4 Qodob Oo Qofka Ka Caawinaya Inuu Yeesho Dhaqan Akhris

caado wax akhris

Xikmaddu ma’aha tirada buugta uu qofku akhriyo, balse waa tayada buugtaas iyo miisaanka xogta iyo aqoonta ay xambaarsan yihiin, sidaas awgeed xoogga ha saarin in aad badiso tirada buugta ee waxa aad dadaalka gelisaa doorashada buugga aad akhriyeyso iyo ka faa’idaysigiisa.

Dhinaca kalana ha rumaysan in buug akhrisku ay kaaga baahan tahay firaaqo fiican iyo waqti u go’an. Haddii aad sidaas isu tusto waxaa hubaal ah in ay kugu adkaan doonto caadada wax akhrisku.

Halkan waxa aan kugula wadaagayaa dhowr talo oo ku dhaqankoodu kaa caawinaya wax akhriska.

1. Yeelo halbeeg akhris:

Nafta bani’aadamku waa ay ku dhiirataa qabashada hawlaha ay ogtahay, in ay ku gaadhayso yool ay leedahay.

– Samayso qoondo buuggaag ah oo aad muddo go’an ku akhrido; dheh, toddobaad, bil, 6 bilood ama sannad.

– Dooro buuggaagta aad akhriyeyso; inta badan doorashadooda waxaa kaa caawin kara:

  1. Yeelo Mawduuc gaar aad ugu takhasusayso oo aad akhriskiisa xoogga saarayso, adiga oo aan ka tegeyn akhriska buuggaagta kale ee ku soo jiidata.
  2. Dooro qoraayo aad buugtooda si gaar ah u ugaadhsato.
  3. Akhri faallooyinka, akhrisyada iyo qiimaynta lagu sameeyo buugta, si aad uga dhex aragto kuwa lagu talinayo akhriskooda.
  4. Tag rugaha iibka kutubta oo isha mari hadba buugta cusub ee soo korodha, si aad uga doorato kuwa ku soo jiita.
  5. Buug tiro badan mar keliya ha wada iibsan.
  6. Weligaa ha dhammaysan buug aanad ku qancin ama xiisayn qaybihiisa hore markaad akhrido.
  7. Diyaarso liiska buuggaagta aad xiisaynayso akhriskooda ee ay tahay in aad muddadaas ku akhrido.

2. Dooro waqti ku fiican akhriska, laakiin ha isku waajibin!!

Waa ay fiicantahay in aad jadwal go’an u samaysato akhriska, laakiin naftaada habarin in waqtigaas iyo akhriska ay isku xidho, tusaale ahaan haddii waqtigaasi si uun kuu dhaafo in ay u qaadato in akhriskii maalintaasi baaqday.

Waqtiga aad akhriska u goynaysaa ha noqdo mid kala duwan, tusaale ahaan Maalintii dhor jeer oo mid kastaa daqiiqado go’an yahay. Waxa aynu odhan karnaa; qadada kaddib, 20 daqiiqo, hurdada ka hor 30 daqiiqo, subaxda hore 40 daqiiqo, iwm.

Waxaa iyaduna xal fiican ah in aad mar kasta gacanta ku sidato buugga akhriskiisu kuu socdo, si firaaqo kasta oo aad hesho aad uga faa’idayso. Baska, maqaaxida inta aad shaaha ama ballanta sugayso, xiisadaha waxbarashada dhexdooda, iwm.

3. Ha illaawin ‘SABABTA’ aad u wax u ‘AKHRIYEYSO’

In badan waxaa dhacda in qofka ay ka qaldanto, ama uu si uun u baal maro ujeeddada runta ah ee wax akhriska.

Xasuusnoow in sababta wax akhrisku ay tahay in aqoon iyo xog la helo, ama maararrow iyo ku nafisid ay tahay, sidaas awgeed wax akhrisku yaanu kaa noqon sida waajib ku saaran oo aad gudanayso, ama shaqo maalinle ah oo gudashadeeda laguugu la xisaabtamayo.

Nafta bani aadamku wixii waajibaad ah waa ay necebtahay, culays saaran iyo dhib sugaysa ayaa ay u qaadataa. Sidaas awgeed, marka ay xaaladdu heerkan gaadho, waxaa dhacda in qofka uu ku yaraado fahamka waxa uu akhriyayaa, xusuustana aanay u dhaadhicin.

Waxaaba dhacda in mararka qaarkood uu is weydiiyo, sida uu ku gaadhay bogga ama sadarka uu akhriskiisu marayo, kaddib marka uu xasuusan waayo intii ka horreysay.

Marka ay xaaladdu heerkaas gaadho jooji wax akhriska oo muddo ka maqnoow.’

Akhriso: 9 Arrimood Sababi Karo In Wax Akhrisku Kugu Adkaado

Akhriso: Wax Akhris Ku Anfaca!

4. Ha ‘RUMAYSAN’ wax kasta oo aad akhrido

Qoraalka ama buuggu waa aragti iyo faham qofeed, si kasta oo uu dooddiisa xujooyin iyo caddaymo ugu daliiliyo, haddana weli kitaab qur’aan ah iyo qawl nebi ma noqon karo. Waa uun dood ku timid cilmi baadhis, iyo faham.

Maan ragna waa muducyo afkood oo laga yaabaa in uu jiro aqoonyahan iyo caalim kale oo isaguna intaas in ka duwan soo helay, malaha waaba sababta uu ku baxay halkudhegga ah ‘Marka aad aragto in aad rumaysanayso wax kasta oo aad dakhrido, iska jooji akhriska’.

Wax akhri, laakiin xogtaas ha ku kaaftoomin, hana ku go’aan qaadan ee ka dhigo bar bilow aad ka duusho oo raadi aqoonta iyo xogaha ay xeeldheereyaasha kalana ka qabaan qodobkaas.

W/Q: Kamaal Marjaan

Check Also

jiilasha aadamaha, dabeecadaha,

Qayb 2: Jiilashu Waa Sida Jeesas Aan Iska Warqabin

Jiil kastaa waa jees gooni ah oo habdhaqan iyo dabeecad lama wadaagaan jiilka kale. Jiil …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *