Sababaha Keena Qallaylka Xubinta Taranka Ee Haweenka Iyo Dhibaatada Ka Dhalan Karta

Sida caadiga ah, derbiyadda xubinta taranka waxay leeyihiin dheecaan khafiif ah oo subkiya. Hormoonka estrogen ayaa ka caawiya ilaalinta dheecaankaas, islamarkana ka dhiga xuubka xubinta taranka haweenta mid jilicsan oo caafimaad qaba.

Estrogen waa dheecaan (hormone) ay sameeyaan ukun-sideyaashu (ovaries).

Estrogen waa hormoon xukumo wareega caadada qofta dumarka ah iyo waxaa kalo uu ka falgalaa nidaamka xubinta wax soo saarka dhanka dhalmada, kaadi mareenka, wadnaha iyo xididaha dhiiga maro, lafaha, naasaha, maqaarka, timaaha, murqaha qaaska iyo maskaxda. Hormoonka Estrogenka intaas oo xubin ayuu xukumaa nidaamka ay ku shaqeeyaan, dumarka la soo darista hoolgabnimada dhanka dhalmada laga yaaba in aay isku aragto xanuuno kala  gedisan ku yimaado xubnahaas uu ka falgalo hormoonka Estrogeenka maadaama soo saarka hormoonka estrogen-ka uu yaraado.

Heerka hormoonka Estrogen oo hoos u dhaca waxay yareysaa qoyaanka xubinta taranka haweenta, waa xaalad ay lakulmi karaan da’a walba oo kamid ah dumarka, iyadoo ay keeni karaan sababo kala duwan.

Qallaylka xubinta taranka ee haweenta wuxuu saameyn ku yeelan karaa galmada. Wuxuu sababi karaa cun-cun, dareen gubasho leh iyo xanuun xilliga galmada.

Maxaa sababa qallaylka xubinta taranka?

Sababta ugu caansan ee keenta qallaylka xubinta taranka waa dhalmo dayska. Hormoonka Istorojiinka hadduu yaraado wuxuu keenaa in dareenka iyo rabitaanka kacsiga uu yaraado iyo xubinta taranka oo qoyaanka ka yaraado.

Waxyaabaha yareeya heerka hormoonka estrogene waxaa ka mid ah:

  • Sigaar nuugista
  • Daawooyinka niyad jabka
  • Naasnuujinta
  • Stress-ka badan
  • Qalliinka lagu saaro ukun sideyaasha (ovaries)
  • endhomitriyoosis (endometriosis) oo ah xaalad caafimaad oo keenta inuu caabuq ku dhaco xuubka ku dahaaran ilmo galeenka (minka) oo ah meesha uu ku koro ilmaha uur jiifka ah

Akhriso: Sababaha Keena Endhomitriyoosis (Endometriosis) 

Sababaha kale ee keena qallaylka xubinta taranka ee haweenta waxaa ka mid ah:

  • Sjögren’s syndrome oo ah nooc ka mid ah xanuunka difaaca jirka ee khalkhalsan.
  • Daawooyinka allergy-ga
  • Diiqada iyo welwelka badan.

Akhriso: Xanuunka Difaaca Jirka Khalkhalsan (Autoimmune Disease)

Calaamadaha qallaylka xubinta taranka:

  • Cuncun xubinta taranka ah
  • Hur
  • Dareen gubasho leh
  • Xanuun yimaada xilliga galmada

Haddii aad isku aragto calaamadahaan kor ku xusan waa inaad aragtaa dhakhtar si laguu baaro daawada ku habboon laguugu qoro.

Akhriso : Caabuqa ku dhaca Xubinta Taranka Ee Dumarka (Vaginitis)

Akhriso: Maxaa Sababa Xubinta Taranka Dumarka Oo Ciriiri Noqota (Vaginusmus)?

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *