Qanjirka Thyroid-ka Oo Shaqo Yareeya Ama Howlgab Noqda (Hypothyroidism)

Qajirka loo yaqaano thyroid waxaa uu ku yaalaa dusha sare ee curta, waxaana uu soo daayaa hormoono wax ku ool u ah shaqada jirka, sida kuwa kontoroola habka loo yaqaano metabolism (habka burburinta ama dhisida nafaqada taas oo jirku u isticmaalo tamar ahaan).

Waxaa kale oo ay maamulaanama kontoroolaan shaqooyin kale oo aad u tira badan sida, neefsashada, garaaca wadnaha, neerfayaasha maskaxda iyo xungulaha, miisaanka jirka, awooda murqaha, heer kulka jira iyo cadadka kolesterolka. Marka ay yaraato soo deynta hormoonada laga soo daayo qanjirkaan waxaa ay saamayn balaaran ku yeeshaan dhamaan shaqadii ay qaybta ka ahaayeen.

Dumarka gaar ahaan kuwooda da’da weyn ayuu ugu badan yahay xanuunkaan. Inta badan ma sababa wax calaamad ah markuu bilowga yahay. Balse hadii aan la daweyn waxuu keenayaa calaamado ama cilado hor leh sida cayil xad dhaafa, kalagowsyo xanuun, dhalmo la’aan iyo xanuuno saamayn ku yeesha wadnaha.

Astaamaha

Calaamadaha xanuunkaan waxay ku xiranyihiin intuu le eg yahay cilada haysata soo saarid la’aanta hormoonada ee qanjirkaan. Waxaa dhacda in bilowgaba la dareemo:

  • daal saa’id ah (maskixiyan iyo jismiyan)
  • Cayil, balse markii ay yaraato habka metabolism-ka jirku waxaa soo ifbaxa calaamado hore leh sida
  • Cayil xad-dhaaf ah
  • Qabow jirka oo dhan laga dareemo ama dhaxan
  • Calool istaag
  • Maqaarka oo engega
  • Murqaha oo daciifa
  • Muuqaalka wajiga oo isbadal
  • Kalagoysyada oo xanuuna
  • Timaha oo khafiifa
  • Xasuusta oo yaraata iyo heerka cholesterolka oo sare u kaca

Maxaa Sababa dhacsanaanta qanjirka thyroid-ka?

Waxyaabaha sababa xanuunkaan waxaa kamid ah:

  • Difaaca jirka oo si qaldan u weerara unugyada uu ka samaysan yahay thyroidka kasoo burburiya ama dhaawaca ugu danbeyna sababa in aan la soo deyn hormoono lamid xadi ah kuwii horey loosoo dayn jirey
  • Daawooyinka lagu daweeyo hyperthyroidism ( marxalad lasoo daayo hormoono aad u tira badan xadi ahaan)
  • Qaliin lagu sameeyay qanjirkaan
  • Shucaaca lagu daweeyo kansarka khaas ahaan kan madaxa ama qoorta kudhaca
  • Macdanta loo yaqaano iodine oo jirka ku yaraato

dhamaantood waa sababayaal uu lee yahay xanuunkaan, waxaa kaloo jira in dadka qaarkiis ku dhashaan iyo in sidoo kale dumarka uurka leh ay la kulmaan marxaladaanba.

Hadii aan la daweyn xanuunkaan waxuu sababayaa cilado kale oo hor leh, sida cuna bacuuc, wadna xanuun iyo xasuusta ama fahamka oo luma. Waxaana lagama maarmaan ah in la daweeyo markii la ogaado inuu bukaanku lee yahay xanuunkaan.

Akhriso: Bararka Qanjirka Tayroodhka (CUNA BACUUC)

Waa wax aad u sahlan in la daweeyo xanuunkaan iyadoo la tixgalinayo hadba waxa sababay. Inta badan waxaa lagu daweeyaa qaab daaweeyn ah ama qaab qaliiin ah

Talo:

hadaad isku aragto wax la xariira calaamadaha xanuunkaan la xariir dhakhtar, kana fogow inaad daawo iska gadato iyadoon dhakhtar kuu qorin.

Check Also

talaalka covid-19,

Dhibaatooyinka Waaweyn Ee Lagu Arkay Dadkii Qaatay Tallaalka Covid-19

Baadhitaan cusub oo lagu faafiyey wargeyska New York Times ayaa lagu ogaaday in dad badani …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *