Cuntooyinka Indhaha U Fiican, Awoodda Araggana Siyaadiya

Araggu waa dareemaha ugu qaalisan bini’aadanka, waxyaabo badan ayaa daciifiya kuwaas oo si dabiici ah looga hortagi karo, laguna xallin karo.

Cunista cunno isku dheellitiran oo caafimaad leh waxay ilaalisaa caafimaadka indhaha waxayna ka hortagtaa cilladaha aragga lumiya.

Haddaba qormadaan waxaan ku soo gudbinaynaa cuntooyinka indhaha u fiican ee wanaajiya awoodda araggana siyaadiya.. Waa cuntooyinka laga helo nafaqooyinka iyo maadooyinka ay indhuhu u baahan yihiin

Cuntooyinka indhaha u fiican: 

Kalluunka: 

Kalluunku wuxuu qani ku yahay dufanka omega-3 kaas oo u fiican caafimaadka indhaha khaasattan xuubka isha ee loo yaqaanno “retina”. Dufannadan caafimaadka lihi waxay ka hortagaan guluukoomada, cillada isha qalalan iyo xanuunka loo yaqaano “macular degeneration” oo ah cillad timaada qofka marka uu duqoobo. 

Beedka ama ukunta:

Ukunta qeybta huruudda ama jaallaha ah waxaa ku jira maadooyinka zinc, “lutein” iyo “Zeaxanthin” kuwaas oo muhiim u ah caafimaadka indhaha, kana hortagga in arragu uu daciifo ama uu lumo.

Ku dedaal inaad ukunta cunto maalin kasta, si aad u siyaadiso awoodda araggaaga.

Lawska: 

Lawska waxaa ku badan faytamiin E iyo dufanka omega 3, cunista lawsku oo la joogteeyo waxay caawisaa ka hortagga caadka indhaha iyo xanuunka macular degeneration. 

Barbarooniga: 

Barbaroonigu wuxuu u roon yahay xididada dhiigga ee indhaha, sidoo kalena wuxuu yareeyaa halista caadka indhaha. Waxaa ka buuxa faytamiinnada A, C iyo E oo u fiican aragga.

Timirta

Timirta waxaa ku jira Faytamiinka A, oo wanaajiya aragga, isla markaana caawiya daweynta indho beelka habeenkii ama waxa ay Soomaalidu u taqaanno “Habeenada” oo ah cudur ku dhaca indhaha, marar badanna qofku inta uu yar yahay ku bilowda. Qofka habeenada lihi waxa uu si fiican wax u arki karaa maalintii, laakiin habeenkii haddii anau iftiin badani jirin waxaa ku adkaada aragga. 

Khudradda caleemaha cagaraan 

Khudradda caleemaha cagaaran sida koostada iyo sukuumada waxaa ka buuxa maadooyinka “lutein” iyo “zeaxanthin”. Waxay kaloo qani ku yihiin faytamiin C iyo faytamiin E. khudraddani waxay yareysaa halista xanuunnada aragga lumiya sida caadka indhaha iyo “macular degeneration”. 

Kaarootada: 

Kaarootadu waxay ugu horreysaa cuntooyinka indhaha u fiican ee caafimaadkooda sare u qaada. Waa il muhiim ah oo laga helo fitamiin A iyo maadada beta-carotene, waxay siyaadisaa awoodda aragga waxayna ka hortagtaa cilladaha aragga lumiya.  

Liinta oranjada: 

Oranjada waxaa ku badan faytamiin C oo u fiican caafimaadka indhaha. Faytamiinkani waxa uu ka qeyb qaataa caafimaadka xididada dhiigga ee indhaha wuxuuna la dagaallamaa caadka indhaha. Cabitaanka liinta oranjiga waxaa ka buuxa maadooyinka “lutein” iyo “zeaxanthin”. 

Hilibka: 

Hilibka lo’da iyo digaaga waxaa laga helaa xaddi fiican oo maadada zinc ah, taas oo daahisa xanuunka “macular degeneration” oo ah cillad timaada qofka marka uu duqoobo. Sidoo kale, hilibku waa il qani ku ah barootiin, fitamiinno iyo macdano. 

Baradhada macaan: 

Baradhada macaani waa il aad u fiican oo laga helo maadada “beta-carotene” taas oo ka hortagta cilladaha indhaha ku dhaca sida caadka indhaha fuula, indho qallaylka iyo indho beelka habeenkii. Baradhada macaani waxay kaloo hoos u dhigtaa infekshannada indhaha ku dhaca. 

Cinabka  

Cinabka cas waxaa ku jirta maadada loo yaqaanno “resveratrol “, taas oo la aaminsan yahay inay door wayn ka ciyaarto ilaalinta caafimaadka indhaha. Sidoo kale, cinabka waxaa ku jira maadooyinka “lutein” iyo “zeaxanthin” oo xuubka isha ka ilaaliya dhaawaca uu sababo waxa loo yaqaanno “oxidative stress” caadka indhahana ka hortaga.

Baamiyaha:

Baamiyahu wuxuu u roonayahay aragga iyo caafimaadka maqaarka sababtuna waa faytamin A-ga ka buuxa iyo walxaha sunsaarista ee laga helo.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *