Calaamadaha Lagu Ogaado Qofka Ku Neceb Iyo Sida Cashar Adag Loogu Dhigo

calaamadaha qofka ku neceb, dadka ku neceb

Qof kasta oo caadi ahi waxa uu leeyahay dad neceb dadka wax neceb waxaa loo qeybiyaa labo qeybood,  kuwo khatartoodu aad u yartahay oo cabbira naceybkooda si toos ah iyo kuwo khatartoodu aad u badan oo u cabbira naceybkooda si hoose oo xeeladaysan. Sababta ay kuwa qarsada naceybkoodu uga khatarsan yahiin kuwa kalena waxay tahay in mararka qaar ay iskaga kaa dhigaan dad saaxiibo kula ah sidaas daraadeedna waxaa muhiim ah inaad aqoonsato oo aad dadka ka dhex garato.

Calaamadaha Qofka Ku Neceb:

Waxaad ogaataa in calaamadahaan soo socda ay dhammaantood xaadir ku noqdan qofka ka horta inta aanad go’aamin oo aanad kusoo gunaanadin in qofkaasi ku neceb yahay, Calaamadahaan badankooda waxaa samayn kara qof caadi ah balse haday dhammaantood qofka ka muuqdaan waxaa jirta suurtagalnimo aad u weyn oo ah in qofkaasi ku neceb yahay:

Ku Hambalyayn Maayo:

Waxyaabaha ugu adag ee uu sameeyo qofka wax necebi waa inuu hambalyeeyo ama bogaadiyo qofka uu neceb yahay Xattaa haduu uu mar sameeyo waxaad ogaan doontaa in qaabka uu kuu hambalyaynayaa ay ka duwan tahay sida dadka kale kuu hambalyeeyaan, Halka saaxiibadaa badankoodu ay kuugu hambalyayn doonaan si diirran markaad howl fiican qabato, qofka ku neceb waxaa ku adkaan doonta inuu sidaas sameeyo.

Calaamadaha Jidhka Ee Muujiya Ka Xumaanshaha Markaad Guulaysato:

Marka aad shaqo fiican qabato ama aad gaadho mid ka mid ah hadafyadaada qofka ku necebi ku farxi maayo natiijadaa, marka uu dhegaysanayo qofka ku necebi waxaa laga yaabaa inuu sankiisa taabto, inuu sankiisa taabtaana waa calaamad muujinaysa inuu dareemayo dareen xun taasina waxay ku tusinaysa in qofku aanu jeclaysanayn waxyaabaha meesha ka socda.

Ku Qosli Maayo Kaftankaaga:

Xattaa haddii aad tidhaahdo wax aad u qosol badan qofka ku necebi awood u yeelan maayo inuu kugu qoslo isagoo dhoola cadeyn been ah iska keena mooyee, tan waxaa la mid ah qofka oo aan like saarin sawirrada iyo qoraallada aad soo dhigto facebook-gaaga xattaa haday cajabiyaanba.

Wuxuu Kaaga Hadli Doonaa Si Xun:

Qof kasta oo kaa hadla marka aad maqan tahay ama aanad la joogin ma ahan qof ku neceb balse qof kaaga hadlo si dadka kale ku dhiirragelisa inay ku necbaadaan waxaa hubaal ah in qofkaasi  ku neceb yahay.

Qofka Oo Waxbadan Doona Inuu Warkaaga Ogaado:

Qofka ku neceb wuxuu badanaa isku deyi doonaa inuu horumarka noloshaada uu ogaado si uu u hubsado inaad weli dhib ku jirto, waxaa laga yaabaa inaad aragto isagoo ku weydiinaya suaalo badan oo kugu saabsan si uu ogaado inaad faraxsan tahay iyo inkale.

Wuxuu Isku Deyi Doonaa Inuu Kuu Digo Markaad Isku Daydo Inaad Guulaysato:

Dadka ku necebi waxay iskaga kaa dhigi doonaa inay yihiin saaxiibadaa oo aad kuu danaynaya, kuwaani waxay badanaa isku deyi doonaan inay kuu digaan markaad isku daydo guul gaadho nolosha ama aad qabato wax aanay ku guulaysan inay qabtaan.

Xidhiidhka Indhaha:

Xidhiidhka indhuhu waxa uu qofka dareensiiyaa in aad qaddarinayso, taas oo ku qasbaysa in uu isaguna xurmayn la mid ah kuugu jawaabo. Mararka qaar qof marka uu neceb yahay qof kale waxa iskaga ilaaliyaa indhaha laakiin markasta oo qof indhaha kaa eegi waayo ma ahan inuu ku neceb yahay waxaa dhici kartaa qofkaas inuu khajilaad badan yahay. Haddii qofka aad taqaanno oo dadka kale uu indhaha ka eego adigana iska ilaaliyo inuu indhaha kaa eego waxay astaan u noqon kartaa in qofkaasi uu ku neceb yahay, sidoo kale haddii qofku markasta uu indhaha kugu gubo iyadana waxay noqon kartaa inuu ku neceb yahay.

Sida Loola Dhaqmo Dadka Ku Neceb:

Sheyga keliya ee si xun ula dhaca dhulka qofka ku neceb waa markay arkaan qofkay neceb yihiin oo guulo badan sii gaadhaya, Xagaad ka xumaan lahayd sababtoo ah dadkaas ku neceb awgood, u isticmaal energy-ga naceybka ah ee qofku kusoo dirayo si aad u noqoto qof guulo badan sii gaadhaya.

Noloshaada oo keliya ku horumari meyso natiijada ka dhalata guulaha badan ee gaadhayso balse waxaad sidoo kale cashar adag si aadaab leh ugu dhigi doontaa nacabkaaga.

W/D: Cabdirisaaq Faarax

Akhriso: Calaamadaha Aad Ku Garan Karto Saaxiibtinimada Waarta

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *