Caadooyin Halis Ku Ah Caafimaadka Indhaha, Awooda Araggana Hoos U Dhiga

Indhuhu waa xubnaha dareenka ee ugu muhiimsan. Indhuhu waxay leeyihiin qeybo badan oo isla shaqeeya si ay u sameeyaan arag faseex ah.

Maadaama indhuhu ay kaalin wayn ka qaataan howlaheenna maalinlaha ah waxay u baahan yihiin in si wanaagsan loo daryeelo. Haddaba waxaa jira caadooyin dhaawaca caafimaadka indhaha oo aan inta badan lagu baruurygsanayn ah, waxaana ka mid ah.

Sigaar nuugista:

Sida ay daraasaadku tilmaamayaan, sigaar cabbidu waxay dhaawacdaa caafimaadka indhaha. Waxa ay kordhisaa halista caadka indhaha fuula iyo xanuunka macular degeneration. Labadaan xanuun waxay ka mid yihiin cilladaha ugu badan ee aragga lumiya.

Aaladaha elektarooniska ah oo habeenkii la isticmaalo:

Marka wax badan indhaha lagu taago aaladaha dhijitaalka ah sida kombiyuutarka, moobilka iyo Telefishannada waxaa la isku arkaa indho biyood ama indho daal. Xalaadan waxaa loo yaqaannaa indho daalka aaladaha dhijitaalka ah ama “digital eye strain”.

Aaladaha elektarooniska oo si xad dhaaf ah loo isticmaalo waxay keentaa in iftiinka buluugga ah ee shaahadahan uu dhaawaco indhaha, inftiinkani waxa uu khalkhal geliyaa wareegga hurdada ee aadamaha, taas oo adkeynaysa qofka inuu seexdo habeenkii. 

Muraayadaha qorraxda oo aan la xiran:

Sida uu shaaciyay ururka “American Optometric Association”, xirashashada muraayadaha qorraxda ee celiya ileyska “UV” (ultraviolet) waxay lagama marmaan u tahay ka hortagga cilladaha aragga iyo indhaha ku dhaca.

Iftiinka cadceedda oo wax badan indhaha ku dhaca waxay keentaa xanuunka “photokeratitis” ama gubniinka qorraxda ee indhaha oo ah cillad ku meel gaar ah, lehna astaamo ay ka mid yihiin indhaha oo guduuta, illin badan iyo xasaasiyadda iftiinka.

Goojada indhaha lagu dhibciyo oo si xad dhaaf ah loo isticmaalo:

Haddii aad ka mid tahay dadka marka ay isku arkaan indho qalleyl ama indhaha oo gaduuta ku orda goojada indhaha lagu dhibciyo ee aan dhakhtarku qorin ogow taasi inay dhibaato ku keeni karto indhaha. Maadooyinka kiimikada ee lagu daro goojada indhaha si aysan u hallaabin muddo kadib waxay isku bedeshaa sun waxayna keentaa cuncun indhaha.

Qofka oo aan cunin khudrad filan

Cunnada ay ku jirto noocyada kala duwan ee khudradda waxa ay kor u qaadaa caafimaadka qeybaha kala duwan ee isha. Khudradda waxaa ku jira walxaha sunsaarista iyo fitamiinno ilaaliya xuubka indhaha. Furuutkuna kama yaraysto sababtoo ah waxaa ka buuxa nafaqooyin ay ka mid yihiin fitamiin C, fitamiin E, zinc iyo fitamiin A kuwaas oo ilaaliya caafimaadka indhaha.

Akhriso: Cuntooyinka Indhaha U Fiican, Awoodda Araggana Siyaadiya

Indhaha oo aad loo xoqo:

Marka ay wax indhaha kaa galaan islamarkiiba indhaha ayaad marmartaa. Indhaha oo si xoog ah loo marmaro waxay xoqdaa il-xeyrta ama qeybta cad ee isha ah ee loo yaqaanno “cornea”.  il-xeyrtu waa qeyb xasaasi ah si fudud u xoqmi karta haddii isha ay wax  galaan.

Turukada oo si khaldan loo isticmaalo:

Waxyaabaha la isku qurxiyo oo la mariyo aagga isha, waxay khatar gelin kartaa indhaha. Make up-ka oo la mariyo isha agteeda waxay xannibi kartaa qajirrada saliidda ee baalka isha, taas oo keeni karta taasoo keeni karta cuncun iyo infekshanno.

Waxyaabaha la isku qurxiyo ee dhacay ama tayo ahaan liita waxay keeni karaan cuncun, indho qalleyl iyo cillado kale oo  xanuunka daafku uu ka mid yahay. Iska tuur turukada ama make-up ka indhaha haddii 3 ama 4 bilood ka badan uu kuu yaallo maadaama ay bakteeriyo ku tarmi karto.

Qofka oo aan helin hurdo ku filan:

Hurdo yaraantu waa caado kale oo dhaawacda indhaha. Hurdo la’aantu waxa ay indhaha ka hor istaagtaa inay helaan wareegga dheecaannada ay u baahan yihiin taasoo keenta in indhuhu ay bararaan.

Sida oo kale, hurdo la’aantu waxay keenta indhaha oo qofka dubaaxiya ama gariira si kontarool la’aan ah.

Akhriso: Xanuunada Iyo Cilladaha Laga Qaado Hurdo Yarida

Muraayadaha indhaha oo aan la nadiifin:

Muraayadaha aragga oo lagu seexdo waxa ay keentaa infekshannada ku dhaca xuubka isha, indho qalleyl iyo indho cuncun.

Sida oo kale, waa muhiim in la nadiifiyo muraayadaha indhaha, sababtoo ah bakteeriyo ayaa ku tarmi karta haddii aan si fiican loo nadiifinin.

Ahmiyadda baaritaanka indhaha:

Baaritaanka indhaha oo la sameeyo 6-dii biloodba mar waa lagama maarmaan si loo baaro haddii ay jirto wax cillad ah oo aan laga warqabin ama aan la dareemaynin. Tusaale ahaan gulukoomada oo ah xanuun saameeya neerfaha isha dadka badankoodu kama warqabaan sababtoo ah calaamadihiisu ma soo shaac baxaan marka uu bilowga yahay. 

W/D: Hirsi Ahmed

Check Also

miraha, hooyada uurka leh, cuntooyinka uurka

Miraha Ama Furuutka Uroon Hooyada Uurka Leh

Xiliga uurka waxaa lagama maarmaan ah in hooyadu ay cunto cunnooyin nafaqo leh, kuwaasoo aan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *