Xanuunka Neerfaha Sinta Iyo Lugta (Sciatica), Waxa Keeno Iyo Sida Loo Dabiibo

Sayatik waa neerfe kasoo farcama xunuglaha kaasoo mara dhabarka danbe ee miskaha iyo barida. Neerfahaan ayaa waxuu faracyo u qaybiyaa laba lugood, waana neerfaha ugu dheer ee mara jirka bini aadamka. Waa neerfe muhiimad gaar ah leh inbadana lala xiriirin karo xaalado caafimaad. Waxuu faragalin ku samayn karaa socodka iyo maamulidiisa iyo xataa fadhiga.

Sciatica waa marxalad timaada markii uu dhaawac soo gaaro shaqada neerfaha sciatic, waxaana ay caan ku tahay xanuun darajadiisu u dhaxayso meel dhaxaad ilaa xanuun saa’id ah oo ay adagtahay in la xamilo. Marxaladaan ayaa sidoo kale caan ku ah awood yari soo wajahda dhaqdhaqaaqa lugaha iyo fadhiga oo aan caadi loo fadhiisan Karin, amaba dareenka oo ka luma lugaha. Inkasta oo marxaladaan ay imaan karto da’ walba hadana waxaa u badan dadka da’doodu u dhaxayso 30 ilaa iyo 50 sanadood.

Maxaa sababa xanuunka neerfaha sinta?

Xaaladaan wadata xanuunka, dareenka oo daciifa iyo awood yarida socodka ayaa waxaa sababi kara qodobo kala duwan oo dhamaantood dhaawac gaarsiin kara ama cadaadin kara neerfaha sciatic.

Waxaa kamid ah qodobadaan spinal stenosis oo ay marka laba xubnood oo kanaalka laf dhabarta ahi ay isu soo ururaan taasoo cadaadis saaraysa neerfayaasha iyo waliba xungulaha, arintaan ayaa inta danbe ka dhacda qaybta danbe ee laf dhabarta halkaasoo uu maro neerfaha sciatic, tani waxay dhalinaysaa in shaqadii neerfuhu aysan sideeda ahaan maadaama cadaadis ku yimid waxaana imaanaya xanuun, sidookale waxaa dhici karta in neerbuhu uu dhaawac soo gaaro, waxaa kale oo uu imaan karaa xanuunka sciatica Spondylolisthesis oo ah markii laba xubnood oo laf dhabar ahi isku dul sidbadaan taasoo sidoo kale keeni karta cadaadiska neerbayaasha khaasatan sciatica.

Waxaa kale oo uu ku imaan karaa dadka aad ka u cayilan, dadka aan samayn jimicsiga, gabdhaha xirta kabaha cirbaha dheer ayaa la ogaaday inay ku badanyihiin xaalada sciatica.

Waa maxay astaamaha xanuunka neerfaha sinta

Sida kor ku xusan marxaladaan ayaa caan ku ah xanuun laga dareemo qaybta danbe ee dhabar, dareenka oo ku yaraada lugaha, socodka oo aan la awoodin ama qaabka fadhiga oo aan macquul ahayn ama xanuunna, kaadida oo aan mararka qaar la ceshan karin, wareega oo xanuuna, xanuuna la dareemo xiliga fadhiga laga kaco iyo labada lug midkood oo kabuubyo laga dareemo. Astaamaha Sciatica ayaa ukala duwan dadka, waxaana ay ku xirantahay hadba qodobka sababaya.

Daawada

Daawada ayaa ku xiran sababta keenaysa xanuunka, hadii uu jiro dhaawac soo gaaray neerfaha ama cadaadis ay saarayaan qaar kamid ah lafaha laf dhabarta, waxaa lagu daweeyaa qaab qalliin ah si loo xaliya meeshana looga saaro cillad keenaysa xanuunkan.

Dadka lakulma xaaladaan ayaa lagula taliyaa inaysan badin fadhiga oo ay sameeyaan dhaqdhaqaaq, waayo fadhiga badani waxuu uga sii darayaa xaalada. Qabowga ama barafka oo la saaro barta uu xanuunkani ka imaanayo ama ugu badanyahay waa hab kale oo lagu daweyn karo astaamaha hadii aysan ku imaan dhaawac. Jimicsigu waa ka hortag wanaagsan ee xaaladan.

Akhriso: Xanuunka Dhabarka Iyo Garbaha: Sababaha Keena Iyo Xalka

Talo:

Xaaladaan waa mid noqon karta mid caafimaad oo u baahan in si degdeg ah wax looga qabto. Hadii aad isku aragto astaamaha xaaladan waxaa haboon inaad la xiriirto barta caafimaad ee ugu dhaw. Fadhiga tirada badan waa mid sababi kara in laf-dhabarta ay ciladi ka timaado waxaana haboon in la joogteeyo jimicsiga.

Check Also

cashada, cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Hurdada U Fiican Ee Ay Tahay In Habeenkii Lagu Casheeyo

Hurdadu waa firfircooni abuur ah oo muhiimad weyn u leh jirka, waxayna kaalin aasaasi ah …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *