5 Cunno Oo Lagu Xifdiyo Aragga Indhaha

Cilmi baaris ahaan waxaa la arkay in xiriir weyn uu ka dhexeeyo nafaqada iyo caafimaadka isha. Qaadashada cunnooyinka uroon indhaha waxa ay si weyn u kobcinaysaa una xifdinaysaa aragga isha. Waa kuwaan cunnooyinka u fiican aragga.

Karootada:

Karootada waxaa ku jirta maaddo la yiraahdo “beta-carotene” oo ah nooc faytamiin A ah taas oo u wanaagsan aragga. Maadadani waxa ay caawisaa in xuubka isha ee loo yaqaanno “retina” ay si sax ah u shaqayso waxayna ka hortagtaa indho beelka habeenkii. Karootada oo cunnada lagu darsado waxay muhiim u tahay xiftinta caafimaadka indhaha.

Koostada:

Caleenta koostada waxaa ka buuxa maadooyinka sunsaarista ee “lutein” iyo zeaxanthin” kuwaas isha ka ilaaliyo dhaawaca iftiinka islamarkaana yareysa halista xanuunka “macular degeneration”.

Kalluunka:

Kaluunka dufanka leh sida salmoonka waxaa laga helaa asiidhada dufanka ah ee omega-3 kuwaas oo caawiya ka hortagga indho qalleylka, islamarkaana hoos u dhiga halista caadka indhaha. Waxaa lagu taliyaa in salmoonka iyo noocyada kale ee kalluunka dufanka leh la cuno labo jeer toddobaadkii.

Ukunta:

Ukunta waxaa ku jirta macdanta zinc taas oo xifdisa caafimaadka xuubka isha, sida oo kalena yareysa halista arag beelka da’da la xiriira. Waxaa kaloo ukunta ku jira maadooyinka “lutein” iyo “zeaxanthin” kuwaas oo xifdiya caafimaadka isha.

Lawska:

Lawska waxaa ku jira faytamiin E kaas ka ilaaliya indhaha in ay daciifaan da’da markii ay weynaato.

W/Q: Hirsi Ahmed

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *