Waxyaabaha Keena Warwarka & Walaaca (Stress)

Bismilaah mahad oo dhan alle ayaa iska leh waxaan salaamaya dhaaman umadda soomaliyeed meel kastay joogan marka xigta waxan sigaar ahaaned usalaamaya intii magacayga iyo muuqayga garanaysa.

Muddo badan ayan ku hawlana baadhitaano ku aadan dhanka wax ka ogaanshaha nafeed ee qof ka bili,aadam ka ah, maaha marki uhoreysay ee aan wax ka qoro aafadaha maskaxeed iyo nafeed ba ee soo food saara nafta qofka. Iskuna day qoraalkan inaad dhamaystirato mahadsanid.

Hadaad sidaan ku faray aad sameyso raacdana talaabooyin kan hoos ku qoran waan hubaa inaad isbedel wax ku ool ah aad dareemayso haddii kale Eeda anigaa dhakada u xambaaranaya bal ila akhri akhriste.

Cinwaanku uma baahna sidaan filayo sharaxaad badan, inbadan ayaad maqasheen stress ayaa I haaya ama warwar maskaxeed ayaan dareemaya, su,aashu waxay tahay tolow’, waa maxay warwarku ama afka qalaad loo yaqaan stress?

Warwarka ama isku buuqa haddba sida aad utaqaan waxan siguud ugu macnayn karaa waa cadaadis maskaxeed kaas oo jiif iyo joog ba udiidaya nafta, wuxu khatar ku yahay caafimaad ka iyo nafta waana mid kamid ah cudurrada aanay dad ku weli helin dawadiisa.

Sidaan ogaaday waxa sababa saddex dan qodob oo kala ah :-

  1. Kabaqis waxa soo socdo iyo mala-awaal (hallucination) aan jirin oo niyadaada ku sawir ma.
  2. Kabaqis ama ka cabsi wax taagan siday noqon doonan oo xalkeedi aad la,adahay.
  3. Kafakirid wax tagey oo niyadada kusoo noq-noqda.

Qodob-qodob aynu udul istaagno

Qodob ka koowaad :- aynu lafo gurno kacabsi ay sabab u tahay wax soo socda iyo mala-awaal aan jirin oo niyadada ku sawir ma.

Tusaale, waxaad rabtaa inaad guursato sanadaha soo socda waxaad ka fakari gabadha aad rabto suurada ay leedahay iyo dabeecadeheda gaar ka ah ee aad ka rabto , intaasi oo waa okay lakiin warwarka ( stress )  wuxu ka imanaya waxad niyada ku mashquulin ma is fahmaysaan misena caruur ma dhalaysaa ? su,aalo nooca ubadan ayaad maskaxadaada mashquulinaya .

Maaha inaad ka fakirto waxa soo socdo ee aanad awood ulahayn in aad sida aad rabto uqorshayso, Akhriste su,aal aan ku waydiiyo awood ma uleedahay inaad ilmahaaga u horeeya (curad) aad gabadh ka dhigto ? jawaabtu waa maya, sidaa si leeg maxad uga fakari waxa soo socdo .

Qodob ka labaad:- Tusaale, geed gaaban iyo mid dheer ba waad u fuushay sidaad shaqo u heli lahayd lakin raxmaan kuuma qorin, maxad dareemaysa intaa kadib?

Ka fakarida waxjooga xal uhelid la,aanteda wuxu horseed u noqon karra inaad warwar, isku buuq, cadho, iyo niyad jab ka dhan ah nolosha aad dareento, shaqo la,aantu waa dhibaato xun taas oo heeryada ka kasoo furaysa baab ki ahaa welwel ka iyo isku buuqa, kan shaqeeya marka loo eego kaas shaqayn waa mid maskax ahaan iyo jidh ahaan ba ka degen ( stability mind & body ).

Haddaba akhriste Imisaad shaqo si fudud ku heshay kuna faraxday lacagti kaaso gashayna aad meelo badan ku asturtay, alle ayaa qadaray waxkasta lakiin niyadaada usheeg in alle aanu marna ku dayacayn, rajadu waa awood aad ku noolaan karto kuna sugi karta wixi alle kuu qoray , rajee wax fiican kana rajee meel fican ‘’ dhibta waa lagu samara, sedkaaguna waa wax qoran ‘’

  1. noqo mid alle talo saarta
  2. ilaali salaada xiligeeda
  3. badso xuska alle iyo adkaartisa.
  4. Dadaal intaad awoodo ha odhan wixii alle ii qoray ayaan sugaya lakin dadaal miciinso intii karaan kaaga ah.

Qodob ka saddexad :-tan udambaysa ka fakarid wax tagey oo niyadaada ku soo noq-noqda, waa cagsigii qodob kii kowaad lakiin macno ahaan ka duwan.

Ttusaale kooban dhacdo kugu dhacaday boogna kugu reebtay gocoshadeedu muhiim ma aha waayo xiligeedi way dhaaftay waxna kama qabatid, se waxa kula gudboon inaad a gaasinto xigtada taa ku xigta kana gaashaamanto dhacdadii hore oo kale. Ama haddii wax kale la kulanto iska ilow hana isku sii mashquulin,

Dr Ibrahim fiqi waa kii lahaa :-

‘’mar-mar ayaa ilaahay albaab inaga xidhaa si uu mid kale inoogu furo lakin dad ka badan koodu waxa ay wakhti iskaga lumiyaan sii eegista albaab ki xidhmay .’’

Kama gayoonayo qoraalkayga kumana soo koobi karo halkan waayo waa mawduuc sal baladhan , Lakin weli waxad mooda nuxur kaygi inaan gaadhin iyo daawooyin kii aan soo dhiraan dhiriyay, waxaa layidhahdaa markaad dhibta ( problem ) ka aad ogaato ayaad xal ka ( solution ) helaysha.

warwarka iyo walaacu waa xanuun halis ah laakiin nolosha laga maar-maan u ah sabab too ah hadaanad war-warin kana war-warin wax fiican suurto gel maaha in hawlahaagu hawl yari kuu hirgalaan, u warwar cibaadada iyo salaadada iyo hawlahaaga gaar ka kuu ah.

Astaamaha lagu garto qof ka warwar ka iyo walaacu hayo ( stress )

  1. Miisaan kisa jidh ahaaned oo hoos ulaciifa muddo kooban gudahood (weightless )
  2. Hurdo la,aan ( insomnia )
  3. Diiqad badan uu dad ka ka diiqadoodanayo
  4. Murqo xanuun iyo daal
  5. Hadalo kulul iyo wax lamida ah
  6. Niyad jab ( depression )
  7. Dhiiga oo kor ukaca halis na aad ugu jira dhiikar inuu kugu dhufto ( blood pressure)
  8. Cuntada oo kaa xiranta( anorexia )
  9. Hadalo isdhaafsan oo aad ku hadashid xiligaad hadlaysid
  10. Wadnaha oo aad culays ka dareento ( myocardial infraction )

Madama hadda aynu xaqiiqsanayn halis ta u leeyahay stress ku , xiliyada qaar stress kaaga oo baata wuxuu isku bedeli kara waxa loo yaqaan shaki ( paranoid ) , maxaad u warwari haddad ogaatay halistaas oo dhan ka haajir kana hayaan usahan tag farxada , nafta layli oo darawal keeda noqo dad ka badan koodu saan aamisnahay naftooda ayaa darawal u ah ’ haddba nafta waxad ku beerto ayaad ka heli’’

 

si kastay ahaataba aan soo xulo kuwa ugu muhiimsan ee nafta yididiilo ku abuuri karo kana bogsiin kara warwarka.

Haddaba raac qodobadan si deggena u akhri.

  1. Please ogsoonow xadhiga ilaahay oo aad haystaa iyo alle oo aad ku kalsoonata waa samaha addunyada lagu gaadho lagana baxo cidhiidhiga nafeed ama qalbi.

Alle wuxuu quraankis ku sheegay “ waxaa liibaanay Ruuxii Daahir noqda, magaca Eebana xusa, Salaadana tukada”

  1. Salaadada ilaali wakhtigeeda , badso akhrinta quraan ka waxay dawo kayihiin warwarka iyo cidhiidhiga maskaxda, salaada subaxna isku day inaad tukato.
  2. Beri magarran kartid waxa kugu dhici ama aad la kulmi karto sidaa darted ka fagow waxad ka fakarayso ee mala –awaalka ah uhub-qaado sidaad naftaada iskaga cabin lahayd .
  3. Hanoqon qof ay naftu maamusho , ahow kan hogaan ka uhaya.
  4. Badso hadalada wanagsan.
  5. Wakti sii nafta oo meel cidla intaad tagto niyada faaruqi ogsoonow dhaman ruuxda iyo qalbigu waa kuwa ku degga,waxayna lamid tahay 6 bilood oo 24 kii saacadod ba aad qoslaysay.
  6. U rajee wax wacan naftaada hana ka quusin naxariste alle.
  7. Dhibaatoyin ka kusoo wajaha si deggen oo kafiirsasho ah uxali hana ku deg-degin jawaab celintooda.
  8. Iska ilow waxkastoo kusoo maray adoo niyadda ka dhaadhicinaya in ay awal ba dhib kugu ahaayeen.
  9. Wax aad uxiisaynay oo aad weydo waa halista abuurta wer-wer ka lakin u fakar si maldahan oo niyada ka dhaadhici in bedel keedu ka wacnaan doono waayo’, naftu waa beer banan oo hadba iniinyaha aad ku beerto ayaad kasoo baxaya.
  10. Habeen ki xili hore seexo , iskuna day inaad xili hore kacdo
  11. Ka fogow riyooyin ka nacas nimada ah ee madhalayskaa
  12. Nafta ka dhaadhici waxkasta in ay agaasimanyihin.
  13. Cidlo haddaad dareento ama aad fakarto ka tag meesha aad joogto una tag asxaabtada si culasyki uu hoos kaag dhaco ( pressure decline ).
  14. Rabina taladaada saar talaabo welba.

Malaa haddal kii waan dheerayay laakin magaranayo goor aan qoray waxaas oo dhan. gunti iyo gebi-gebidi, waxan naftayda iyo nafihiinaba kula talinaya in alle towbada ina waafajiyo kuwi alle ka raali noqdana inaga dhigo wa bilaahi tawfiiq.

La soco qeybta 2aad

W/Q: – C/xakiin C/laahi Aadan dheere

Email = abdi.177@hotmail.com

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *