Maxaa Sababa Dhadhanka Afka Oo Qaraar Noqda?

Ma isku aragtay afkaaga oo yeeshay dhadhan qaraar oo aan tageyn? Tani waxa ay kugu beeri kartaa walaac iyo inaad isweydiiso sababta keenaysa cilladaan. Hadaba qormadan waxaan ku soo gudinaynaa sababaha keeni kara dhadhanka afka oo xumaada. 

Maxaa keena dhadhanka afka oo qaraar noqda? 

Nadaafad darro afka ah: 

Tani waxa ay ka mid tahay sababaha ugu badan ee keena in dhadhanka afku uu xumaado. Nadaafadda afka oo la dayaco waxay sababtaa inay afka ku uruuraan bakteeriyada, huurada iyo haraadiga cunnada. 2 goor oo la cadaysado maaliintii, isticmaalka dunta lagu findhicisho iyo dawada afka lagu luqluqdo ayaa lagula dagaallaami bakteeriyada afka iyo huurada. 

Af qalleylka: 

Marka afkaagu uusan soo saarin calyo ku filan waxa ay sababi kartaa in dhadhanku uu xumaado. Cilladaan waxaa loo yaqaannaa “xerostomia”, waxaana keena dawooyinka, fuuqbaxa iyo xanuunnada qaar. Dawooyinka qaar sida kuwa loo adeegsado caburka, xajiinta, kaadi badiska iyo niyad jabka wax ay yareyn karaan calyada. Calyadu waxay nadiifisaa haraadiga cunnada iyo aashitada ay bakteeriyada soo deyso, arintaan ayaa ka caawisa qofka sidi looga hortagi lahaa tarmidda bagteeriyada sababi karta dulaan horseedo cudurro. Cabbista biyaha oo la badsado ayaa ka kaxeyn kara af-qalleylka. 

Laab jeexa: 

Laab jeexu wuxuu keenaa in aashitada calooshu ay ku soo rogmato hunguriga taas oo keenta in dhadhanka afku u qaraaraado. Istimaalka barkin dheer marka la seexanayo, cunnooyinka caafimaadka leh oo joogteeyo iyo ka fogaanshaha cunnooyinka kiciya sida kafeega, soodhada, basbaaska, shukulaatada ayaa lagu yareyn karaa astaamaha laab jeexa.

Akhriso: Habka Loo Maareeyo Raaxa La’aanta Ka Dhalata Laab Jeexa

Infekshannada sanqaroorka: 

Infekshannada iyo san-xiranka waxa ay saameyn karaan dareenka dhadhanka iyagoo kordhiya dhadhanka qaraar.  

Dawooyinka: 

Dawooyinka qaar, sida qallajiyeyaasha, dawooyinka niyad jabka iyo dhiig karka waxa ay keeni karaan in dhadhanka afku uu xumaado, cilladahooda ayayna ka mid tahay. 

Sigaar cabidda: 

Sigaar cabbiddu ma dhaawacdo caafimaadka afka oo keliya balse waxay kaloo keeni kartaa dhadhanka qaraar ee afka. Xalku waa in la joojiyo tubaakada (sigaarka) si loo wanaajiyo shaqada unugyada dhadhanka ee carrabka, loogana takhaluso dhadhanka aan fiicnayn ee afka.

Akhriso: Sababahaan Awgood Jooji Cabidda Sigaarka

Cunno xumada: 

Cunista badan ee sonkorta iyo cunnooyinka qashinka “junk foods” waxa ay carqaladayn kartaa dheelitirka bakteeriyada ku jirta afka taas oo keenta in dhadhanka afku uu xumaado. Xalku waa in loo bedesho cunno isku dheelitiran oo ay ka buxaan furuutka iyo khudradda iyo badarka si loo wanaajiyo caafimaadka unugyada dhadhanka ku shaqada leh. 

Cilladaha afka: 

Bololka ilkaha, infekshannada afka iyo xanuunada ku dhaca cirridka waxa ay keeni karaan in dhadhanku oo qaraar noqda. Baaritaanka afka oo si joogto ah loo sameeyo iyo nadaafadda afka oo si wacan loo daryeelo ayaa looga hortegi karaan cilladaan laguna kobcin karaan caafimaadka guud ee afka. 

Xasaasiyadda: 

Xasaasiyadda cunnooyinka, dawooyinka ama deegaanka ayaa keeni kara in dhadhanka afku uu qaraar noqdo. 

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *