Sababaha Keeno Xubinta Taranka Dumarka Oo Ciriiri Noqota (Vaginusmus)

Waa cillad galmo oo ku dhacda dumarka qaar, waxay na sababtaa dareen xanuun badan xiliga galmada taasoo hoos udhac wayn ku keenta tayada galmada, ciladaan waxay faragelin ku sameysaa xiriirka lamaanaha iyo tayada noloshooda.

Dumarka qaba xalaadaan waxaa si ikhtiyaar la’aan ah isu soo uruura murqaha xubinta galmada, waxayna dhacdaa inta aan la bilaabin galmada, in kastoo dumarka qaar uu isu soo uruuro murqaha ferjiga xilli aan ahayn xiliyada galmada sida marka ay isticmaalayaan tambooni ama marka la taabto hareeraha ferjiga, xaaladaan waxaa loo yaqaanaa “vaginismus”. Waana xaalad is hortaagi karta in loo galmooda qofka qaba xaaladaan. Waa xaalad kadhigta galmada mid aad u xanuun badan.

Xubinta taranka oo iski ururta isma hortaagto kacsiga qofka dumarka, laakin wuxuu is hortaagaa galmada.

Noocyada vaginusmus

Waxaa loo qeybiyaa laba nooc.

  1. Primary Vaginismus: waa marka qofka dumarka ah aan waligeed loo galmoon, hadana ay dareento xanuun markasta oo la isku dayo in loo galmoodo.
  2. Secondary Vagisnismus: waa marka ay noqoto galmada mid xanuun badan leh, in kastoo awal aysan ahayn mid xanuun leh, marxaladaan waxaa sababi kara qaliinada lagu sameeyo dumarka.

Dumarka qaar ayaa waxaa lasoo darsa cidhiidhigaan marka ay dhalma gooyaan, waxaana loo aaneyaa iney sababta dheecaanka entrojiin oo heerkiisa hoos uga dhaca marka dumarka ay dhalma goyaan. Hormoonka estrojiin wuxuu sahlaa laastiiga iyo qoyaanka xubinta galmada.

Maxaa sababa vaginusmus?

Ilaa iyo hada lama oga waxa sababa arintaan, laakin waxaa la isku raacay mararka qaar ineysan jirin wax sababa, hasa yeeshee waxaa lala xiriiriyaa walwal qofka dumarka ah uu ka qabo galmada iney tahay mid xanuun badan sidaa darteed waxaa si akhtiyaar la’aan ah isugu soo urura xubinta taranka.

Sidee loola tacaalaa vaginusmus?

Xaaladaan waa xaalad la daweeyn karo ayadoon la isticmaalin wax dawo ah, waxaana loo daweeyaa si ku dheehan barashada galmada, latalin iyo jimicsi

  • Barashada galmada: Waa barasho laxiriirta in wax lagaa barto qaab dhismeedka jirkaaga iyo sida ay wax udhacaan marka lagu guda jiro galmada, macluumaad ku saabsan murqaha isku soo arura iyo waxa sababi kara iney isku soo ururaan, waxaa kaloo kamid ah barashada in wax lagaa baro xiriirka ka dhexeeya maskaxda iyo xubnaha taranka, waana barasho sahli karta inaad macluumaad saxan ka heshid xubnaha jirkaaga iyo sida ay u falgalaan xiliga lagu guda jiro galmada.
  • Waasiciye: waasiciye waa caag dhuuban oo loogu talagalay in si tartiib tartiib ah loogu waasiciyo xubinta galmada haweenka, waxaana laga yaabaa in dhaqtarkaagu kugula taliyo inaad isticmaashid waasiciye Vaginal Dilator waasiciyaha wuxuu caawiyaa iney kala baxaan murqaha ferjiga oo ay unoqdaan kuwa dabca si ay galmada ufududaato, waxaana lagula taliyaa in uu lamaanaha ka caawiyo in sowjadiisu isticmaasho waasiciyaha. Mar hadii ay dhamaato xiliga loo qabta inaad isticmaashid, waxaa adiga iyo saygaaga dib ubilaaban kartaan galmada.
  • Jimicsiga Kegel: Waa jimicsi lasameeyo si loo adkeeyo murqaha sagxada miskaha, adkeynta murqahaan ayaa caawiyo xakameynta qulqulka kaadida.

Side loo sameeya jimicsiga Kegel?

Hel murqaha aad isticmaashid marka aad rabtid inaad joojisid qulqulka kaadida
Tuujin ku samee murqahaas in 3 sekeno ah, kadib nasi 3 seken oo kale. La marabo in murqaha caloosha iyo bawdyada inay adkaadaan kudar hal ilbiriqsi isbuuc kasta ilaa inta aad tuujin ku sameen kartid toban ilbiriqsi markasta

Ku celceli jimicsigaan 10 ilaa 15 mar halki fadhi oo aad sameyneysid. Isku day inaad sameeysid ugu yaraan 3 jeer maalin kasta
Ha samayn jimicsigaa marka aad kaadineysid, sababtoo ah waxaad dhaawici kartaa kadi haystaada.

Talo:

Cillad ku timaada galmada waxay dhib ku keeni kartaa xiriirka ka dhexeeya lamaanaha, sidaa darted waa muhiim inaadan ka xishoon oo aad la hadasho ninkaaga oo aad uga waranto dareenkaaga iyo hadii ay jirto wax cabsi ah oo aad kaqabtid galmada, sababtoo ah waxay kaa caawin kartaa inaad nasiino dareentid xiliga galmada.

Saliideynta iyo boosaska qaar oo la isugu galmooda ayaa yarayn kara raaxa-darida ka timaada galmada.

Check Also

xanuunka cirbaha, cirba xanuun, ciribta,

Xanuunka Ciribta Ee Loo Yaqaanno “Heel Spur Syndrome”: Sababaha Keena Iyo Sida Loola Tacaali Karo

Xanuun fiiqan oo aad ka dareentid ciribta hoosteeda sidii in musmaar lagugu muday oo kale …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *