Khudrado Dalkeenna Laga Helo Oo Guba Dufanka Jidhka Ku Ururo

cuntooyinka dufanka jidhka,

Dufanka cuntooyinka inta badan ku jira, gaar ahaan hilibka xoolaha ayaa marka uu jidhka ku ururo waxa uu keenaa khataro badan oo caafimaad, kuwaas oo ay ka mid yihiin Kalastaroolka iyo in xididdada dhiiggu ay xidhmaan.

Qormadan ayaa shabakadda caanka ah ee MBC ay ku sheegaysaa noocyo ka mid ah khudradaha dalkeenna laga helo oo si yaab leh u gubi kara dufanka jidhka, waxa aana ka mid ah:

Caffeine:

Maadadda Kaafiyeen oo inta badan ku jirta bunka ayaa ka mid ah cuntooyinka burburiya dufanka ku urura jidhka, waxa se’ muhiim ah in bigays lagu cabbo. Laakiin xasuusnoow in bunka cabbistiisa badani aanay caafimaadka u fiicnayn gaar ahaan dadka leh dhiigkarka, wadne xanuunka, kelyo xanuunka, iwm.

Afakaadho:

Khudradda afakaadhada oo in kasta oo aanay dalkeena ka bixin haddana muddooyinkan dambe aad loo helo ayaa iyaduna ka mid ah cuntooyinka qofka dareensiiya dheregga ee cuntada badan ka hor istaaga, sidaa awgeed waxa uu dhimaa miisaanka waxa aanu dhiirrigeliyaa in jidhku iska saaro dufanka hore.

Cananaaska:

Cananaaska oo qani ku ah ganka ayaa isna qofka sida Afakaadhada dareesiiya dhereg, sidoo kalana guba dufanka jidhka ku jira.

Liin dhanaan:

Liin-dhanaantu waxa ay jidhka ka nadiifisaa sunta, iyo maaddooyinka dhibaatada ku keeni kara ee cuntada ku lammaan, waxa aanay ka hortagtaa in dufanku ku ururo jidhka.

Rummaanka:

midhaha rummaanka waxaa ku jira maaddooyin jidhka kala dagaalama suntan, isla markaana xoojiya awoodda dheefshiidka, waxa kale oo uu jidhka ka caawiyaa in uu iska saaro suntan, in uu yareeyo amateedka iyo in uu dufanka jidhka ku urura furfuro.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

cunto ku bilaabista, caruurta yar yar, nafaqada caruurta,

Goormee Cuntada Lagu Bilaabaa Caruurta Yar Yar, Cuntadee Se U Fiican?

Caanaha naaska aad ayay muhiim ugu yihiin ilmaha yar, waana in labo sano la nuujiyo. …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *