Waxyaalaha Qofka Ka Hor Istaagga Inuu Isbeddel Ku Sameeyo Noloshiisa, Horumarna Uu Gaaro

Qofka maxaa ka hor istaagga isbeddelka? maxaa u diida horumarka? In badanoo dadka ka mid riyooyin bey leeyihiin, qof walba wuxuu doonayaa inuu qoyskiisa horumariyo, shaqooyinkiisa horumariyo, mustaqbalkiisa horumariyo, laakiin maxaa ka hor istaagga?

Badankeennu waynu doonaynaa isbeddel, haday noqoto inaan caado xun iska goyno, in caado wanaagsan aan samaysano, inaan xirfado cusub aan baranno iyo isbeddello waa wayn nolosheenna ku samayno.

Arrimo aad u badan ayaa ka hor istaagga, laakiin kuwooda ugu muhiimsan, tan ugu sii muhiimsan ee ugu khatarta badan ee dadka horumarka iyo isbedelka ka hor istaagga waa baqtinta. Inaan ka baqno inaan ka baxno goobada aynu la qabsanay “confort zone”

Sideedaba nolosha waxaan u barangay oo noo raaxo badan goobada aan u barangay ee aan ku jirno. Goobadaas aynu ku jirno waxa ina keena waa wixii aan horay u samayn jirnay, wax walbo aynu doonayno noloshana waxay xagga kale ka jirtaa goobada aynu ku jirno ee aynu ku raaxaysanayno, haddii aad doonayso inaad noloshaada wax ka bedesho waa inaad comfort zone-kaaga aad ka baxdo, waa in wax ku dhiba oo aanad raaxo ku dareemayn inaad samayso maalin walba inaad samayso. Dabci ahaanna bani aadamku waxa ay naftoodu dhibsanayso oo aysan jeclayn way adag tahay inay sameeyaan, waxyaabihii aad u baratay ee aad jeclayd ayaad ka baxaysaa, meel cidlo ah ayay kugu qasbaysaa inaad fadhiisato, wax aanad horay u qaban jirin ayay kugu qasbaysaa inaad qabato. Marka comfort zone-kaaga haddii aanad ka bixin noloshaadu isbeddeli mayso.

Waxuunbaad ahaanaysaa qofkii aad hore u ahayd, waxa aad doonayso inaad noqotana waxay u baahan tahay qof ka duwan qofka aad tahay manta inaad noqoto. Marka waxaad u baahan tahay inaad eegto ma comfort zone-kaagii baad ku jirtaa, had iyo jeer waxa aad qabato ma nolol routine ah baa oo ku saabsan un waxaad horay u samayn jirtay, ma waxaad la qabsataybaa. Haddii ay tahay waa inaad ka baxdid oo aad samayso wax ka duwan wixii aad horay u samayn jirtay.

Kolka aad is tidhaahdo ka bax goobadii (circle) aad horay ugu jirtay, oo aad xagga isbaddelka hal tallaabo horay u qaaddo, waxa judhiiba kugu soo kulmaya dareemo isku dhafan oo ay baqdintu ugu wayn tahay. Mar kasta oo ay dareemadaa kugu soo xaadiraan, ee aad ku sigato inaad halkaagii isaga laabato, is wayddii baqdinta taa kasii wayn ee ah, haddaad halkaagaa iska sii fadhido, oo aadan isbaddel samayn, 10 sano ama 20 sano ka dib, sida ay noloshaadu u eekaanayso, ma tahay mid ku farxad galinaysa, mise….”

— Mubarak Hadi

Noloshu waxay i bartay bog kastoo cusub oo noloshaada aad gudbayso in ay kaaga baahan tahay qof ka duwan qofkii aad markii hore ahayd

— Mubarak Hadi

Hoos ka daawo waxyaabaha qofka ka hor istaagga isbeddelka iyo horumarka:

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *