Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Iyo Riyo Iyama? (Q: 7) Maxaa Talo Ah?, Jaamacadaha

Jaamacaduhu waa cidda uu xilka ugu weyni ka saaranyahay xal u keenidda dhibaatada ardayda ay soo saaraan kala kulmayaan suuqa shaqada, taas oo ay ugu horreyso xirfadaha looga baahanyahay iyo heerka aqoontooda.

Haddaba si loo hubiyo in ardayga jaamacadda ka baxaa uu awood u leeyahay in uu toos ugu shaqo geli karo waxa uu bartay, waxa aan ku talinayaa:

1. Jaamacadaheennu in ay abuuraan waax ama qayb qaabilsan horumarinta iyo dhismaha ardayga; xirfadihiisa, waayo-aragnimadiisa ku shaqaynta waxa uu bartay iyo guud ahaanba in loo diyaariyo shaqada.

Waaxdan ama qaybtani waxa ay fulinaysaa barnaamijyo iyo adeegyo kala duwan oo ardayda ka caawinaya in ay horumariyaan xirfadaha ay u baahanyihiin, si ay guul uga gaadhaan goobta shaqada. Waxaa ka mid ah, latalin xirfadda shaqada ah, tababarro iyo kulan-hawleedyo. In loo soo casuumo dadka ku shaqeeya xirfadda ay baranayaan, si ay uga dhegeystaan talooyin iyo casharro waayo-aragnimadooda la xidhiidha, in la sameeyo tartanno, imtixaanno iyo waraysiyo shaqo oo jilid ah, si ardayga loogu sii tababaro. Waxa kale oo muhiim ah in ardayga laga dhiso xirfadaha uu sida joogtada ah ugu baahanyahay, sida war isgaadhsiinta iyo xidhiidhka, xallinta khilaafaadka, shaqo-wadareedka iyo iskaashiga, hoggaaminta, iwm.

1. Jaamacaduhu waa in ay xidhiidho wada shaqayneed iyo iskaashi la yeeshaan shirkadaha iyo guud ahaan shaqaaleeyayaasha dalka, si ay ardaygdooda uga helaan fursad ay tababarro shaqo kaga helaan, isla markaana ay masuuliyiintooda shaqaalaynta iyo waaxyaha kala duwan ee hadba waxbarashada ardayga khuseeya ku soo casuumaan jaamacadda, si ardayda ay u siiyaan khudbado iyo tababarro la xidhiidha baahiyaha xirfadaha shaqo ee goobahooda shaqo yaalla.

2. In ay joogto u casriyeeyaan manhajyada waxbarasho iyo xitaa noocyada koorsooyinka ay ardayga siinayaan takhasus kasta. Iyaga oo raadinaya hadba cilmiga iyo kutubta soo kordha koorsooyinka, koorsooyinka laga takhaluso iyo kuwa soo kordha, iyo hannaanka waxbarasho ee loo guuro.

3. In ay ardaydooda ka dhisaan afka Ingiriisiga, qoraalka iyo hadalka ama war isgaadhsiinta. Waxa ay u fududanaysaa in ardaygu uu sii kordhisan karo aqoontiisa, lana socon karo aqoonta iyo cilmibaadhista ku soo korodha xirfadda iyo aqoonta uu bartay, jaamacadda kaddib. Waxa kale oo ay u fududaynaysaa in uu aqoon iyo xirfado kale barto, ama uu waxbarasho sare u gudbo, iyo in ay u fududaato helitaanka shaqooyinku.

UGU DAMBAYN MAXAA ARDAYGA U TALO AH…?

La Soco….

Qore: Kamaal Marjaan

Check Also

jaamacado, waxbarasho, ardayda,

Jaamacaduhu Ma Xarumo Cilmi Baa, Mise Waa Aalad Lagu Faafiyo Gumaysiga?

Muddo dheer waxaa dunida ka jirta dood ah in reer galbeedku ay waxsoosaarkooda aqooneed, iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *