Sababaha Keena Cabsida Ku Duulista Diyaaradda Iyo Talooyin Muhiim Ah

Cabsida duulida hawada waa nooc kamid ah cabsiyaha soo wajaha dadka, Balse waxay kaga duwan tahay cabsiyaha kale, Tani waa mid gaar u ah duulida hawada, sida diyaaradaha la raaco.

Dadka qaba cabsidaan waxay ka baqaan inay diyaarad ama wax kasta oo hawada u duulaya raacaan. Waxay mararka qaarkood ku qasabtaa dadka arintaa qabaa inay ka baaqdaan safaro u qorshaysnaa taasoo dhib ku ah dadka qaarkood. Maahan wax sahlan inaad ka baaqatid safar muhiim kuu ahaa. Dadka qaba arintaan waxay badanaa raadshaa qaabkii ay uga guulaysan lahaayeen cabsidaan hor taagan. Si ay uga guulaystaana dagaal ayay u galaan.

Cabsidaan maahan wax qofka xilli walba haysa, waxay bilaabataa marka qofku isku diyaariyo safarkiisa, waxayna ugu badantahay marka safarku soo dhawaado oo waqti yar ama saacado kooban kaharsanyihiin. Dadka qaarkood ee qaba xaaladan si indha adayg ah ayay u qaataan go aan ayagoo la dagaalamaya cabsida haysa ayay safarkooda aadaan, inta badan cabsidu way jirtaa marka qofku safarka ku dhex jiro. Balse waxay dhamaataa marka safarku dhamaado.

Maxaa sababa cabsida duulidda

Waxaa jira dhawr qodob oo ka qayb qaata cabsida duulida. Waxaa sababi kara saamayn toos ah oo qofka soo wajahda ama wax yaalo badan oo isku tagay.

Saamaynta tooska ah waxay noqon kartaa. Tusaale ahaan, qofka oo horay u soo arkay shil diyaaradeed oo khatar galiyay naftiisa, ama qof kale oo aad taqaanay oo la kulmay shil xun oo dhanka hawada ah.

Qofka oo dareema inuusan naftiisa xakamayn karin markuu cabsado ayaa iyana ah qodob kale oo saameeya cabsida duulida.

Diyaarada aad raacaysid oo aadan ku kalsoonayn ama wadaha iyo shaqaalaha diyaarada oo aad ka cabsi qabtid inaysan xakamayn karin diyaarada.

Dadka dareenkoodu mar walba sareeyo ama qalbiga jilicsan ayaa sidoo kale u jilicsanaan kara cabsida duulida.

Sidee baa looga guuleysan karaa cabsida duulista

Hadii aad tahay qof ay dhib ku hayso inuu hawada ku safro isku day inaad ka faa idaysatid qodobadanaa soo socda.

U diyaar garoow safarkaaga: isku diyaari safarkaaga, samee jimicsi, isku day inaad nasatid.

Ku xirnoow allah subxaanuhu watacaalaa: cabsida laga cabsado allah waxay kuu sahlaysaa inaadan wax kale ka cabsan, ku xirnaanshaha alle waxay kuu sahlaysaa inaad si raaxo leh ku qaadatid safarkaaga. Aamin allah subxaanuhu watacaalaa asaga kuugu filan wax kasta.

Iska ilaali inaad qaadashada waxyaalaha kicin kara cabsida: sida kafeega ama sharaabka awooda siyaadiya.

Aqoonso waxa aad ka cabsatid: is waydii su aal ah, maxaan ka cabsadaa? Ma waxaan ka cabsadaa inaan is xakamayn kari waayo? Ma waxaan ka cabsadaa dhimasho? Hadii aad garan kartid waxa aad ka cabsatid waxaa hubaal ah in xal aad heli kartid.

Akhriso: Noocyada Cabsida Foobiyada Sababaha Keena Iyo Dadka U Nugul!

Goormaad u baahan kartaa aragtida dhaqaatiirta

Dadka qaba cabsidaan badanaa ayaga ayaa ku filan xalinteeda siday doonaan haku xaliyeene.sababtoo ah maahan wax culays wayn ku haysa dadka qaarkood.

Balse hadii cabsidaadu noqoto mid aad xakamayn wayday, saamayna ku yeelato noloshaada markaas waa inaad u tagtaa dhakhtarka ay qusayso oo kali ah. Sababtoo ah dhakhtar walba ma qusayso arintaan.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *