Awooda iyo Saameynta erayada lagu hadlo

Professor ayaa u jeedinayay Arday khudbad ku saabsan awooda & saameynta ay yeelan karaan kelmadaha aan ku hadalno & hab dhinaca wanaagsan ah in loo fakiro.

Mid ka mid ah Ardaydi ayaa gacanta taagay oo yiri, “U maleyn maayo inay kelmado wax bedeli karaan. Maalin kastaa dadku way iska hadlaan waxna qoraan. tusaale hadaan maanta dhan iraahdo ‘Nasiib wanaagsan’ kuna celceliyo bedeli mayso xaalada aan ku sugnahay”

Professor-ki ayaa ugu jawaabay, “Nacasyohow aamus. Waxaad tahay jaahil aan fahmayn waxa la yiri!”
Ardaygi ayaa naxay, wejigiisi ayaa caro la guduutay wuxuuna yiri, “Maxaad sidaa iigu caayaysaa? maxaad is mooday adigu? & erayo kale….” Professorki ayaa ka dhexgalay, “Fadlan is deji, uma jeedin inaan ku waxyeelo. Fadlan i cafi inaan isticmaalo erayadan oo kale” Ka dib ardaygi ayaa qaboobay.

Professorki ayaa sharaxaadi sii watay, “Xaqiiqdi taasi waxay ahayd jawaabta su’aashaadi. Erayadi aan hada iri saameyn weyn ayay kugu yeesheen inkastoo aysan niyadeyda ahayn inaan ku calool xumeeyo hadana kelmadaha aan iri doorkoodi ayay ciyaareen. Halka erayadi dambe aan iri ay ku dejiyeen. Tani waxay si cad kuu tuseysaa awooda ay erayada lagu hadlo leeyihiin”

Kelmadaha aan ku hadalno:-
Waxbay daweyn karaan ama dhaawici karaan
Waxay noqon karaan dhiirigelin ama niyad-jab
Waxay joojin karaan colaad ama bilaabi karaan dagaal
Waxay abuuri karaan is-fahan ama khilaaf
Waxay kuu kasbi karaan xushmad ama naceyb
Waxay xoojin karaan xiriirka ama Guri bay kaa dumin karaan
Waxay kuu horseedi karaan Dambi ama kuu siyaadin karaan AJar & Xasanaad

Hadal kastoo aad ku hadasho iyo sida aad u hadasho waxay sawir cad ka bixinayaan shaqsiyada qofka iyo heerka uu gaarsiisan yahay Nolosha.
Ogsoonow ul ama dhagax waxay jabin karaan laftaada, laakiin erayada lagu hadlo waxay dhaawici karaan ruuxdaada.
Ka fiirso waxa aad ku hadleyso, marnaba cid ha ku waxyeelayn carabkaaga, Ha kugu tilmaansadaan dadku qof afkiisa umada ka nabad gasho iyo qof afkiisa wanaag keliya ku hadla.

Waa Maskiinki Saaxiibkiin ahaa oo idin leh Mahadsanidiin

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *