Psychology: Cabsi Cuqdadeed – Phobias

Waxaa jira Cabsiyo badan dadka ku dhaca, haddii aad taqaan nooca cabsida ku haysa waxaa laga yaabaa inaad daawadeeda hesho, halkan ka akhri 21 Cabsiyood oo dadka ku dhaca.

1. Cocophobia: Cabsiga fool xumada, wuxuu qofku dareemaa in uu fool xun yahay, warwar iyo walaac weyna way ku haysaa. Dharkasta oo uu xidho, wuxuu u arkaa inuu ku fool xun yahay.
2. Anuptaphobia: Cabsida guurka, wuxuu qofku ka baqaa inuu guursado.

3. Philophobia: Cabsida in qofku wax jeclaado lana jeclaado, wuxuu qofku gabi ahaanba ka cabsadaa inuu wax jeclaado iyo in la jeclaado.
4. Antefamaphobia: Cabsida xanta, wuxuu qofku ka cabsadaa in la xanto laba qof oo kasta oo wada hadlaya, wuxuu u haystaa in ay xamanayaan. Ma ogolaado in uu meel uu fadhiyay ugu hor kaco, wuxuu ka baqayaa in markuu kaco la xanto.
5. Nomophobia: Cabsida in Mobile ka baytarigiisa dabku kaa dhaco, qofku wuxuu ka cabsadaa in dabku ka dhaco, wuxuu aad uga naxaa farriinta ( battery law) hadduu ka dhacana, wuxuu dareemaa warwar.
6. Haphephobia: Cabsida qofku ka qabo in jidhkiisa la taabto, qofku wuxuu iska ilaaliyaa dadka caadaysta marka ay sheekaynayaan in ay dadka jidhkooda taabtaan.
7. Decidophobia: Cabsida go’aan qaadashada, qofku wuxuu ka cabsadaa inuu go’aan qaato, waxaana u muuqata in uu ku guul-darraysanayo go’aan kasta oo uu qaato.
8. Euphobia: Cabsida warka wanaagsan maqalkiisa, waxa ay inta badan ku dhacdaa dadka sharka jecel ee markasta in wax xumaadaan iyaga ay ugu dhantahay ayaa ka naxa marka ay war wanaagsan maqlaan.
9. Trypophobia : Cabsiyada daloolada wuxuu qofku ka baqaa in meel kasta oo daloosha wax ku jiraan ama ka soo galayaan.
10. Aerophobia : Cabsida duulimaadka sida yaraadaha oo kale, wuxuu qofku ka baqaa inuu ku dhinto duulimaadka
11. Mysophobia: Cabsida Jeermiska wuxuu qofku ka shakiyaa in uu jeermis gacanta ku taabtay cid kasta oo salaantana uu ka shakiyaa.
12. Claustrophobia: Cabsida goobaha cidhiidhiga ah wuxuu qofku ka baqaa meel kasta oo cidhiidhi waxaanu dareemaa in naqasku ku dhagayo.
13. Astraphobia: Cabsida Onkadka iyo Hilaaca wuxuu qofku ka baqaa in danab ku soo dhaco, hilaacuna uu cabsi galiyaa.
14. Cynophobia: Cabsida Ayda wuxuu qofku ka baqaa Ay oo dhan.
15. Agoraphobia: Cabsida meelaha buuqa ah iyo meela cidlada ah.
16. Acrophobia: Cabsiga fuulidda meela dhaadheer
17. Ophidiophobia: Cabsida Masaska
18. Arachnophobia: Cabsida kaneecada
19. Ambulophobia: Cabsida waddo ku lugaynta, wuxuu qofku ka baqaa in dad isaga soo eegayaan.
20. Peladophobia: Cabsida qofku ka qabo dadka madaxa xiiran ama dhukuran.

21. Garascophobia: Cabsida da’da qofku wuxuu nacaa weynaanta oo haddaad ku tidhaa Hooyo, Edo, Habar yar, Adeer, Abti, Aabbo Awoowo uu ka naxaa mana jeclaysto,

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *