10 Arrimood Oo Ninka Looga Baahan Yahay Inuu Sameeyo Habeenka Aqal Galka

Habeenka aqal galka, arooska, habeenka koobaad, Sida caadada ah habeenka kowaad ee arooska, waa ka duwan yahay habeenada kale. Waayo waxaa isku cusub lammaanayaasha isguursaday khaasatan gabadha caruusadda ahi waxay dareentaa baqdin iyo yaxyax tira badan. Welwel saa’id ah, waxaana kabata xishoodka.

Ninka waa in uu la socdaa dareenka xaaskiisa cusub noloshuna ku cusubtahay. Isku day in aad dareensiiso in aysan biqin, garabkeedana joogto, wehel iyo lammaanena utahay.

Waxyaalaha ugu badan oo gabadha cabsida ku abuuraya waxaa keena:

  1. Waxay arkaysaa ummad badan, taasna waxay keentaa in ay dareento baqdin saa’id ah, farxaduna way yaraataa.
  2. Waxay cabsi ka qabtaa ninkeeda oo aysan garanayn waxa ay kala kulmi doonto.
  3. Gabadha cadrada ahi waa ka duwantahay gabadha carmalka ah. Gabadha carmalka ahi waxay horay usoomartay nolol lamida tay habeenkaa ku jirto. Waxayna noqonaysaa qof aan baqdin ka qabin habeenka kowaad ee aqalgalkeeda balse cadradu way ka duwantahay midda carmalka ah, waayo waa habeenkii ugu horaysay ee ay uhoyoto hoygeedii ay ku soo barbaartay, waxayna ka tagtay aabbeheed, hooyadeed, walaalaheed, dhammaan asxaabteedii. Waxay gashay jawi cusub, nolol cusub, guri cusub iyo qoys cusub.

Talooyin iyo nasteexooyinka ku socda ninka caruuska iyo siduu u dhaqmi lahaa habeenka aqal galka:

-Markaad la kulmaysid caruusadaada ama aad ka xaysanaysid, bisinka akhriso. u dhoola cadee, u qosol, gacanteeda qabso adoo hadal macaan ku oranaya sida waan kuu soo xiisay xabiibti ama adiga hadaan ku helay wax iga maqan aduunka ma jiro IWM.

Xishoodka gabadha: Waxaa inta badan dhacda in gabadhu aad uxishooto iyadoo ka cabsi qabta xaalada cusub ee markaas ay gashay iyo ninka ay u hoyanayso.

-Badqin: Xaaska kolka loo soo galbiyo guriga waxay dareentaa murugo saa’id ah waayo waxay ka cabsi qabta wajiyada badan ee isheedu qabanayaan iyo sowjkeeda oo markaas ku cusub.

-La soco in caruusadu waxa ay ubaahantahay habeenkaas ay tahay naxariis iyo xasilooni aad siisid iyo jacayl, markaa ufiirso hadalada iyo taabashadaada.

Guriga markaad gashaan oo aad kaligiin noqotaan, waxaad siisaa caruusada waxay cabto, inta ay wax cabayso la hadal oo isku day inaad ka qoslisid ama hadal macaan maqashiisid.

-Dhunko markaad guriga soo gashaan, u muuji inaad ku faraxsantahay iyada, hadal ahaan ku muuji, mar walba in yar marka laga soo warego dhunko caruusadaada.

-Sii fursad caruusadaadu inay kaligeed labisato oo isku ka diyaariso, ha oran maxaad iiga xishoon ninkaagii ayaan ahaye!!!.

-Adigana dharkii kuu diyaarka ahaa xiro, oo udgoonna marso, cashadana soo dhig, soo fariisi caruusadaada, haday cashada kaa diido inay cunto adiga afka ugu gur adoo naxariis muujinaya.

-Qolka hurdada markaad kaligiin noqotaan sii hadiyada aad udiyaarisay ee aan soo sheegnay.

-Waxa lagayaabaa in gabadhu ay dareemayso xanuun ama ay qabto caado, haddaba hadday kuu dan sheegato haku khasbin gabadha in xoog wax uga qaadato.

-Iska ilaali in gabadha aad kula degdegto galmo iyo in degdeg waxkasta kugu siiso.

-Inta aydan xaajadiina gudan waa inaad siisaa naxariis badan iyo dhunkasho, si naxariis leh u taabo, fiiri xaaladeeda oo dhagayso waxay ku tiraahdo, una tudh haday baqayso ama ay walwalsantahay, ihtimaam sii dareenkeeda.

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *