Waa Maxay Faa’idooyinka Jimicsiga Yoga?

Yoga waa hab kamid ah hababka jimicsiga. Habkaan ayaa ka duwan jimicsiyada kale maadaama jimicsiyada kale ubaahan yihiin energy iyo dhaqaaq murqaha, taasoo keenta inuu siyaado heerka shaqo iyo burburineed ee inta badan unugyada jirka. Yoga waa hab jimicsiyeed ka caan ah dunida gaar ahaana wadama Hindiya iyo Shiinaha. Jimicsiga yoga ayaa ah midaan u kala saarnayn ragga iyo dumarka ama da’ walba. Waa hab jimicsiyeed loo sameeyo hab iskala bixin iyo iskala jiidid ah. Habkaan waxuu faa’idooyin balaaran u leeyahay caafimaadka jirka walow aysan jirin xanuunno gaar ah oo lagu daweeyo hadana waxaa la aaminsan yahay in yoogadu ay faa’idooyin badan u leedahay xubnaha kala duwan gaar ahaan murqaha, seedaha iyo dareenka neerfayaasha jirka.

Jimicsiga noocaan ah ayaa ah mid dad badani ay u arkaan inuu yahay mid aan waxba soo kordhinayn balse waa jimicsi ay bahdu caafimaadku isku raacsan tahay inuu yahay mid u wanaagsan dhamaan caafimaadka jirka, waxaana kamid ah faa’idooyinka jimicsigaan

Awoodaha murqaha oo siyaada

Yoogada ayaa siyaadisa awooda murqaha iyo qulqulka dhiiga ee murqaha, taasoo keenta in murqugu ay noqdaan kuwo aan caajisaneyn iyo jileec. Awooda ayaa u siyaada hadba inta lawado ama la joogteeyo jimicsiga noocaan ah.  Yoga ayaa sidoo kale ka dhigta jirka mid ay sahlan tahay inuu iskala bixiyo si bilaa xanuun ama culeys ah

Sixitaanka Joogga

Yoogada ayaa la aaminsan yahay inay qayb weyn ka qaadato sixitaanka joogga qofka. Sababta ayaa lagu micnayn karaa in yoogadu ay ka qayb qaadato kala bixinta iyo dhaqdhaqaaqa caadiga ah ee xungulaha ama laf dhabarta. Yoogadu waxay kaloo siyaadisaa shaqada sambabada taasoo ka timaada neefta sida hoose loo qaadanayo xiliga jimicsigaan

Difaaca dhaawac gaara carjawda iyo kala goysyada

Faa’idadaan oo ah mid ka hortag unoqon karta xanuuno kala gadisan kuwaasoo ku dhaca kalagoysyada iyo carjawda u dhaxaysa ayaa ah mid muhiimad gaar ah leh. Yoogada ayaa la aaminsan yahay inay meesha ka saarto inay adkaadaan carjawda u dhaxaysa xubnaha jirka kana ilaalinaa inuu dilaac ama burbur soo gaaro.

Kor u qaadida caafimaadka Lafaha

Jimicsiyo badan ayaa kor u qaada caafimaadka lafaha. Adkaynta lafaha ayaa badanaa ku yimaada jimicsayada la xiriirta in awood la saaro lafaha. Yoogada ayaa ah jimicsi aan la adeegsan wax qalab ah balse waxaa jirta habab kala duwan oo kamid ah jimicsiga yoogada kuwaasoo qofku uu dareemo culeyska jirkiisa sida inuu gacma ku istaago luhiigsana ay kor jiraan iyo habab kale ee u baahan inuu barto qofka baranaya yoga

Kor u qaadida shaqada wadnaha

Yoogada ayaa kor u qaada shaqada wadnaha taasoo ah inuu dhiiga gaarsiiyo dhamaan unugyada jirka. Sababtaan ayaa la aaminsan yahay inay ku timaado siyaadinta garaacada wadnaha. Gaaraacaan ayaan ahayn mid kadhasha xanuunada wadnaha saamaynta ku leh. Yoogada ayaa sidoo kale siyaadisa dhumacda xididada dhiiga taasoo la aaminsan yahay inay ka hortag iyo maareyn wanaagsan u tahay xanuunada ku dhaca xidada sida dhiigkarka ama kuwa wadnaha sida wadna istaagga.

Faa’idooyinka caafimaad ee yoogada waxaa kale oo ka mid ah inay yoogadu ka qayb qaadato yareynta hoormada laga soo daayo kilyaha kuwaasoo ka qayb qaadata falalka ku yimaada walwalka ama walbahaarka. Hormoonadaan ayaa sidoo kale siyaadiya cadaadiska dhiigga kaasoo aan u wanaagsanayn caafimaadka. Faa’idooyinka kale ee laga dhaxlo yoogada ayaa waxaa kamid ah inay ka qayb qaadato seexashada hurdada, maareynta walwalka, firfircoonida, kor u qaadida difaaca jirka, siyaadinta xauusta, awooda maskaxda iyo guud ahaan dhismaha qurxoon ee muuqaalka jirka.

W/Q: Dr. Adam Shire

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *