Maxaa Sababa Caadada Oo Soo Daahda?

Caadada oo soo daahda:

Walwal makugu haysaa caadada oo xiligeeda ka dib dhacday ama kaasoo daahday, adigoo huba inaadan uur lahayn?

Caadada oo soo daahda ama aan imaan xiligeeda ayaa leh sababa badan oo aan ku ekeen uur. Waxyaabaha sababi kara waxaa ka mid ah hormoonada jirka oo aan isku dheeli tirneen, iyo xaaladooyin caafimaad. Waxaa jira laba xili oo kaliya oo ay caadi tahay in caadada ay imaan weydo si joogta ah. Xiliga ugu horeeya marka gabadha ay qaan gaarto iyo xiliga ay dhalma joojin gaarto.

Dumarka caadiyan waxay helaan caadada inta udhexeysa 10 ilaa 15 sano. Labada sano ee ugu horeysa oo ay caadadu timaado, inta badan caadada ma timaado si joogta ah, sababtoo ah dheecaanada jirka ayaa sameeya la qabsi, waxaana dhici kara in caadada ay soo daahdo amaba aysan imaan.

Dhalma joojinta waxay bilaabataa da’da udhexeysa 45 ilaa 55 sano, jirku wuxuu galaa kala guur, taasna waxay sababi kartaa iney saameyso caadada oo ay jahwareeriso.

Haweenka intooda ugu badan sida caadiga ah caadada waxay u timaadaa 28 maalmood oo kasta, marka ay qaangaaraan ilaa iyo inta ay dhalmada joojiyaan. Hasa yeeshee wareega caadada wuxuu u dhaxayn karaa 21 ilaa 35 maalmood. Waxyaabaha faragelinta ku sameyn kara habsami usocodka ama umaanshiyaha caadada waxaa ka mid ah

Wal bahaarka iyo Wal walka

Walbahaarku wuxuu isku qasi karaa hormoonada jirka, wuxuu badali karaa waxa maalin kasta joogtada kuu ah, wuxuu kaloo saameyn karaa qeybta maskaxda ee maamusha wareega caadada. wal walku haduu bato wuxuu sababi karaa jiro, cayil lama filaan ah, ama misaanka oo u dhuma si lama filaan ah, qadobadaan oo dhana waxay saameyn karaa wareega caadada.

Cayilka

Cayilka jirka wuxuu faragelin ku sameyn karaa isku dheeli tirnaanta hormoonadaada, waxaana muhiim ah inaad si joogta ula dagaalan tid cayilka, adigoo isticmaalayah talada dhakhaatiirta oo ay ka mid tahay cunto isku dheeli tiran iyo jimicsiga.

Dawooyinka ka hortaga uurka.

Waxaa is bedel ku dhacaa hormoonada hadii aad bilaawdid isticmaalida dawooyinka ka hortaga uurka, amaba aad joojisid isticmaalkooda, hadii aad horay u isticmaali jirtay.

Dawooyinka ka hortaga uurka waxay ka sameysan yihiin hormoonada Estrojiin iyo brojesteron oo ah hormoona ka hortada in ugxan siduhu  soo saaro ukun, mararka qaar waxay qaadataa ilaa iyo lix bil in ay caadadu ku timaado xili joogta u ah.

Cudurada raaga

Cudurada raaga sida sonkoroowga waxay saameyn karaan wareega caadada. Is bedel ku dhaca sonkorta ku jirta dhiiga ayaa xiriir la sameysa hormonada, oo waxay u horseedaa faragelinta hanaanka hormonada jirka.

Dhalma joojin so deg degta

Inta badan dumarka waxay dhalma joojin sameeyaan marka ay da’dooda u dhexeyso 45 ilaa 55 sano. Dumarka ay ka soo baxaan calaamada dhalma joojinta ayagoo ka yar 40 sano, waxaa loo qaataa iney dhalma joojintooda ka soo hormartay xiligooda.

Tani waxay ka dhigan tahay iney hoos udhac weyn ku timid sahayda ukumaha ku jira ugxan sidaha, arintaan waxay horseedeysaa in aysan caadada waqtigeeda imaan amaba aysan mardambe dib uhelin wax caado ah.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *