Caruurta Ay Luuqadda Ka Cilladaysan Tahay & Sida Guriga Loogu Daryeelo!

Dadka qaba luuqadda cilladeysan waxaa dhib ku ah iney ismuujiyaan iyo iney fahmaan waxa dadka kale ay dhahayaan, cilladdaan waa mid ka duwan dhibaatooyinka la xiriira hadalka iyo maqalka.

Xaaladdaan waxey ku badan tahay caruurta, waxeyna ku sii badan tahay 10 ilaa 15 boqolkiiba caruurta ay da’doodu ka yar tahay 3 sano. Hasa yeeshee luqadda ayaa u soo hagaagta marka ay garaan 4 sano, waana marka si sax ah loo cabiri karo in ay luqadooda ay ka hooseyso sidi laga rabay.

Garashada luuqadda cilladaysan

Dhibaatooyin xaga ismuujinta ama wax qeexidda ah

Luuqadda cilladeysan waxaa inta badan marka ugu horeysa lagu arkaa caruurta ama xiliga caruurnimada. Cunuga waxaa hadaladiisa u badan “am” iyo “ah” sababtoo ah waxaa dhib ku ah soo dhufashada erayada saxda ah.

Astaamaha kale waxaa ka mid ah:

  • Erayada oo ku yar marka lala barbardhigo asaagooda
  • Sameynta jumladaha oo ku yar
  • Dhib ka heysta isku xiridda erayo si ay u sameeyaan jumlad sharaxaad ah
  • La haysasha sheekada oo ku yar
  • Ka kala tagidda erayada qaar
  • Erayada oo si qaldan ay u dhahaan
  • Ku soo celcelinta su’aal ayaagoo ka fakaraya jawaabta

Astaamaha kor ku xusan qaarkood waxay qayb ka yihiim koriimada xaga luuqada, hasa yeshee astaamahaas badankood waxey tusinayaan in cunugu ay luuqadiisa cilladeysan tahay.

Fahamka dadka kale oo dhib ku ah

In ay dhib noqoto fahamka dadka kale ayaa sidoo kale ah astaan lagu arko, tani waxey noqon kartaa raacida tilmaamaha oo ku adag.

Sida cunuga guriga loogu daryeelo

Inaad la shaqeysid cunuga xiliga uu guriga joogo ayaa si weyn u caawin karta, raac talooyinkaan:

  • U hadal si bayan ah, tartiib ah, iyo si kooban marka aad cunuga weydiineysid su’aal
  • U dulqaado cunuga ilaa iyo inta uu ka sameynaayo jawaab
  • Jawiga ka dhig mid dagan, si aad walwalka uga bixisid cunuga
  • Weydii cunuga inuu ku soo celiyo amarada aad siisay asagoo isticmaalaya erayadiisa.

Waa muhiim inaad marar badan la xiriirtid macalinka cunuga, sababtoo ah waxaa laga yaabaa inuusan ka qeyb qaadan dhaqdhaqaaqa fasalka hadii laga rabo iney hadlaan, tani waxey kaa saacideneysaa inaad fiiro gaar ah u yeelatid niyada cunuga

Wax yaabaha ka dhalan kara luuqadda cilladeysan

Is fahamku wuxuu dhexyaal u yahay xiriirka dhexmari kara bulshada xaga shaqada, dugsiga iyo fadhiyada bulshada, hadii aan xaaladaan wax laga qaban waxey keeni kartaa saameyn balaaran oo niyad jab iyo dhaqan xumo wadata.

Sidee looga hortagaa xaaladaan

In laga hortago xaaladaan waa mid adag sababtoo ah ilaa iyo hadda si cad looma oga waxa sababa, laakin waxaa jira talaabooyin aad qaadi kartid si aad u dhiira gelisid hadalada ubadka, waxaana ka mid ah inaad bilowdid waqti hore inaad la sheekeysatid cunuga marka uu yar yahay, iyo inaad dhiira gelisid inuu ka hadlo waxa niyadiisa ku jira.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *