Sababaha Keena Haaraha Wajiga Iyo Sida Loo Goyn Karo

haaraha wajiga,

Haaraha wajiga ku samaysma waa cillad ku badan dhalinyarada khaasatan dumarka da’a dhexaadka ah. 

Haaruhu waa dhibco madmadow ama ka beddelan midabka maqaarka kuwaas oo badanaa ku samaysmaan daamanka iyo dhafoorka. 

Inkastoo haaruhu aysan dhibaato caafimaad keenin balse waxay sababi karaan yax-yax waxayna dhaawici karaan kalsoonida qofka. Dadka haaraha leh waxay ka xishoodaan in wejigooda la arko. 

Waxaa kaloo haaraha loo aaneeyaa qorraxda, waxayna ku badan tahay dadka ku nool dhulalka kulaylaha ah, waxaa kaloo lala xidhiidhiyaa da’da oo waxay dhakhaatiirta qaar u yaqaanaan “age spots” maadaama haaraha qaar ay ka soo hormaraan markii maqaarka uu yeelan rabo calaamadaha gabowga. 

Maxaa sababa haaraha wajiga? 

Maadada jidhka midabaynta u qaabilsan waxaa loo yaqaannaa “melanin” waxaana soo saara unugyada maqaarka ee lagu macaabo “melanocytes”. Haaruhu waxa ay yimaadaan marka ay jidhka ku badato maadada “melanin” taas oo ka dhalata cillad ku timaada unugyada maqaarka. Lama oga sababta cilladda keenta balse dhowr arrimood ayaa kiciya kuwaas oo kala ah: 

Iftiinka qorraxda: 

Fallaadhaha qorraxda ee “ultraviolet” waxa ay ka shaqaysiiyaan unugyada “melanocytes” waxayna sababaan in unugyadaasi ay soo saaraan xaddi badan oo maadada “melanin” ah taas oo keenta in haaro ay wejiga ku samaysmaan. 

Uurka:

Haaraha ku dhaca haweenka xilliga ay uurka leeyihiin ee ka madoobeya daamanka waxaa loo yaqaannaa “chloasma”, waxayna ka dhashaan isbedellada hormoonnada ku dhaca, sida khalkhalka hormoonnada “estrogen iyo “progesterone” taas oo sababta in jidhku uu saaro “melanin” badan. 

Dhaxal: 

Waxaa kaloo haaraha wejiga loo aaneeyaa dhaxal, waxaana inta badan lagu arkaa dadka ehelkoodu ay qabaan cilladan. 

Dawooyinka: 

Dawooyinka looga hortago uurka, dawooyinka qallalka iyo dawooyinka ka samaysan hormoonka waxay keenaan in maqaarku uu yeesho xasaasiyad. Tani waxay kordhisaa xasaasiyadda iftiinka qorraxda waxayna keentaa haaro. 

Cilladaha qanjidhka tayroodhka:

Qanjidhka tayroodhka waxa uu soo saaraa hormoonnada inta badan nidaamiya howlaha jidhka. Haddii ay cillad ku timaado qanjidhkan, waxa ay saamaysaa hormoonnada, tanina waxa ay saamaysaa soo saarista maadada “melanin” waxayna keentaa haaraha wejiga. 

Sidee si dabiici ah loogu daweyn karaa haaraha wajiga? 

Waxaa jira dawooyin-guri oo ay khubarada caafimaadka jidhka iyo qurxintu?sheegeen in qofku uga takhalusi karo haaraha isaga oo aan dhakhtar iyo daweyn kiimikaad raadsan. Dawooyinkaas dabiiciga ah oo uu Daryeel Magazine soo uruuriyay waxa ay kala yihiin:  

Dacarta:

Dacartu waxay yareysaa haaraha waxayna maqaarka siisaa dhalaal qurxoon. Daraasad lagu sameeyay haween uur leh oo wajiga haaro ku leh, waxaa lagu arkay in 32% ay haarihii ka yaraadeen kadib markii ay isticmaaleen dareeraha dacarta muddo 5 toddobaad ah. 
Habka isticmaalka: 

  • Dareeraha dacarta ayaad marinaysaa meelaha haaraha leh habeenkii ka hor inta aanad seexan. Subaxa xigana biyo diirran ayaad kaga maydhaysaa. 
  • Sidaan samee maalin kasta illaa madowgu ka khafiifo.

Cabitaanka liin dhanaanta: 

Cabitaanka liin dhanaanta waxaa ka buuxa faytamiin C, kaas oo u fiican cilladaha maqaarka. Liin dhanaantu waxay nuurisaa maqaarka qofka, waxaana loo adeegsadaa in lagu baab’iyo haaraha wejiga.  
 
Habka isticmaalka: 

  • Biyaha liin dhanaanta ayaad marinaysaa wejiga goobaha ay haaruhu ku samaysmeen adiga oo si dartiib ah ugu daliigaya muddo hal daqiiqo ah. 
  • Waxaad u deynaysaa 20 daqiiqo kadibna waxaad kaga maydhaysaa biyo diirran. 
  • Samee sidaan 2 goor maalintii. 

Shaaha cagaaran: 

Caleenta shaaha cagaaran waxa ay yareysaa haaraha wejiga maadaama ay ku jiraan maadooyinka loo yaqaanno “antioxidants”, kuwaas oo jidhka ka saara wixii sun ah. 

Habka isticmaalka: 

  • Cab 2 koob oo shaah cagaaran ah maalin kasta. 

Khalka tufaaxa: 

Asiidha khalka tufaaxa waxa uu kaxeeyaa raadadka midabka dila ee ka hadha fin-doobka ama marka ay qorrax badani qofka ku dhacdo. 

Habka isticmaalka: 

  • Khal aad biyo yar ku khafiifisay ayaad marinaysaa meelaha madowgu ka fuulay wejiga adiga oo adeegsanaya cudbi, kaddibna muddo dhawr daqiiqo ah ayaa aad ku qallininaysaa ka hor inta aanad biyo dirran kaga maydhin. 
  • Ka ilaali isku-darkan indhahaaga. 

Cabitaanka basasha: 

Basasha waxaa ku jira walxo caawiya caddaynta goobaha ay haaruhu madoobeeyeen. Waxay xannibtaa shaqada unugyada keenaya inay badato soo saarista maadada “melanin”. 

Habka isticmaalka: 

  • Cabitaan ahaan ayaad u shiidaysaa basasha. 
  • Waxaad marinaysaa goobaha ay haaruhu ay ku samaysmeen adiga oo adeegsanaya cudbi. 
  • Waxaad u deynaysaa 20 Daqiiqo waxaadna kaga maydhaysaa biyo diirran. 
  • Samee sidaan 2 goor maalin kasta. 

Liinta oranjada: 

Liinta oranjada waxaa ku badan faytamiin C iyo asiidhka “citric”, waxa ay maqaarka ka ilaalisaa dhaawaca fallaadhaha qorraxda ee “UV Rays”. 

Sida loo isticmaalo: 

  • Waxaad qallajinaysaa Qolofta liinta oranjada kadibna budo ayaad ka dhigaysaa. 
  • Waxaad ka samaynaysaa cajiin adiga oo isku daraya budada liinta oranjada, biyo iyo malab. 
  • Waxaad marinaysaa meelaha madowgu fuulay, waxaadna ku daliigaysaa muddo 2 daqiiqo ah, kadibna biyo dirran ayaad kaga maydhaysaa. 
  • Ku cel-celi habkan 3 illaa 4 jeer toddobaadkii. 

Huruud iyo caano: 

Huruudu waxay ifisaa maqaarka waxayna yareysaa findoobka iyo nabaradda wajiga ka soo baxa. Dhinaca kale, caanuhu waxay dux siiyaan jidhka, waxayna caddeeyaan goobaha haaruhu ay madoobeeyeen. 

Habka isticmaalka: 

  • Waxaad Isku daraysaa 5 illaa 6 qaado oo huruud ah iyo caano. Waxaad ka dhigaysaa cajiin jilicsan. 
  • Waxaad marinaysaa meelaha haaraha leh, adigoo ku daliigaya muddo 5 daqiiqo ah.
  • Waxaad u deynaysaa 20 daqiiqo kadibna biyo diirran ayaad kaga maydhaysaa.

W/Q: Hirsi Ahmed
 

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *