Faa’idada Cananaaska Iyo Cilladaha Caafimaad Ee Uu Aad Ula Dagaallamo

Cananaasku waa furuut nafaqo iyo caafimaad badan xambaarsan balse aan lagu baraarugsanayn. Cananaaska waxaa ka buuxo dheecaan burburiyeyaal, maadooyinka sunta ka saara jirka, fitamiinno iyo walxo kale oo caafimaadka faa’iido u leh.

Qiimaha nafaqo ee cananaaska:

Cananaaska waxaa ku jira fitamiinnada C, A, B6 iyo K, iyo macdanaha magnesium, calcium, phosphorus, zinc iyo potassium, waxaa kaloo laga helaa fiber, birta iyo maadada folate.

Waa maxay faa’iidooyinka caafimaad ee cananaaska?

Awood siinta difaaca jirka:

Cananaasku waxaa uu ka mid yahay cuntooyinka sare u qaada difaaca jirka, waa il wanaagsan oo laga helo fitamiin C oo ah sunsaare si wayn u xoojiya hab-dhiska difaaca jirka. Waxaa kaloo ku jirta maado la yiraahdo “bromelain” oo ka qayb qaadata awood siinta difaaca jirka iyo inuu iska caabbiyo xanuunnada ka dhasha difaac yarida sida ifilada iyo infekshannada.

Caawinta dheefshiidka:

Waxaa caananaaska ku jiro faybar oo uroon dheefshiidka iyo ka hortagga cilladaha caloosha. “Bromelain” waa dheecaan burburiye caawiya burburinta barootiinnada taas oo faa’ido u leh dheefshiidka.

Adkeynta lafaha:

Waxaa caananaaska laga helaa macdanaha calcium iyo manganese oo labaduba muhiim u ah adkeynta lafaha. Calcium waxay ka hortagtaa cudurka burburka (osteoporosis). Miraha cananaaska oo si joogto loo cuno waxay hoos u dhigtaa halista lafo-beelka.

Ka hortagga cudurka kansarka:

Cananaaska waxaa Alle ku abuuray walxo si wayn ula dagaallama cudurka kansarka, unugyada kansarkana baabi’iya. Maadada “bromelain waxay ka hortagtaa kansarrada ku dhaca naasaha, maqaarka iyo malawadka, iyadoo firfircooni ku abuurto unugyada dhiigga cad si ay u joojiyaan koriimada unugyada kansarka.

Miisaan dhimista:

Cabbitaanka caananaaska waxaa ku jirta maadada “bromelain” taas oo burburisa barootiinta, taas oo iyana gubta xayrta caloosha. Cananaaska waxaa ku yar kalooriyada sidaas darteed wuxuu aad ugu fiican yihiin dadka doonaya inay iscaateeyaan. Waxaa kaloo cananaaaska ku jira faybar kaas oo keenaya qofka inuusan gaajo dareemin waqti dheer taas oo iyana yaraynaysa jamashada cuntada.

Daawaynta xanuunka Arthritis-ka:

Bromelain waa lur bi’iye awood badan, xanuunnada lurka ama hurka u saaxiibka ah waxaa ka mid ah riixa iyo roomaatiisamka.

Daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in maadada “bromelain” ay dawo u tahay astaamaha roomatiisamka. Daraasad kale ayaa iyadana shaaca ka qaaday in maadadaani ay daawo ka tahay xanuunka tufta ama riixa iyadoo la barbardhigay dawada caanka ah ee diclofenac.

Kobcinta awoodda aragga:

Waxaa ku jira cananaaska maadooyinka sunsaarista sida fitamiin C iyo beta-carotene kuwaas oo yareeya xanuun ku dhaco indhaha loona yaqaanno “Macular Degeneration”, cilladaani waxay timaadaa qofka markuu duqoobo. Fitamiin C-ga waxa uu ka hortagaa caadka indhaha fuula. Waxay dhaqaatiirtu ku taliyaan in la joogteeyo cunttooyinka fitamiin C-ga qaniga ku ah sida cananaaska si looga hortago caadka indhaha fuulo.

Caafimaadka cirridka iyo ilkaha:

Cananaasku waxa uu la dagaallanaa bakteeriyada afka ku dhalato ee huurada keento, waxaana uu yareeyaa suuska iyo bololka ilkaha.

Caafimaadka wadnaha:

Maadooyinka sunsaarista ee ku jira cananaaska waxay ka hortagaan wadne xanuunka, waxay hoos u dhigaan kolestaroolka. Sida lagu ogaaday daraasad lagu sameeyay dalka Finland iyo shiinaha, caananaasku waxa uu yareeyaa halista xanuunka xididka wadnaha (coronary artery disease)

Caafimaadka maqaarka:

Fitamiin C-ga iyo maadada beta-carotene ee ku jira cananaaska waxay la dagaallamaan waxa loo yaqaanno “oxidative stress” oo soo dedejiya astaamaha duqnimada sida maqaarka oo kaduud yeesho. Haddaba si aad iskaga caabbiso calaamadaha dhakhso u duqoobista ku dedaal cabbitaanka cananaaska.

Check Also

shahwada raga, dhalmada raga,,

12 Cunno Oo Kordhiya Shahwada, Taranka Raggana Sare U Qaada

Midka mid ah waxyaabaha furaha u ah caafimaadka habdhiska taranka ee ragga waa tirada xawada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *