kamid ah dumarka ayaa dareemo isbadalo ku yimaado dhanka dabeecadda iyo waliba …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *