Waa Maxay Endhomitriyoosis (endometriosis)?

Waa xaalad caafimaad oo keenta inuu caabuq ku dhaco xuubka ku dahaaran ilmo galeenka (minka) oo ah meesha uu ku koro ilmaha uur jiifka ah. badana somalida waxay ku qaldan infection ama cabuqa kudhaca miskaha ama misikta.

Inta badan endhomitriyoosis (endometriosis) ma ahan xaalad halis ah, laakin hadii aan la daween waxay sababi kartaa dhibaatoyin ku dhaca xubnaha taranka ee dumarka, sida khatar kutimaada dhalmada iyo xaalada caafimaad daro oo si guud usoo wajahda dumarka.

Waa maxay Endhomitritis?

Xuubka ku dahaaran ilmo galeenka waxaa loo yaqaanaa Endhomitriyam, waana xuub daata bil kasta, daadashada xuubkaan ayaa sababa imaanshaha caadada,

Endhomitri waxuu dhacaa marka xuubka ku dahaaran ilmo galeenka uu kasoo baxo meel aan ahayn minka, inta badan na wuxuu ka soo baxaa tubooyinka qaada ugxanta dumarka, taasna waxay dhalisaa xaalad caafimaad daro oo loo yaqaano Endhomitriyoosis.

Maxaa sababa Endhomitrits?

Waxyaabaha sababi kara Endhomitriyoosis

  1. Kalaamiidiya
  2. Jabto
    3.Tiibisho
  3. nfekshanka ka dhasha xubinta taranka ee dumarka.
    Waxay ubadantahay xaaladaan iney dhacdo marka dumarka ay ilmo dhalaan kadib, ama marka ay ilmo ka dilmaan.

Calaamadaha Endhomitris:

• Bararka caloosha
• Dhiig bax aan caadi ahayn oo ka yimaada xubinta taranka ee dumarka
• Dheecaan ka yimaada xubinta taranka ee dumarka
• Calool istaag
• Qandho
• Dareen xanuun guud
• Xanuun xaga miskaha ama qeybta hoose ee caloosha.

DHIBATADA KAIMANKARTA HADAAN LA DAWEYN:

Waxaa dhalan kara dhibaatooyin halis ah hadii aan si wanaagsan loo daweeyn Endhomitriyoosis sida:
• Dhalmo la’aan
• Infekshanka guud ee miskaha
• Bagteeriyada oo u gudubta dhiiga
• Infekshan ku dhaca dhiiga (Septicemia)

-Barocaafimaad

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *