Xanuunka Caadada: Noocyadiisa Iyo Qodobo Muhiim Ah

xanuunka caada, dhiiga caadada

Waxay dumarka intooda badan la kulmaan nooc xanuun caado inta ay noloshooda jirto. Erayga caafimaad ahaan loogu isticmaalo waa “dysmenorrhoea“.

Aad ayey u xanuujisaa dumarka qeybta hoose ee caloosha ayada dhabarka ilaa cajirada gaarta waxaa loo qeybiyaa labo nuuc:

  1. Qeybta koobaad (primary dysmenorrhoea ) waa xaalad caadi ah oo minka ayaa aruura oo dhibkale makeeno
  2. Qeybta labaad (Secondary dysmenorrhoea waxaa sababa xanuuno ku dhaca minka sida in dahaarka qeybo kamid ah minka ay ku samaysmaan tubooyinka ama mindhicirada. ama in buro minka ay ku dhexsamaysanto markaana dhiigbax iyo xanuun daran imaado. iyo caabuq in uu ku dhaco minka ama tubooyinka.

Waxaa xanuunka caadada lagu daawayn karaa guriga. Hase-yeeshee, haddii xanuunka caadadaada u aad u xun yahay, waxaa lagaga baahan doonaa inaad u tagto Dhakhtar Guud (GP).

CALAAMADAHA:

Calaamdaha dumarka wey ku kala duwanaankaraan balse dumarka inta badan waxey dareemaan murqo xanuun ku dhaca calooshaada hoose. Mar-mar, waxuu xanuunka kuu qabanayaa si xoog leh, waqtiyo kalena waxuu ahaan karaa xanuun fudud, laakin joogsi la’aan ah.

  • madax xanuun
  • yalaalugo
  • daal
  • xaalad kacsanaan
  • walaac
  • war-wareerid, iyo shuban.

Waxuu caadi ahaan xanuunka caadada bilaabanayaa markii uu dhiigga bilaabanaayo, inkasto oo ay dumarka qaarkood xittaa ay la kulmi karaan xanuun dhoowr maalin ka hor intuusan bilaaban caadada.

Waxuu xanuunka caadada socon doonaa 12-24 saacadood, inkasto oo xaaladaha xun ku hayn karo dhoowr maalmood. Xanuunka wuxuu badanaa ugu xun yahay markii dhiig-baxaaga caadada ugu badan yahay.

Xanuunka caadada waxuu caadi ahaan ku fiicnaanayaa markii aad sii waynaato. Dumar badan waxay sidoo kale dareemaan fiicnaansho ka dib markii ay carruur dhalaan.

MAXAA SABABA XANUUNKA CAADADA?

Xanuunka cadada waxaa ukala sareyaa ilaa labo nooc oo kala ah :

1-Nooca 1 aad ( primary dysmenorrhoea):

Dumarka inta ugu badan xanunka nocan ah aye dareyman dhib badan malahan kaliya gidaarka muruqeedka ee ilmo-galeenka is-qabsado deedna dhiiga garayaa yaranyo. Noocan guriga waa kula tacaali kartaa.

2- Nooca 2 aad ( secondary dysmenorrhoea):

Noocan guriga macula tacali kartid waa in aad doctor la kulantaa si uu kugu sheego waxa sababay. Inta badan waxaa keena sababa ama xaalad gaar ah sida :

  • Endometriosis (waa markii unugyada ilmo galeenka ay bilaabayaan inay ku koraan ilmo galeenka dibeddiisa).
  • Infection ka galmada la lagu kala qado (sexually transmitted infection)
  • fibroids (kansarka aan xumayn ee ku dhaca ilmo galeenka) iyo
  • Qalabka intrauterine (oo ah qalabka looga hortago uurka ee lagu xidho ilmo galeenka gudihiisa) wuxuu xittaa mar-mar keeni karaa xanuunka caadada.
  • Infection ku dhaca tuboyinka ugaxana soo dayeen (pelvic inflammatory disease).

BAARITAANKA CUDURKA:

Hadii aad dareynto xanuunka caadada ha fuddeysan waa in aad la kulantaa dhakhtarka dumarka (gynaecologist) si baaritaan logu sameeyo si loo ogaado hadii eey jiraan xaalado kale oo xanuunka keeni kara. Baartianda la diro waxaa ka mid ah :

  • Pelvic ultrasound (oo ah baaritaan dhawaaq lagu sameeyo sidii loo soo saaro muuqaalka xubnaha dhalidda ee gudaha ku jira) .
  • laparoscopy (oo la geliyo microscope yar meel laga jeexay caloosha hoose).
  • hysteroscopy (oo ah sawir qaade yar oo la marsiinaayo cawradaada lana gaadhsiinaayo ilmo galeenkaaga).

Akhriso: Sababaha Gabadha Ku Keeni Kara Khalkhalka Caadada Iyo Talada Ugu Habboon

DAWAYNTA

Hadii xanuunka uu yahay nooca 1 aad (primary dysmenorrhoea) gurigag kula tacaali kartaa , balse hadii uu xanuunka kugu ziyaado waa in aad doctor la kulantaa waxaa uura gal ah in eey sababeyn waxyaaabo kale.

Si uu xanuun ka kaga yaraado Dawooyinka xanuun ka lagu baabiyo oo loo yaqaano non-steroidal anti-inflammatory drug (NSAID), sida ibuprofen. NSAID waxuu wax u qabtaa qiyaas ahaan ilaa 70% dumarka qaba xanuunka caadada dhiigga.

  • Ka fogow cabida kafeega, cunida shukulaatada iyo wax walba oo la shiilo xiligaan.
  • biyaha lagu daro liinta ayaa la aamin san yahay inay ka qayb qaataan yaraynta ama hoos u dhigidda nabarada qabta haweenka xiliga caadada. Inkastoo dumarka qaarkood dareemaan in xanuunku ama nabarku kasii daro marka ay biya cabaan, balse waxaa la faham san yahay in biyaha lagu daro liin dhanaantu ay badal wanaag san u yihiin dumarka xiliga caadada.
  • cuntoyinka dufunka badan ama subaga ayaan u wanaag sanayn dumarka xiliga caadada, waxaana lagama maarmaan ah inay ku badalaan cunooyinka ay ku badan yihiin faybarka iyo cagaarka. Sidoo kale qudaarta iyo miraha nooc yadooda kala duwan ayaa faaido balaaran u leh dumarka xiliga ay dareemaan nabarka, gaar ahaan xiliga caadada
  • Ha samayn jimicsi sida orod xiligaan balse waxaa muhiim ah inaad socoto ama xataa inaad dabaalato hadii aad awoodi karto. Dhaqdhaqaaqa saaidka ah ayaa la aamin san yahay inuu keeno daal iyo xanuunka oo kasii dara balse socodka ayaa ah xanuun baabiye lagu kalsoonaan karo.
  • Masaajo marso: xiliga caadada ayaa waxaa muhiim ah in lamarsado masaajo wareega iyo caloosha, tani waxay sare u qaaday saa qulqulka dhiiga waxayna yarayn kartaa xanuunka. waa arin sahlan oo gabadh walba awoodo waxaana muhiim ah inaad joogteyso masaajada xili walba oo aad dareento xanuunka caadada.
  • Seexo hurdo kugu filan: Qasab maahan inaad hurdada baarto maadaama xilliga caadada aysan hurdadu ku imaan si sahal ah, hadana waxaa muhiim ah inaad abuurto jawi wanaang san oo ay hurdo ku imaan karto adoo isku diyaarinaya dhan walba, sida gogosha oo aad ka dhigto mid lagu gam’i karo iyo inaad u seexato dhinaca aad nafiska ku dareemayso

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *