Waa Maxay Khataraha Ka Dhalan Kara Xummada Dengue?

Xummadda denge (dengue fever) waa xumad uu sababo feyruska loo yaqaan Dengue. Waxaana inta badan laga helaa wadama kulaylaha ah ama ka hooseeya saxaraha, bartamaha Ameerika, Meksiko, Singabur, Taylan, iyo qeybo kamid ah Ostaraliya, feyruskaan waxaa gudbiya kaneecada loo yaqaano Aedes aegypt taasoo qaniinta qof qaba xanuunkaan kadibna usii gudbisa qof kale.

Xumadaan ayaa leh astaamo iyo calaamado kala duwan, waana mid sababta xanuun kale oo loo yaqaan Dengue Hemmorrhagic fever, kasoo caan ku ah dhiigbax.

Waa maxay astaamahua?

Kadib qaniinyada kaneecada sumaysan ee sidda feyruska dengue waxaa astaamaheeda iyo calaamadaha xumadaani kusoo bixi karaan mudo u dhaxaysa afar ilaa iyo todabo maalmood.

Sida inta badan dhacda horaanta astaamaha ayaa ah kuwo iska sahlan oo aan wadan culeys saa’id ah, waxaana lagu qaldi karaa astaamaha ama calaamadaha hargabka. Waxaana astaamaha xumadaan ay gaaraan ama la arkaa ilaa iyo toban beri, waxaa ka mid

  • Xumad aad u saraysa,
  • Madax xanuun saa’id ah
  • Qanjirada oo barara
  • Xanuun saa’id ah oo laga dareemo kalagoysyada iyo murqaha
  • Nabro kasoo baxa maqaarka
  • Lallabo iyo matag, goror
  • Xiddada yaryar ee maqaarka hoose oo dhiig baxa
  • Wareer iyo mararka qaar dhiig ka yimaada afka.

Waa maxay khataraha ka dhalan kara xummadaan?

Inkastoo aysan badnayn hadana qaar kamid ah dadka ay xumaddani ku dhacday ayaa waxaa lasoo darsi kara khatar caafimaad oo horleh, taasoo loo yaqaan Dengue Hemorrhagic fever, xiligaan waxaa la socda dhiigbax. Waxaana u sahlan inay ku dhacdo dumarka iyo caruurta yaryar ee horey ay u saamaysay xummadan denge.

Dengue hemorrhagic fever ayaa caan ku ah inay wax yeelayso xididada jirka, kuwa dheecaanka limfiga, dhiig bax ku yimaada cirirdka, beerka oo ka waynaada sida caadiga ah, goror iyo habka wareega dhiigga oo fashil uu ku yimaado. Waxaana astaamaha iyo calaamadahani sababi karaan inuu dhaco khatar kale sida shoogga.

Mala daweyn karaa xumaddaan

Ilaa iyo hadda ma jirto daawo khaas ah oo ay leedahay xummada denge, balse waxaa jira daawooyin kaalmaati ah kuwaasoo yarayn kara astaamaha xumaddaan sida madax xanuunka iyo murqo xanuunka. Illaa iyo hada majiro tallaal u khaas ah xumaddan

Check Also

sidee uur loo qaadi karaa, uurka cusub

Qaababka Sare Loogu Qaadi Karo Fursadda Uur Qaadista

Ubadka Allaa bixiya, laakiin dadaalku se waa lagama maarmaan, haddaba qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *