10 Tallaabo Oo Lagu Yareeyo Xanuunka Caadada

Dhaqdhaqaaqa badi: Waxaa laga yaabaa inaad la yaabto, adigoo xanuun badani ku hayo sideen u dhaqdhaqaaqaa. Jimicsigu wuxuu caawiyaa in unugyada dhiigu ay si fiican u shaqeeyaan, hadaba hadii aadan maalintaas jimicsi samayn karin ku dadaal jimicsigu inuu noloshaada wax kamida noqdo, si maalinta caadada aad hesho ay kuugu fududaato.

Meel diiran: Diirimaadku wuxuu yareeyaa xanuunka caadada sida inaad maro dugsoon aad huwato adoo meel dugsi ah jiifsanaya ama jiifa. Barkin ama wax u dhigma oo aad caloosha ku qabsataana waxay keentaa dugsoon xanuunka yareeya.

Duugitaan: Xanuunku inta uu ku hayo isku day inaad gacantaada ku duugto meesha xanuunku u badan yahay.

Is iloowsii xanuunka: Waxaa hubaala in xanuun kasta hadii la is iloowsiiyo inuu yaraado, hadaba isku day inaad naftaada wax ay ku iloowdo xanuunka aad ku maaweeliso. Waxay dhaantaa inta aad jiifsato kadibna aad ka fikirto xanuunka.

Xanjo calaasho: Hadii aad tahay gabdhaha aad u mataga wakhtigaa, waxaad isku daydaa inaad xanjo cusub markasta afkaaga aad ku hayso, si ay kuu iloowsiiso mataga.

Musqusha aad u gal: Hadii aad awoodo isku day inaad badiso musqusha galitaankeeda, qoyaanka badani wuxuu siyaadinayaa inay naftaadu diiqadooto kadibna xanuunku sii bato. Hadaba aad ugu dadaal inaad qoyaanka iska yarayso.

Caanaha cab: Daraasad ay soo saareen professor-ro Ingiriis ahi waxay ku cadeeyeen in caanuhu ay yareeyaan xanuunka badan ee dhiiga caadada. Hadaba ku dadaal caanaha inaad cabto.

Sinjibiil: Waxay yaraysaa wiswiska badan, isku day inaad cabto iyadoo diiran sida inaad ku darsato shaaha ama koob biyo kulul ah ku darso kadibna cab inta uu kulul yahay.

Khamuun: Xawaashka ay soomaalidu u taqaano khamuunta (Persian cumin) wuxuu caawiyaa xanuunka caadada.

Sactar! Caleenta loo yaqaano sactarka (Thymus) isna wuxuu yareeyaa xanuunka dhiiga caadada.

Saliida kaluunka (malaayga)! Daraasad kale oo ay soo saareen professor-ro Denish ahi waxay cadeeyeen in saliida kaluunka iyo vitamiinka B12 ay iyaguna yareeyaan xanuunka caadada.

p-piller (COCP): Kiniinka loo cuno dhalmada ka hortageedu wuxuu aad u caawiyaa xanuunka caadada, hadii aad rabto kiniinkan waxaad kala hadashaa dhakhtarkaaga si uu kuugu tilmaamo mid aan waxyeelo keenayn.(ha iska qaadan kiniinkan adoon kala tashan dhakhtar).

Dhakhtarka aad: Hadii xanuunkaagu yahay mid aad u badan oo ayna caawinayn waxaas oo dhami, waxaa fiican inaad dhakhtarkaaga u tagto si uu kuu baadho.

W/Q: Anisa Sh. Ibraahim

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *