Infekshanka Laga Qaado Isbitaallada (Nosocomial Infection), Dadka U Nugul Iyo Sida…

Infekshankan oo loo yaqaano Nosocomial ama Hospital acquired infection waxaa laga qaadaa isbitaalada iyo goobaha kale ee caafimaadka. Waxaana badanaa infekshan-kaan qaada dadka isbitaalka u yimaada booqashada iyo dadka bukaanka ah ee isbitaalka la dhigo.
Badanaa wuxuu infekshan-Kaan dadka halleelaa;

  •  Ilaa iyo 48 saacadood kadib marka qofka lasoo jiifiyay isbitaalka
  •  3 barri kadib marka bukaanka laga saaro
  • 30 barri kadib marka qaliinka lagu sameeyay bukaanka

Noocyada infekshan-kaan waxaa ugu Caansan infekshan-ka ku dhaca kaadi mareenka, infekshan-ka dhiiga, kan laga qaado qaliimada, iyo infekshanka caanka ah ee loo yaqaano Niimooniya.

Maxaa sabbaba infekshan-kaan

Waxaa la aaminsanyahay in jeermisyo kala duwan ay sabbab u yihiin infekshan-kaan kuwaasoo si fudud ugu gudba jirka dadka. Isbitaalada qaarkood waxaa sabbaba infekshan-kaan wasakh iyo nadaafad darro soo wajahda gudaha isbtaalka ama qalabka ay isticmaalayaan ama shaqaalaha isbitaalka oo aan marin waddada saxdaa ee ilaalinta nadaafada isbitaalkaka Iyo qalabkaba.

Sidoo kale waxaa dhici karta in isbitaalada qaarkood bukaan xanuunsan uu infekshan-ka ka qaad ama u gudbiyo bukaan kale ama shaqaalaha isbitaalka. Taasoo xaalada kasii dhigaysa mid sifudud faraha uga baxda.

Yaa khatar ugu jira inuu halleelo infekshan-kaan:

Bukaan walba oo isbitaal jiifa khatar ayuu ugu jiraa infekshanka.
Balse bukaanada Yaala qaybta xaalada deg Dega ah ayaa khatar wayn ugu jira hallelida infekshan-kaan.

Sidoo kale bukaanada uu difaaca jirkoodu daciifka yahay ayaa khatar ugu jira sabbabtooo ah jirkoodu ma awoodo inuu iska difaaco cudurada.

Waa maxay calaamadaha infekshan-kaan

Calaamadaha lagu garto infekshan-ka isbitaaladu way kala duwan yihiin, waxayna ku xiran yihiin hadba nooca uu yahay infekshan-ku.
Balse noocyada badanaa la arko waxaa kamid ah;
Caabuq, qandho, nabaro qoyan oo jirka kasoo baxa. Sidoo kale bukaanku wuxuu dareemi karaa xanuun iyo cun cun ka imaanaya meesha infekshan-ku ka halleelay.

Sidee looga hor tagaa infekshan-ka isbitaalada

Ugu yaraan 40% infekshan-ka isbitaaladu wuxuu ka yimaada nadaafad darada gacmaha. Shaqaalaha isbitaalku way yarayn karaan infekshanka haday mar walba gacmaha iskaga dhaqaan sida saxdaa, sidoo kale waa inay xirtaan galoofis iyo dharka loogu tala galay isbitaalada xiliga ay shaqada ku jiraan.

Sidoo kale isbitaaladu waa inay ka taxadaraan nadaafada qolalka iyo meelaha kale ee bukaanku joogo, waa in maamulka isbitaaladu ku dhiira galiyaan bukaanada inay nadaafadooda shakhsi ahaaneed iyo mida isbitaalkaba ilaaliyaan.

Isticmaalka dawooyinka loo yaqaano antibiotics-ku waa u muhiim la dagaalanka infekshanka isbitaalada.

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *