Finanka Wajiga: Sababaha Keena Iyo Qaababka Loola Dagaallamo

Finanka wajiga waxay dhaawici karaan kalsoonideenna, oo ma ahan mid quseysa bilic sanaan teenna oo kaliya, waxay calaamad u noqon kartaa xaalado caafimaad.

Waxaa hoos ku qoran sababaha qaar, iyo sida loo baabi’iyo finanka

Isku dheelitir hormoonada

Hormoonada oo aa isku dheeli tirnayn ayaa waxay sababaan finanka/furuuruca.

Waxaan ku hareeree san nahay kiimikooyin, sun, iyo wasakh badan oo khalkhal ku keeni kara hormoonadeena. Ka fogoow dufanka, sonkorta badan, Isticmaal dufanka wanaagsan sida afagaadhada, lowska.

Awood u yeel aashitada caloosha

Aashitada caloosha oo yar waxaa lala xiriiriyaa finanka. Hadii ay aashitadu yar tahay, si fiican uma burburin karto cunnada, sidaa darteed jirkaagu ma heli karo nafaqada uu u baahan yahay. Cab biyo lagu daray liin dhanaan ama khalka tufaaxa.

Hormari bakteeriyada fiican ee ku jirta dheef shiidka

Isku dheeli tirnaanta bakteeriyada fiican hadii ay meesha ka baxdo waxay horseedi kartaa caabuq raaga iyo finan. Hadii aad tahay dadka isticmaala kaniiniga qalajiyaha, ogoo wuxuu dilaa bakteeriyada fiican iyo tan xunba.

Shiid qudaarta iyo miraha

Fitamiinnada iyo macdanada ku jira khudaarta cagaaran iyo miraha sida tufaaxa iyo mooska, waa kuwo caawin kara in maqaarka uu wanaag sanaado. Sida ugu dhaqsiyaha badan ee looga soo saari karo fitamiinnada iyo macdanta waa in la shiido

Isticmaal dacar

Dacartu waxay leedahay dawo wanaagsan, waxay ka hortag taa caabuqa iyo saameynta bakteeriyada, sidoo kale waxay hormarineysaa dib usoo kabsashada maqaarka.

Dacarta kala jeex, oo mari wajiga walaxda jiijiid meysa ee ka imaneysa meesha adka kala jeexda, ama soo iibso jelka ka sameysan dacar boqolkiiba boqol, oo mari meesha maqaar ee finanka leh ama guduudatay.

Biyaha lagu daray liin dhanaanta

Biyaha lagu daray liinta waxay u fiican yihiin baaba’inta raadadka finanka, si doo kale waxaa ku jira fitamiin C badan, kaas oo ka dhigaya maqaarka mid siman oo iftiimaya

Mari biyo lagu daray liin maqaarka xilliga fiidkii. Kadib dhaq 20 daqiiqo kadib adigoo isticmaalaya biyo diirran.

Khalka tufaaxa:

Khalku waxa uu ka mid yahay dawo guriga la tijaabiyey in ay la dagaalami karto finanka wajiga. Waxa uu qallajiyaa maqaarka oo uu ka saaro dufanka dheeraadka ah ee daboolaya daloollada maqaarka oo haddii ay awdmaan finanka keenaya.

Isku qas biyo iyo khalka tufaaxa, kadibna mari goobaha finanku ay saameeyeen adigoo adeegsanaya cudbi.

Akhriso: Siyaabaha Khalka Tufaaxa Loogu Qurxiyo Jidhka Iyo Timaha

Malab iyo qorfe:

Labadan sheey waa dawo lagula dagaallami karo caabuqa noocyadiisa kala duwan gaar ahaan kuwa maqaarka ku dhaca.

2 malqacadood oo malab ah iyo 1 malqacad oo qorfe ah ayaad isku shiidaysaa marka ay cajiin noqdaan ayaad ku marinaysaa goobaha nabraha ay kaaga yaallaan muddo 10 daqiiqo ah, kadibna waad ka mayraysaa.

Check Also

quruxda maqaarka, caafimaadka maqaarka

10 Cunto Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Iyo Quruxda Maqaarka

Maqaarka oo ah lakabka kore ee jirka waa qayb xasaasi ah, sida la mid ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *