Muhiimada U Leeyahay Jimicsiga Kegel Iyo Sida Loo Sameeyo

Jimicsiga kegel waa mid fudud oo loogu talo galay in lagu adkeeyo murqaha ku jira miskaha, murqahaan waxay gudaha ku hayaan xubnaha taranka ee ku jira miskaha.

Awooda murqaha ku jira miskaha haddii ay daciif yihiin waxaa imaan kara koontorol xumo ku timaada saxarada iyo kaadi haysta, mar hadii aad fahamtid sida loo sameeyo jimicsiga Kegel, waxaad ku sameyn kartaa meel walba oo aad joogtid iyo waqti kasta oo aad rabtid inaad sameysid, iyadoo aan qof kaa warqabin

Muhiimadda jimicsiga Kegel

Raflgga iyo dumarkaba waxay ka faa’idaan sameynta jimicsigaan, oo wuxuu sahlaa in si fudud loo xakameeyo qulqulka kaadida iyo dhaqdhaqaaqa saxarada.

Waxaa jira qodob badan oo wiiqa awooda murqaha miskaha ee dumarka, sida uurka, dhalmada, da’da iyo kobaca miisaanka, sakxada miskaha waxaa ku dhagan murqa caawiya ilmo-galeenka, kaadi haysta iyo saxara haysta.

Hadii ay daciifaan murqahaas waxaa imaan kara raaxa daro taasoo sababi karta xukun la’aanta kaadida. Ragga sidoo kale hadii uu kadaciifo murqaha miskaha waxaa la soo darsi karta xukun la’aanta kaadida iyo saxarada, khaas ahaan hadii ninka lagu sameeyay qaliinka brosteytka.

Waxaad ka faa’idi kartaa jimicsigaan hadii:

  • Kaadi yar ay soo dusto marka aad hindhisto, ama aad qososho, amaba marka aad qufacayso
  • Dareen rabitaan inaad kaadiso wax yar un kahor inta aysan kaa fakanin kaadi badan.
  • Saxarada oo soo dusta mararka qaar.

Side loo sameeya jimicsiga Kegel?

Faaruji kaadi haysta inta aadan sameyn jimicsigaan, Raadi meel aad fariisan kartid ama aad jiifsan kartid.

  • Hel murqaha aad isticmaashid marka aad rabtid inaad joojisid qulqulka kaadida: si aad uheshid murqaha ku yaala sakxada miskaha, jooji qulqulka kaadida, hadii aad joojisid waad ku guuleysatay helidda murqaha lagu sameeyo jimicsigaan, ogow waxaa laga yaabaa inaad dareentid waxyar oo raaxa la’aan ah.
  • Tuujin ku samee murqahaas mudo 3 ilbiriqsi ah, kadib nasi 3 ilbiriqsi oo kale. Lama rabo in murqaha caloosha iyo bawdyaha ay tuujismaan.
  • Kudar hal ilbiriqsi isbuuc kasta ilaa inta aad tuujin ku samayn kartin toban ilboriqsi markasta
  • Ku celceli jimicsigaan 10 ilaa 15 mar halki fadhi oo aad sameyneysid. Isku day inaad sameeysid ugu yaraan 3 jeer maalin kasta
  • Hasamayn jimicsigaa marka aad kaadineysid, sababtoo ah waxaad sababi kartaa ineysan kaadida kaa wada dhamaan.

Ugu dambeyti ha ka badbadin, sababtoo ah murqaha way  daalayaan, hadii ay daalaan na maqaban karaan shaqadi laga rabay.

Gormaa la sameeyaa jimicsigaan?

Jimicsigaan waxaad ku dari kartaa nolol maalmeedkaaga, sababtoo ah waa jimicsi aad sameyn kartid ayadoon cid ogayn xili kasta oo aad rabtid, hadii aad kursi ku fadhisid, ama aad sariir isku kala bixineysid.

faa’idada uu u leeyahay ragga:

Jimicsigaan wuxuu ragga khaas ahaan u sahlaa iney koontoroolaan xilliga ay shahwada ka timaado marka ay ku guda jiraan galmada, sababtoo ah murqaha ku jira miskaha ayaa ah kuwa sameeya soo boodidda shahwada.

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *