Noocyada Cabsida Foobiyada Sababaha Keeno Iyo Dadka U Nugul

Foobiyadu waa xanuun maskaxeed, leh dareen cabsiyeed ama baqdin joogta ah. dadka qaba xanuunka foobiyada waxay leeyihiin waxyaalo badan oo ka danbeeya in xanuunkan ku dhaco, dadka qaarkood waxay yeeshaan astaamo ay kamid yihiin cabsi daran, argagax joogta ah iyo feejignaan. cabsida haleesha bukaanada la ildaran xanuunkan waxay noqon kartaa mid ku xiran waqtiyo gaar ah, goobo gaar ah ama walxo gaar ah oo bukaanku si gaara uga qabo cabsi kuwaasoo ku sababaya inuu qofku foobiyo ka qaado waxyaalahaas.

Saamaynta xanuunka foobiyadu ku yeelato dadka waxay noqon kartaa mid iska caadi ah ama mid khatar ah oo bukaanka garsiisa xaalad halis ah, dadka qaba foobiyada waxay qaarkood ogaadaan in xaladoodu tahay xaalad maskaxeed ama jiro maskaxeed haysa balse waxba kama qaban karaan.

Astaamaha laga dhaxlo xanuunka foobiyada waxay saamayn ku yeelan kartaa qofka shaqadiisa, waxbarashadiisa, iyo noloshiisa gaarka ah ama xataa nolosha qoyskiiska.

Maxaa sababa cabsida ama Foobiyada?  

Waxaa la aamin sanyahay in xanuunkan lakala dhaxli karo, waxaa kaloo xanuunkan sababi kara xaalado kale oo la xiriira deegaanka qofku ku noolyahay. marxaladaha murugada iyo walwalka wata oo qofku soo dhex galo, deegaanka aan nadaafadiisu wacnayn oo qofku badanaa joogo, meelaha jooga sare leh oo qofku ku badnaado, qaniinyada xayawaanada iyo cayayaanka qaarkood, dhamaan qodobadaas aya noqon kara kuwa sababa foobiyada.

waxaa jiri kara dad badan oo caafimaadkoodu taam yahay oo hadana waxyaalaha qaarkood ka qaba foobiyo, saan horay usoo sheegnayna xaaladaha foobiyadu waa kala duwanaan karaan, dadka shilalka gala ama madaxa ay jugi kasoo gaarto ayaa kamid ah kuwa u nugul cudurka foobiyada.

Noocyada Foobiyada:

Waxaa jira oo ila hada bahda caafimadku ogyihiin boqolaal nooc oo foobiya ah balse waxaan halkaan kusoo bandhigaynaa kuwa ugu caansan uguna waxyeelada wayn ee dadka ku dhaca.

Agoraphobia: waa cabsi uu qofku ka cabsado meelaha qaarkood iyo xaaladaha uusan qofku ka baxsan karin. dadka qaba xaaladan waxay ka cabsadaan inay ku dhex jiraan meel dad badan joogaan ama inay guriga banaanka uga baxaan, waxay necebyihiin inay xaafadooda ka baxaan oo banaanka aadaan, sidoo kale ma jecla inay bulshada dhex galaan. dadka qaba xaaladan, qaarkood waxay lakulmi karaan xaalado deg deg ah sida inay suuxaan ama in xaaladooda caafimaad halis gasho, waxay arintaan ku dhici kartaa markay la kulmaan waxyaalaha ay foobiyada ka qabaan.

Social Phobia: dad badan ayaa waxay necbaan karaan xaalado gaara ama waxyaalo gaara,balse hadii la rabo in shayga lagu qeexo inuu yahay Foobiya run ah, waa in cabsida oo ah shayga koowaad ee furaha u ah xanuunka foobiyadu ay noqota mid qofka noloshiisa maalin laha ah si toosa ula xiriirta, waa inay noqotaa mid maalin walba joogta ah. taas ayaa si gaara loo oran karaa Social Phobia.

Glossophobia: wuxuu qofku cabsi ka qabaa inuu dadka hortooda wax ka sheego, siiba in qofku dad badan hortood soo istaago wax sheego waa shay ku adag dadka qaba foobiyada noocaan ah.

Acrophobia: dadka qaba noocaan waxay necebyihiin inay joogaan meelaha jooga sare leh sida buuraha, guryaha dhaa dheer, iyo buundooyinka iyo diyaaradaha. calaamadaha dadkaan lagu garto waxaa kamid ah naxdin joogto ah markay meelahaan yimaadaan, wareer ama dawakhaad, dhidid, iyo dareen ah in qofku markaas dhimanayo ama uu miyir daboolmayo.

Astaamaha Foobiyada

Astaamaha ugu caansan uguna badan ee noocyada kala duwan ee foobiyada waxaa kamid ah: Argagax ama naxdin, wadna garaac, neefsashada oo dhib noqota, hadalka oo deg deg qofka uga soo baxa, ama hadalka oo qofka ka xirma, afka oo qallala, lallabo, cadaadiska dhiiga oo siyaada, jirka oo gariira, xabad xanuun, dawakhaad ama madax wareer, dhidid, iwm.

Yaa khatar ugu jira Foobiyada

Waxaa la aaminsanyahay in dadka walidkood ama faracoodii hore uu qabay foobiyada inay kujiraan khatarta ugu badan ee cudurkaan ugu dhici karo. sidoo kale waxyaalaha kale ee qofka galin kara xaalad halis u ah inuu foobiyo qaado waxaa kamid ah, da’da, xaalada dhaqaale iyo midda bulsho ee qofka, sidoo kale waxaa la aaminsanyahay in kala duwanaanshaha jinsiga dadku ay leedahay saamaynteeda gaarka ah. tusaale ahaan dumarku waxay si gara foobiyo ugu qabaan xayawaanada. caruurta iyo dadka xaaladooda dhaqaale hoosayso waxay ayaguna foobiya badanaa ku qabaan bulshada inay ku dhex jiraan, halka raguna ay badanaa foobiya ka qaadaan dhakhaatiirta ilkaha iyo ilka gashiga ama ilka badalida.

Sidee looga hortagi karaa Cabsida/foobiyada:

Cudur walba wuxuu leeyahay kahortag kaasoo ka fiicnaan kara dawaynta. cudurka foobiyada oo noqon kara mararka qaarkood xaalad caadiya oo dadku la noolaan karaan, mararka qaarkoodna noqon kara xaalad halis ah waxaa looga hortagi karaa ayadoo qofku iska ilaaliyo waxyaalaha qofka ku kicinaya foobiyada ee aan kasoo sheekaynay.

waxaa kaloo looga hortagi karaa ayadoo qofku ku xirnaado Allah subxaanu watacaalaa sababtoo ah qofka Allah ku xiran waajibaadkiisana ilalaiya wuxuu mar walba ku sugnaadaa amaanada Rabbi.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *