Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Iyo Riyo Iyama? (Q:8) Maxaa Talo Ah? – Ardayga

1. Qabka iyo isla weynidu waa. cudurka ugu badan ee karkaarka weydaariya ardayga jaamacadda dhammaysta. Waxa uu u qaataa in uu gaadhay dhammaadkii waxbarashada, waxa aanu isku qaldaa waxbarasho iyo aqoon, arrimahaas oo u diida in uu aqoon korodhsado, in uu talo qaato iyo in uu aragtida ka soo horjeedda dulqaad u yeesho.

Sida saxda ahi waa, mar kasta oo ay aqoontaadu korodho in ay isla weynidaadu hoos u dhaco, dhul isdhigguna kugu bato. Haddii kale aqoonta aad xambaarsantahay far baa ku godan.

Taladayda koowaad waa in ardaygu uu ku dadaalo in cid kasta uu aqoon iyo waayoaragnimo ka korodhsado, xitaa haddii uu ogyahay in uu ka waxbarasho sarreeya, laakiin ay ciddaasi ka aqoon badan tahay ama ka waayoaragnimo ballaadhantahay.

2. Waxbarashadu waa geeddisocod nolosha la dhammaada, mar kasta raadi aqoon cusub, xirfadahaaga sii horumari, joogto aqoontaada u cusboonaysii, u furfurnow ilaha kala duwan ee aqoonta laga helo, kuwaas oo uu ugu horreeyo buug akhriska, dhegeysiga Barnaamijyada aqoonkorodhsiga ah. Ku xidhnoow dadka aqoonta ama xirfadda isku midka ah aad barateen, ama shaqooyinka aad xiisaynayso ka shaqeeya, waxa ay kuu furaysaa fursado cusub, talo iyo aqoon iyo waayoaragnimo korodhsi iyo in ay indhuhu ku furmaan.

3. Qaybihii Afaraad iyo Shanaad ee qormadan, waxa aynu ka baranaynaa sida ay waajib u tahay in ardaygu uu shahaadadiisa jaamacadda ku kabo xirfado kale oo uu ku tababarto, taas oo ka caawin doonta in shahaadadiisa uu ku kabo si uu shaqo u helo, ama haddii shahaadada uu shaqo ku waayo in uu shaqo ku raadsado xirfaddaas kale. Tusaale ahaan, waxa uu baran karaa farsamada gacanta, nashqadda (Graphic design) iyo farsamada kombiyuutarka, dilaalidda suuqa ganacsiga, kalkaalinta caafimaad, saxaafadda, hab-qoraalka, cilmibaadhista, macalinnimada, iwm.

Waxa kale oo looga baahan yahay in uu naftiisa dhiso, gaar ahaan meelaha uu dareensanyahay in uu ku liidato, tusaale ahaan luuqadda ingiriisiga, habka xidhiidh samaynta iyo la macaamilka bulshada, shaqo-wadareedda iyo iskaashiga, iyo xallinta khilaafka, iyo in uu qaato tababarrada xirfadaha fudud ee suuqa shaqada, doodaha, waraysiyada waayoaragnimo is dhaafsiga ah, kulamada iyo khudbadaha cilmiga ah, iwm.

4. Yoolkaaga koowaad ha noqdo in aad adigu la timaaddo hal-abuur aad shaqo ku abuuri karto, kaasho dadka aad is fahmi kartaan si aad ugu shuraakowdaan, ama fikirkaaga u bandhig cid maalgelin karta, kuna dadaal in aad ku qanciso in ay maalgeliso.

Iska jir xaaladaha nafsiga ah: Aardaygu jaamacadda kaddib waa uu u nugul yahay caafimaad darrada nafsiga ah, gaar ahaan marka uu arko in filashadii u muuqatay aanay u jirin sidii uu moodayey. Diiqad, niyadjab, walbahaar, isku-buuqa, qulubka, iwm ayaa ku dhaca. Xaaladahani waxa ay kaa reebayaan tareenka nolosha, waxa aanay kuu horseedayaan dhibaatooyin caafimaad oo maskaxda iyo jidhkaba ah. Sidaas awgeed haddii aad dareento ku dadaal in aad la tacaasho, tusaale ahaan u noqo diinta iyo cibaadada, dawo iyo Talana weydii dadka aqoonta iyo waayoaragnimada u leh caafimaadka nafsiga ah.

DHAMMAAD

W/D: Kamaal Marjaan

Check Also

jaamacado, waxbarasho, ardayda,

Jaamacaduhu Ma Xarumo Cilmi Baa, Mise Waa Aalad Lagu Faafiyo Gumaysiga?

Muddo dheer waxaa dunida ka jirta dood ah in reer galbeedku ay waxsoosaarkooda aqooneed, iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *