SHUBANKA: Sababaha Keena, Dhibaatooyinka Ka Dhalan Karo Iyo Sida Guriga Loogu Daryeelo

Shubanka waa xaalad saxara jilicsan oo joogta noqoto, caadi ahaan soconaysa dhowr maalmood oo inta badan joogsada bilaa dawo. shuban waxaa lala xiriiriyaa amaba keena infekshan, bakteeriyo iyo mararka qaarkood natiijo ka timid cuno lagu sumoobay. Marka uu xanuunka shubanku raago sida caadiga ah waxa ay ka dhalataa cudur ama xanuun ku dhaca mindhicirada.

Shubanka waa dhibaato ay la kulmaan dadka badankooda isla markaana keeni kara walwal iyo walaac. Faadlan la xariir dhaqtar sida ugu dhaqsiyaha badan, hadii aan la daweyn shubanka kaligii iskama joogsado.

Maxaa Sabbaba

Shuban waxaa sabbabi kara waxyaabo kala duwan, waxaa kamid ah:

  • Cudurada jermiska leh sida Infekshan bakteeriya iyo fayrus qaarkood
  • Xasaasiyad cuntada qaar
  • Xanuunka mindhicirada
  • Dawooyinka qaar
  • Gooryaanka

Dadka qaar waxay dareemaan shubanka kadib qalliin caloosha, taas oo keeni karta cunada oo si fudud ku marta dheefshiidka. Inta badan sabbabta uu shubanka ku yimaado lama garan karo oo way adag tahay in la ogaado.

Waa maxay astaamaha shubanka

Waxaa jira calaamado badan oo astaan u ah shubanka

  • Lalabo
  • Calool majiir
  • Calool xanuun
  • Dibiro
  • Fuuqbax
  • Qandho
  • Saxaro dhiig

Fuuqbax Iyo Shubanka

Shuban waxa uu sabbabi karaa fuuqbax taas oo ah in jirkaaga uu lumiyo biyaha, waxaa laga yaabaa in aad halis u gasho fuuqbaxa siyaadada ah hadii aan lala tacaalin oo aan la daweyn. Fuuqbaxa waxaa uu noqon kara mid culus oo xitaa keeni kara dhimasho caalamadaha fuuqbaxa waxaa ka mid ah:

  • Daal
  • Maqaarka oo qalala
  • Madax xanuun
  • Harraad siyaado ah
  • Kaadida oo yaraata
  • Afka oo qalayl noqoda
  • Garaaca wadnaha oo kor u kaca

Goortaad isku aragto caalamadaahan fadlan sida ugu dhaqsiyaha badan ula xariir dhaqtarka.

Sidee Guriga loogu Dareyeeli Karaa

Malahan shubanka daryeel guri waxa kaliya oo uu leeyahay waa in qofka lala tacaalaa oo la gaarsiiyaa gacan dhaqtar iyadoo talaabooyinkaan la maraaya

  • Cabidda iyo cunnada oo la joogteeyo iyadoo 7 ilaa 8 koob la cabaayo, 3dii saac kastabana la cuno cunno yar
  • In laga fogaado caanaha iyo waxyaabaha laga sameeyay amaba ay ku jiraan
  • Nasiino
  • Ku dadaal in gacmahaaga aad nadiifiso markasto oo aad xaajooto
  • Isticmaalan wax jilicsan amaba qoyan markaad gudanayso xaajadaad

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *