Maxaa Sababa Cillada Shuuqida Uurjiifka (Molar Pregnancy?

shuuqidda uur jiifka

Shuuqida uurjiifka waxay dhacdaa marka cadka yar ee ilmuhu ka samaysmo sida caadiga ah uu isku badalo buruq ama cad balac ahaan wayn oo buuxin kara minka. Inkastoo cadkaas uusan ahayn ilmihii uurka loogu tala galay, Hadana cadkaas wuxuu hooyada u ekaysiinayaa qof uur leh.

Cillada Shuuqida Uurjiifka waxay u baahan tahay in si dhakhso ah loo aqoonsado loona daweeyo. Marka la dawaynayo bukaanka cilladaan qaba waa in laga soo xaaqo dhamaan haraaga cadkaas. Cadkaas wuxuu dhibaato ku keeni karaa xaalada caafimaad ee haweenayda uu ku dhaco.

Maxaa sababa shuuqida uurjiifka?

Waxaa la aaminsan yahay in cillada shuuqida uurjiifku kasoo unkantay ama kasoo bilaabatay dhibaato ku timaada ugxanta ama shahwada lamaanaha. Waxaa jira labo nooc oo ay u kala baxdo shuuqida uurjiifku: Shuuqid Dhamays ah Iyo Shuuqis aan dhamays ahayn.

Shuuqida dhamayska ah. Ukun ama ugxaan aan lahayn xogtii hidawadayaasha ayaa waxaa bacriminaya shahwo. Bacriminta kadib ukuntu iskuma badalayso uurjiif laakiin waxay noqonaysaa cad buuran oo ku samaysmaya booskii uurjiifka, cadku wuxuu u egyahay xirmo canab ah oo kale wuxuuna balac ahaan buuxin karaa minka.

Shuuqida aan dhamayska ahayn. Ukun ama ugxaan ayaa waxaa bacriminaya labo xabo oo mini ah. mandheerta ayaa noqonaysa cadkii shuuqida uurjiifka keenayay.

Mararka qaarkood uur u muuqanaya inuu yahay mataano ayaa waxaa noqday hal uurjiif iyo hal cad oo ilmaha uurka la wadaaga. Balse tanoo kale waxay dhacdaa marar aad u yar.

Maxaa siyaadiya in hooyada ay qaado uurka noocaan oo kale ah?

  • Da ada. Waxaa la aaminsan yahay in hadii hooyada dadeedu ka waynaato 35 sano inay khatar ugu jirto qaadida cilladaan.
  • Hadii aad horay usoo lahayd cilladaan waxaad khatar ugu jirtaa inay kugu soo laabato mar kale.
  • Haweenka uurku badanaa ku xumaado ayaa sidoo kake khatar ugu jira
  • Cuntada oo lagu yareeyo maadada Folic Acid ama Carotene. Carotene waa nooc kamid ah Fiitamiin A. Dumarka aan helin cadad ku filan oo fiitamiinadan ah waxay khatar wayn ugu jiraan inay la kulmaan cillada shuuqida Uurjiifka.

Astaamaha uurjiifka shuuqsan

Shuuqida uurjiifku waxay leedahay dhamaan calaamadaha lagu garto uurka caadiga ah, sida in caadada la waayo iyo xanuun subaxeedka. Balse cillada shuuqida uurku waxay kaloo leedahay astaamo kale oo ka duwan kuwa aan soo sheegnay. Waxaana kamid ah:

  • Dhiig ka yimaada xubinta taranka.
  • Minka oo ka waynaada sida caadiyan lagu yaqaan.
  • Matag iyo lallabo saaid ah.
  • Wadna garaac iyo dhidid saaid ah.
  • Xanuun laga dareemo miskaha.
  • Dheecaan adag oo qaab ahaan shabaha canabka oo kasoo baxa xubinta taranka.

Sidee baa loo daweeyaa xaaladaan?

Bukaanka qaba cilladaan wuxuu u baahan yahay inuu helo dawayn sax. Wuxuu u baahan yahay in laga soo xaaqo dhamaan unugyada iyo cadadka ku samaysmay minka bukaanka. Waa in aan loogaga soo tagin wax haraadi ah si uusan cadku dib ugu soo laaban. Soo xaaqida cadkaan waxaa loo isticmaalaa qaab loo yaqaan Vacuum Aspiration oo ah qalab u shaqeeya sida kan roogaga lagu nadiifiyo.

Waxaa sidoo kale jira qaab kaas mid ka duwan oo loo daweeyo cilladaan oo ah in la saaro dhamaan minka hooyada. Taasi waxay ku xiran tahay bukaanka, hadii hooyadu dhalmo daysay ayna isku aragto cilladaan waxay qaadan kartaa taladaan danbe.

Dhibaatooyinka caafimaad ee ka dhalan kara xaaladaan

Hadii waqtiga saxda ah la daweeyo badanaa majiraan dhibaatooyin caafimaad oo ka yimaada cilladaan. Balse waxaa dhici kara in mararka qaarkood cilladaan keento cudurka kansarka.

Check Also

madax farad, noocyada madax xanuunka

Noocyada Madax Xanuunka, Midka Ugu Daran Iyo Hababka Looga Bogsado

Madax xanuun iyo madax farad (headache and migraine) Madax xanuunka: Madax xanuunku waa xanuun qofku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *